Loading...

Loading

Loading
(You are in the browser Reader mode)

5—Allabari

Ilaah ballankiisu waa, “Oo waad I doondooni doontaan, waanad I heli doontaan markaad qalbigiinna oo dhan igu doondoontaan.” Yeremyaah 29:13. TXM 30.1

Qalbiga oo dhan waa in Ilaah loo dhiibo, haddii kalese beddelka ah inaan sidiisa oo kale noqonna ma heli doonno. Dhab ahaan ayaan Ilaah ugu noqonnay kuwa isaga ka carara. Ruuxa Quduuska ahi wuxuu xaaladdeenna ku tilmaamaa sidatan : “Idinku waxaad ku dhimateen xadgudubyadiinna iyo dembiyadiinna.” “Madaxa oo dhammu waa bukaa, oo qalbiga oo dhammuna waa taag daran yahay;” Madaxa iyo minjaha inta ka dhex leh innaba caafimaad ma leh.” Waxaa iyagu qabsaday dabinka Ibliiska, “Iyagoo lagu qabtay si ay muraadkiisa u yeelaan.” Efesos 2:1; Ishacyaah 1:5, 6; 2 Timoteyos 2:26. Ilaah wuxuu jecelyahay inuu ina bogsiiyo, oo xor inaga dhigo. Laakiin maadaamoo tan u baahantahay is beddel dhamaystiran, iyo dabiiciyaddeenna oo la cusboonaysiiyo, waa inaan isaga si buuxda isigu dhiibnaa. TXM 30.2

Dowladda Ilaah ma aha sida shaydaanku uu doonayo inuu dadka ugu muujiyo mid aasaaskeedu yahay hogaansan indha la’aan ah, iyo xukun aan macquul gal ahayn. Waxay la hadlaysaa caqliga iyo damiirka. “Haatan kaalaya oo aynu u wada fariisannee,” ereyadaas cassuumaadda mid kastaa oo abuurkiisa ka mid ah. Ishacyaah 1:18. Ilaah ma khasbo doonista abuurkiisa. Mana aqbali karo imaansho aan doonista iyo caqliga ka iman marka horeba. Khasabka oo keliya wuxuu hor joogsanayaa horumarka maanka iyo dhaqanka; dadkuna wuxuu ka dhigayaa kuwa sida mashiimaha ama rumuud kantaroolka la maamulo. Taas ma aha ujeeddada Ilaah. Wuxuu jecelyahay Aadanaha oo ah kan abuurkiisa ugu sarreeya, inay gaadhaan horumarka ugu sarreeya. Wuxuu horteenna dhigaa barakadiisa kuwaas oo uu doonayo inuu innagu soo gaadhsiiyo xagga nimcadiisa. Wuxuu inaga doonayaa inaan isaga oo keliya isa siinno, si uu doonistiisa inooga dhex shaqeeya. Waa hawl innaga inoo taalla inaan kala dooranno inaan ka xorowno dembiga, oo aan Wiilasha Ilaah ammaanta la qaybsanayno iyo in kale. TXM 30.3

Markaan Ilaah isa siinayno, waa inaan wax kastaa oo isaga inaga fogeynaya ka tagno. Sababtaas daraadeed ayuu Badbaadiyuhu u yidhi, “Sidaa darteed midkiin walba oo aan ka tegin wuxuu leeyahay oo dhan, xer iima noqon karo.” Luukos 14:33. Wax kastaa oo qalbiyadeenna Ilaah ka dheeraynaya waa inaan ka tagnaa. Aduunyo ayay kuwa badan sanam ay caabudaan ka dhigteen. Jacaylka lacagta, iyo jacaylka hantida ayaa ah waxa iyaga shaydaanka ku haya. Sumcadda iyo sharafta adduunka ayay kuwa kalena caabudaan. Kuwa qaarna waxay sanam ka dhigtaan inay iyaga isjeclaadaan oo ayan wax masuuliyad isa saarin. Laakiin waxyaabahaas oo dhan waa inaan ka tagnaa. Ma raaci karno qeybna Rabbiga, qeybna aduunyada. Ilaah carruurtiisa ma noqon karno inaan si buuxda isaga keliya u raacno maahee. TXM 31.1

Waxaa jiraan kuwa sheeganaya inay Ilaah u adeegayaan, iyagoo aaminaya inay kartidooda sharciyada Ilaah ku dhawraan, oo ay nolol wanaagsan u lahaadaan si ay badbaado iyaga ugu sugnaato. Qalbiyadooda ma dhaqaajiyaan wax dareenka jacaylka Masiixa ah, laakiin waxay waxyaabaha Ilaah Masiixiga ka doonayo u sameeyaan inay janno helaan. Diinta noocaas ah mid wax tar leh ma aha. Markuu Masiixu ku dhex noolaado qalbiga, nafta waxaa ka buuxsamayaa jacaylkiisa, iyo farxadda ah inay isaga la lahaadaan xidhiidh, naftuna waxay ku dhigaysaa isaga oo keliya; jacyalka ay isaga u qabaan ayaan illowsiinaya inay iyaga isjeclaadaan. Jacaylka Masiixa ayuu shuqulladooda oo dhan ku salaysnaanayaan. Kuwa leh jacaylka Masiixa ma weydiistaan in wax la siiyo oo ay amarrada Ilaah ku fuliyaan; mana weydiistaan qiyaasta ugu hooseysa, laakiin waxay doondoonaan si dhamaystiran inay u helaan doonista Badbaadiyahooda. Iyagoo si aad ah u jecel ayay qalbiyadooda oo dhan iyo naftooda ugu dhiibaan kan ay doonayaan. Sheegashada Masiixa adigoo aan lahayn jacayl aad u qota dheer waa iska hadal, sheegasho qallalan, iyo culaab aan waxba tarayn. TXM 31.2

Ma waxaad u malaynaysaa in ay tahay hawl aad u culus in adiga oo dhan aad Masiixa isku dhiibtid? Is weydi su'aasha ah, “Muxuu Masiixu u bixiyey aniga aawadey?” Wiilka Ilaah wuxuu bixiyey dhammaan, noloshiisa, iyo jacaylkiisa, iyo dhibaatoo dhan badbaadadinteenna awgeed. Miyaan markaas noqonaynaa kuweennaan leh qalbi liita, oo aan wax qiimo ah lahayn, oo aan jacayl lahayn, inaan qalbiyadeenna isaga u dhiibno miyaan isaga ka celinnaa? Saacad walba ee nolosheenna waxaan kala qayb qAadanaynay barakada nimcadiisa, sababtaas aawgeedna ma fahmi karno dhibaatadii iyo belaayadii laynaga badbaadiyey. Ma eegi karnaa kii dembiyadeenna awgood loo wareemay, oo welina doonayey inuu inoo sameeya jacaylkiisa iyo doonistiisa qurbaanka oo dhan? Markaan eegno is-hooseysiinta aan la qiyaasi Karin ee Rabbiga ammaanta, ma inaan gunuunacnaa maadaamo aan ogaannay inaan nolosha weligeed ah ku heli karno oo keliya dhib iyo is-hooseysiin? TXM 31.3

Kuwa badan waxay is weydiinayaan, “Maxaan uga baahanahay inaan isu-hooseysiiyo, intaanan helin hubaasha aqbalkayga xagga Ilaah ka hor?” Anugu waxaan kuu tilmaamayaa Masiixa. Wuxuu ahaa mid aan dembi lahayn, taas waxaana sii dheerayd wuxuu ahaa Amiirka samada; laakiin innaga awgeen ayuu dembi u noqday. “Waxaana lagu tiriyey kuwa xadgudbay, weliba wuxuu xambaartay kuwa badan dembigood, wuuna u duceeyay kuwa xadgudbay.” Ishacyaah 53:12. TXM 32.1

Laakiin maxaan ka tagaynaa, markaan wax walba siinno? Qalbi uu dembi qudhmiyey, inuu Ciise nadiifiyo, inuu dhiiggiisa ku maydho, oo uu ku badbaadiyo jacaylkiisa aan qiyaasta lahayn. Laakiin kuwa badan waxay u maleeyaan inay adag tahay in wax kastaa isaga awgii looga tago! Waan ka xishoonayaa inaan maqlo iyadoo laga hadlayo, waana ka xishoonayaa inaan qora. TXM 32.2

Ilaah inagama doonayo inaan wax walbaa oo aan haysanno ka tagno haddii ay yihiin wax wanaageenna ku jiro. Wax kastoo uu isagu sameeyo, wuxuu u sameeyaa oo keliya wannaagga Carruurtiisa. Haddii ay kuwa aan Masiixa rumaysnayn dhammaantood ogaan lahaayeen inuu ula laaban yahay wax ka wanaagsan waxyaabaha ay iyaga isla doonayaan, way fiicnaan lahayd. Dadku iyaga ayaa isku sameynaya dhaawacyada iyo caddaalad darrada ugu weyn ee naftooda markay ku fikiraan wax lid ku ah doonista Ilaah. Farxad laga heli karo ma laha jidka uu mamnuucay kan garanaya wanaagga wax kastaa oo u qorsheeyay wax walba wanaagga abuurkiisa awgood. Jidka xadgudubka waa jidka belaayada iyo burburka. Waa khalad in la aamino in Ilaah uu ku farxo markuu arko Carruurtiisa oo dhibtoonayaan. Jannada oo dhan waxaa laga doonayaa farxadda Aadanaha. Aabaheenna Jannada ku jira kama xidho jidadka farxadda abuurkiisa mid ka mid ah. Qaynuunnada Rabbiga ayaa inoo sheegayaan inaan ka fogaanno wax kasta oo dhib inoo keenayo, kuwaas oo inaga xidhaya albaabbada jannada. Badbaaiyaha Aduunyada wuxuu dadka ku aqbalaa sida ay yihiin, iyagoo wata dooniistooda oo dhan, qudhunkooda, iyo daciifnimadooda; ma doonayo oo keliya inuu dhiiggiisa dembiyada kaga nadiifiyo oo ku badbaadiyo, laakiin wuxuu xataa qancin doonaa qalbiyada wada doonayo inay harqoodkiisa qaataan, oo ay culaabtiisa u adkaystaan. Ujeeddadiisu waxaa weeye inuu nabad iyo nasiino siin doona inuu isaga u aqbalo inuu yahay kibista dhabta ah ee nolosha. Waxaa keliya oo uu innaga doonayaa inaan samayno amarradiisa kuwaas oo innagu hagayo tallaabooyinka farxadda taas oo ayan kuwa aan adeecin heli karayn. Farxadda dhabta ee nolosha waa inay hesho Masiixa oo ah rajada ammaanta. TXM 32.3

Kuwa badan ayaa waxay is weydiinayaan “sidee baan Masiixa isugu dhiibi karaa?” haddii aad doonaysid inaad isaga isu dhiibtid, laakiin damiirkaada oo hooseeya, oo addoon u tahay shakiga, ay noloshaadu u taliyaan dhaqamada dembiga. Xalkaagu iyo ballamadaadu waa sida hal bacaad lagu lisay. Waad u talin kari la’dahay fikirradaada, dareemahaada, iyo waxyaabaha aad jeceshahay. Ballamadii iyo axdiyadii kuu rumoobi kari waayey ayaa sii daciifinayaan daacadnimadaada, markaasay waxay kaa dhigayaan inaad u malaysid in Ilaah uusan ku aqbalayn; laakiin ma aha inaad rajo dhigtid. Waxa lagaa doonayo inaad fahantid waa xoogga dhabta ah ee doonista. Taas ayaa ah awooda ka talisa jidhka Aadanaha oo dhan, waana awooda aad wax ku go’aansan kartid ama aad ku dooran kartid. Wax kastaa waxay ku xidhanyihiin falimaha doonista. Xoogga doorka Ilaah wuu siiyey dadka; iyaga ayaana laga doonayaa inay ka shaqeysiiyaan. Qalbigaaga ma beddeli kartid, qalbigaaga doonistiisana kama dhigi kartid mid doondoona waxyaabaha Ilaah uu jecelyahay; laakiin waad dooran kartaa inaad Ilaah u adeegtid. Waad siin kartaa doonistaada iyo doorkaaga; markaas ayuu isaga kaga shaqeysiinayaa inuu doonistiisa sameeyo oo wanaag falo. Markaas dabeecaddaada o dhan waxay hoos imanaysaa talada Ruuxa Quduuska ah; waxyaabaha aad jeclaanaysidna waxay ahaanyaan waxyaabaha uu isaag jecelyahay, fikirradaaduna waxay mid la noqonayaan kuwiisa. TXM 33.1

Jacaylka waxa wanaagsan iyo xaqa waa sax haddii ay u fulayaan sidaad u jeclaatay; laakiin haddaad dhexda ku joojisid waxba ma noqonayaan. Kuwa badan ayaa lumi doonaan iyagoo weligood rajaynayaan inay Masiixiyiin noqdaan. Weligood ma gaadhaan meel ay doonistooda iyo damiirkooda Ilaah u dhiibaan. Hadda ma dooranayaan inay Masiixiyiin noqdaan. TXM 33.2

Haddii aad si wanaagsan doonista uga shaqaysid, waxaa laga yaabaa noloshaada oo dhan inay beddelmatto. Markaad Masiixa doonistaada oo dhan u dhiibtid, waxaad la safanaysaa awooda ah tan ka sarreysa awooda kasta iyo xoog kasta. Waxaad heli doontaa xoog xagga sare ka yimid oo ku xajiyo, isu dhiibiddaada Ilaah maalin walbana waxaad karay - saa inaad ku noolaatid nolosha cusub, xataa inaad ku noolaatid nolosha rumaysadka. TXM 34.1