Loading...

Loading

Loading
(You are in the browser Reader mode)

4—Qirasho

“Kii xadgudubyadiisa qariyaa ma liibaani doono, laakiinse kii qirta oo haddana ka tagaa, naxariis buu heli doonaa.” Maahmaahyadii 28:13. Shuruudaha lagu heli karayo naxariista Ilaah waa kuwa fudud oo cadaalad ah oo macquulgal ah. Rabbiga inagama doonayo inaan samayno waxyaaba la yaab leh si dembiyadeenna uu noogu cafiyo. Laynaga dooni maayo inaan wado dheer qaadno, ama waxyaaba xanuun badan aan samayno, si nolosheenna aan ugu dhiibno Ilaaha samooyinka ama dembiyadeenna uu tirtiro; laakiin kii ka tagaa oo qirtaa dembiyadiisa ayaa naxariis heli doonaa. TXM 26.1

Rasuul Yacquub wuxuu leeyahay, “Midkiinba midka kale dembi-yadiisa ha u qirto oo ha u duceeyo si aad u bogsataan.” Yacquub 5:16. Dembiyadaada Ilaah hortiisa ku qiro, kaas oo ah kan keliya ee dembiyadaada cafiyi karayo, khaladaadkiinnana isku hor qirta. Haddii aad ku khaldantay walaalkaa ama deriskaaga, waa inaad aqoonsataa khaladaadkaaga, isagu waxaa markaas korkiisa ahaatay inuu ku cafiyo. Markaas ka dib waxaa doondoontaa cafinta Rabbiga, waayo, walaalka aad ku khal-dantay Ilaah ayaa isaga leh, markaad isaga dhaawacdayna waxaad ku dembaabtay kii isaga abuuray oo ah Badbaadiyihiisa. Dembiga waxaa la hor keenayaa dhexdhexaadiyaha keliya, oo ah wadaadkeenna sare, kaas oo ah, “Mid si walba loo jirrabay sideenna oo kale, oo aan weliba dembi lahayn,” kaas oo ah, “Mid ka naxa ittaaldarradeenna oo dhan,” oo awood u leh inuu inaga nadiifiyo qudhunka dembi kastaa. Cibraaniyada 4:15. Kuwa aan Ilaah hortiisa isku hooseysiinin iyagoo dembiyadooda qiranayo, weli ma ayan fulin shuruudda koowaad ee oggolaanshaha. Haddii aanan arkin waxa marka horeba ay tahay inaan ka toobadkeenna, oo innagoo nafteenna hooseysiinayna oo ruuxeenna jilcinayna aan dembiyadeenna qiranin, oo xadgudubyadeenna aan ka tagin, run ahaantii dhab uma aan doondoonin dembidhaafka dembiyada; haddii aan weligeen doonina maba aan helin nabadda Ilaah. Sababta keliya ee aan u heli Karin in dembiyadeenni hore aan la cafin waa inaan qalbiyadeenna hooseysiin wayno oo aan shuruudaha ereyga Ilaah ee xaqa ah aan fulin wayno. Ilaah ammarro cadcad ayuu ka dhiibay arriimahan. Qirashada dembiyada haddii ay tahay mid si bannaan ah loo sameeyay iyo haddii kaleba, waa in qalbiga laga dareemaa oo si xor ah loogu dhawaaqaa. Dembiilaha waa inaan lagu khasbin inuu dembiyadiisa qirto. Waana inaan loo samayn si aan taxaddar lahayn, ama la khasbo kuwa aanba garanayn xumaanta uu dembigu leeyahay. Qirashada ka yimaada nafta si buuxda wuxuu gaadhaa Ilaaha leh naxariista aan la qiyaasi Karin. Daa’uud wuxuu leeyahay, “Rabbiga waa u dhowyahay kuwa dembigooda ka caloolaysan, oo kuwa ruuxoodu qoomamaysan yahayna wuu badbaadiyaa.” Sabuurradii 34:18. Qirashada dhabta waxay keliya oo leedahay hal tilmaan, wayna aqoonsataa dembiyada gaarka ah. Waxaa laga yaabaa in dembiyada qaar u baahanyihiin oo keliya in Ilaah keliya la horkeeno; waxay kaloo noqon karaan dembiyo u baahan in lagu qirto shakhsiyaadki aan dhaawacyada gaarsiinnay; ama waxay kaloo noqon karaan kuwa u baahan in dad badan hortood lagu qirto, waana in markaas dembiyada u baahan in dad badan hortood lagu qirto aan u qirannaa sida laynaga doonayo. Laakiin qirasho kastaa waa in loo sameeyo si sax ah, adigoo aqoonsanayo dembiyadii aad garanayso inay dembiile kaa dhigeen. TXM 26.2

Maalmihii Samuu'eel reer Binu-Israa’iil waxay ka dheeraadeen Ilaah. Waxayna mutaysteen ciqaabtii ka timid xagga dembiyadoodii; sababtoo ah waxay rumaysan kari waayeen Ilaah, waxayna waayeen awoodii ahayd inay ugu taliyaan qarankoodii, wayna ku kalsoonaan waayeen in Ilaah uu iyaga difaaci karayo oo maamuuli karo. Waxay ka jeesteen Ilaaha maamula dunida oo dhan, waxayna dooneen inay isu maamulaan sida quruumaha kale oo iyaga deriska la ahaa. Intaanay nabad buuxa helin waxay sameeyeen qirashadan: “Dembiyadii oo dhan waxaan ku darsannay sharkan, markaannu boqor weydiisannay.” Samuu'eel Kowaad 12:19. Isla dembigii ay ogaadeen inay galeen ayaa ahaa inay qirtaan. Mahadnaq la’aantooda ayaa naftooda cabburiyey oo Ilaah ka fageeyay. TXM 27.1

Qirshada dembiga keligeed Ilaah ma aqbalayo in si daacad ah loo toobadkeena oo loo beddelmo maahee. Waa in nolosha go’aan ay ku gaarto inay wax beddesho; wax walba oo Ilaah ka cadhaysiinaya waa in layska fogeeyaa. Tan waxay ahaanaysaa natiijada ka qoomameenta dembiga ee saxda ah. Waxa innaga laynaga doonayo way caddahay: “Maydha, oo isnadiifiya, oo falimihiinna sharkooda, indhahayga hortooda ka fogeeya, oo sharka aad samaysaan daaya. Inaad wax wanaagsan samaysaan barta, oo caddaalad doondoona, oo kuwa la dulmay u gargaara, agoonta gartooda u qaada, oo carmalada u muddaca.” Ishacyaah 1:;16, 17. “Iyo hadduu sharrowgu rahaamaddii celiyo, uu wixii uu dhacay celiyo, oo qaynuunnada nolosha ku socdo, isagoo aan innaba xumaan samaynin, markaas hubaal wuu noolaan doonaa, mana dhiman doono.” Yexesqeel 33:15. Bawlos mar uu ka hadlayey hawsha toobadkeenidda, wuxuu yihdi, “Bal ogaada, waxan aad ka calool xumaateen sida Ilaah doonayey wuxuu dhexdinna ka soo saaray dadaal, iyo iscaddayn, iyo cadho, iyo cabsi, iyo xiiso, iyo qiiro, iyo ciqaabid waaweyn. Wax walba waad isku caddeyseen inaad xaalka ku eedla'dihiin.” 1 Korintos 7:11. TXM 27.2

Markuu dembigu diloodo damiirka wax garashadeenna, kan sharka lahu ma kala garanayo xumaanta naftiisa iyo sharka uu sameeyay inta uu la'eg yahay; ilamaa uu xoogga Ruuxa Quduuska ah isku dhiibana dembiyadiisa ayuu ku indha la’aanayaa. Qirashooyinkiisa ma ahaanayaan kuwa daacad oo wanaag doonaya. Markuu dembiyadiisa aqoon doonayaba wuxuu is tusiyaa sababta uu dembigaas u sameeyay, isagoo isku odhanayaa haddii ayan sababtaas ahayn ma uusan samayn lahayn waxaas uu sameeyay. Ka dib markay Aadan iyo Xaawo ay ka cuneen geedkii laga mamnuucay, waxaa ka buuxsantay ceeb iyo cabsi. Marka hore waxa keliya oo ay ku fikirayeen waxay ahayd siday dembigaas sabab ugu heli lahaayeen oo uga baxsan lahaayeen xukunkii dhimashada. Markuu Ilaah wax ka weydiiyey dembigii ay faleen, Aadan wuxuu ku jawaabay isagoo dembigiisa dusha ka saarayey Ilaah iyo Naagtiisii Xaawo ahayd: “Naagtii aad I siisay inay ila joogto ayaa geedkii wax iga siisay.” Naagtiina waxay eeddii dusha ka saartay abeesadii waxayna tihdi, “Abeesadaa I khiyaanaysay oo anna waan cunay.” Billowgii 3:12, 13. TXM 28.1

Maxaad marka horeba Abeesada u samaysay? Maxaad u keentay inay beerta dhex timaado? Su’aalahaas ayay ahaayeen waxay sabab uga dhigtay dembigeedii Naagta, iyadoo Ilaah dusha ka saartay dembigeedii. Ruuxa ah xaq iska dhigidda, waxay ka soo bilaabatay Aabaha beenta, waxayna ka wada muuqataa Wiilasha iyo gabdhihii Aadan uu dhalay. Qirashada noocaas kama timaado Ruuxa Quduuska ah, Ilaahna ma aqbalayo. Toobad keenidda saxda ah waxay dembiilaha ka dhigaysaa inuu dusha u ritto, oo u aqoonsado isagoo ayan wax munaafaqnimo ah ku jirin. Sidii Cashuurqadihii isagoo aan indhaha kor u qaadaynin, wuxuu ku qaylinayaa, “Ilaa-how, ii naxariiso anigoo dembiile ah,” kuwa dembiyadooda u aqoonsada si dhab ahna xaq ayaa laga dhigi doonaa, waayo, Ciise dhiggiisa ayuu ku muujin doonaa naftooda toobadkeentay awgeed. TXM 28.2

Tilmaanta uu ereyga Ilaah ka bixiyey toobadkeenidda saxda ah iyo is-hooseeysiinta waxay muujinayaan ruux qirasho leh oo aan wax sabab ah dembiyadiisa ka bixinaynin. Bawlos isaga daah iskuma uusan xidhin; wuxuu dembigiisa ka soo qaaday inuu yahay mid aad gudcur u ah, isagoo aan yaraynin dembiyadiisa. Wuxuuna leeyahay, “Weliba waxaan xabsi ku xidhay kuwo badan oo quduusiin ah, anigoo amar ka wata Wadaaddada sare, oo kolkii la dilayayba waan ku raacsanaa.” Oo marar badan ayaan iyaga ku ciqaabay sunagoogyada oo dhan, oo waxaan qasbay inay caytamaan; oo intaan aad iyo aad ugu cadhooday, ayaan iyaga ku silciyey tan iyo xataa magaalooyin ajanabi.” Falimaha Rasuullada 26:10, 11. Mana uusan ka hakan inuu sheego in “Ciise Masiix dunida u yimid inuu badbaadiyo dembiileyaasha; anoo ah kan ugu daran.” 1 Timoteyos 1:15. Kuwa hooseeya oo qalbiyadoodu jeban yihiin, oo ay ka xoog badatay inay si dhab ah u toobadkeenaan, waxay Ilaah uga mahadcelinayaan jacaylkiisa iyo isku-talaabta; sida uu Wiilku Aabihiis ugu qirto, sidaas oo kale ayuu kan sida saxda ah dembiyadiisa Ilaah hortiisa ugu qiranayaa. Sida qoran, “Haddaynu dembiyadeenna qiranno, isagu waa aamin iyo caaddil inuu dembiyadeenna inaga cafiyo, oo uu inaga nadiifiyo xaqdarrada oo dhan.” 1 Yooxanaa 1:9.  TXM 29.1