Loading...

Loading

Loading
(You are in the browser Reader mode)

6—Rumaysad iyo Aqbalid

Markuu ruuxaagu dhex galay Ruuxa Quduuska ah, waxaad wax ka argtay wax ka mid ah xumaanta uu dembigu leeyahay, iyo xooggiis, iyo xukunkiisa, iyo belaayooyinkiisa; markaasaad waxaad billaabaysaa inaad isaga qudhiisa karaahaysatid. Waxaad dareemaysaa in dembigu Ilaah kaa foogeeyay, oo aad addoon u noqotay xoogga sharka. Intaad sii doonaysid inaad ka baxsatid, ayaa ah intaad sii ogaanaysid gargaar la’aantaada. Fikirradaadu waxay noqonayaan kuwa aan daahir ahayn; qalbigaaguna mid aan daahir ahayn. Waxaad dareemaysaa in noloshaadu ay ka buuxsantay bakheelnimo iyo dembi. Waxaad doondoonaysaa in laguu dembidhaafo, oo xor lagaa dhigo. Inaad Ilaah xidhiidh la yeelatid, oo ekaantiisa lahaatid sideed ku gaadhi kartaa? TXM 35.1

Waxa aad u baahantahay waa nabad, xagga samada oo lagaa cafiyo, iyo nabad iyo jacayl oo naftaada ka buuxsamo. Lacag ma iibin karto jacaylkaas iyo nabaddaas, caqligana laguma gaadhi karo, xigmaddana ma keeni karto; weligaana ma rajayn doontid inaad dadaalkaaga ku gaadhtid. Laakiin Ilaah ayaa diyaar kuula ah inuu kuu siiyo hadiyad ahaan, “Lacagla’aan iyo iibla'aan ku qaata.” Ishacyaah 55:1. Adiga ayaa lahaanaya haddii aad gacantaada u fidisid inaad qabsatid. Wuxuu Rabbigu leeyahay, “Inkastoo ay dembiyadiinnu guduudan yihiin, sida baraf cad oo kalay u caddaan doonaan, oo inkastoo ay cascas yihiin, sida suuf oo kalay ahaan doonaan.” Ishacyaah 1:18. “Oo weliba waxaan idin siin doonaa qalbi cusub, oo ruux cusubna waan idin gelin doonaa.” Yexesqeel 36:26. TXM 35.2

Dembiyadaadi waad qiratay, qalbi ahaanna waad iskaga fogeysay. Waxaadna go’aansatay inaad si buuxda Ilaah isu siisid. Haddaba isaga u tag, oo weydiiso inuu dembiyadaada maydho oo qalbi cusub ku siiyo. Markaas waxaad aamintaa in waxyaabahaas uu u sameeyay waayo, wuu ballanqaaday. Casharkan ayuu ahaa kii uu Ciise dadka baray intuu dunida joogay, hadiyadda Ilaah inaga ballanqaaday, markaan aaminno ayaan helaynaa markaasna innaga ayaa leh. Ciise wuxuu dadka cudurradooda ka bogsiiyey markay rumaysteen xooggiisa; wuxuu ka caawiyey waxyaaba ay arki kareen, kuwaas oo uu iyaga ku dhiirrageliyey inay hubsadaan waxyaabaha ayan arkin, taas oo ku hogaamisay inay xooggiisa aaminaan inuu dembiga ka cafiyi karayo. Tan wuxuu caddeeyay markuu bogsiiyey ninkii curyaanka ahaa: “Laakiin si aad ku garataan in Wiilka Aadanahu ku leeyahay amar uu dembiyada ku cafiyo (markaasuu kii curyaanka ahaa ku yidhi), kac oo sariirtaada qaado oo gurigaaga tag.” Matayos 9:6. TXM 35.3

Sidaas oo kale ayuu Yooxanihii wacdiyaha ahaa yidhi, markuu ka hadlayey calaamooyinkii Masiixa, “Laakiin waxyaalahan waxaa loo qoray inaad rumaysataan inuu Ciise yahay Masiixa, Wiilka Ilaah, iyo inaad no-losha ku lahaataan magaciisa idinkoo rumaysanaya.” Yooxanaa 20:31. TXM 36.1

Markaan ka eegno xagga Kitaabka Quduuska ah siduu u bogsiiyey kuwii bukay, waxaan wax ka baranaynaa sida loo rumaysto inuu xoog u leeya-hay inuu dembiyadeenna cafiyi karayo. Bal haddaba, aan eegno sheekadii ninkii curyaanka ahaa ee wartii Beytsayda lagu bogsiiyey. Kii bukay wuxuu ahaa mid aad gargaar ugu baahan; addimadiisiina ma uusan isticmaalin mudo soddon iyo siddeed sanadood ahayd. Laakiin Ciise wuxuu ku yidhi, “Kac, oo sariirtaada qaado oo gurigaaga tag.” Ninkii curyaanka ahaa wuxuu odhan karay, “Rabbiyow, haddii aad doonaysid I bogsii, markaas ayaan ereygaaga rumaysan doonaaye.” Laakiin sidaas ma uusan u hadlin, wuxuu rumaystay ereyga Masiixa, wuxuuna aaminay in sidaas laguba bogsiiyey, wuxuuna isla markiiba yeelay sidii la yidhi yeel; wuxuu doonay inuu socda, wuuna socday. Wuxuu ku camal falay ereygii Ma-siixa, Ilaahna wuxuu siiyey xoog. Wuuna ka bogsaday curyaannimadiisii. Sidaas oo kale waxaad adiguna tahay dembiile. Kafaarogudna kama dhiibi kartid dembiyadaadii hore; qalbigaagana ma beddeli kartid oo quduus iskama dhigi kartid. Laakiin Ilaah ayuu wuxuu kaa ballanqaadayaa inuu waxyaabahaas oo dhan kuugu samayn doona Masiixa xaggiisa. Rumayso ballanqaadkaas. Dembiyadaada qiro, oo Ilaah isa sii. Go’aanso inaad isaga u adeegtid. Markaad sidaas samaysid, runtii Ilaah ereygiisana wuu fulin doonaa. Haddii aad rumaysatid ballanka, waxaad kaloo rumaysataa in dembiyadaada la cafiyey oo lagu daahiriyey, Ilaah wuxuu bixiyaa xaqiiqada; waxaa lagaa dhigayaa mid kaamilan sidii Masiixuba uu ninkii curyaanka ahaa xoog u siiyey uu ku socda, markuu curyaankii rumaystay in la bogsiiyey. Sidaas oo kale ayay kuu ahaanaysaa haddaad rumaysatid. Ha sugin inaad aragtid in lagu kaamilayo, laakiinse waxaad tidhaahdaa, “Waan rumaystay; waana sidaas aan u rumaystay, sababtu ma aha inaan arkay, ama dareemay, laakiin waayo, Ilaah ayaa ballanqaaday.’” TXM 36.2

Ciise wuxuu leeyahay, “Wax kasta oo aad tukasho ku baridaan, rumaysta inaad hesheen oo way idiin ahaan doontaa.” Markos 11:24. Ballankan wuxuu leeyahay shardi, waana inaan doonista Ilaah ku tukanno. Laakiin waa doonista Ilaah tan inaga nadiifinayso dembiyada, oo innaga dhigayso inaan noqonno carruurta Ilaah, oo ina karansiinayso inaan ku noolaanno nolol quduus ah. Sidaas daraadeed waxaan Ilaah weydiisan karnaa barakooyinkan, oo aan rumaysanno inaan helnay, oo Ilaah uga mahadcelinno inaan helnay. Waxaan leennahay fursad aan Ciise ugu tagno oo uu inagu nadiifin karo, oo aan ku hor joogsan karno sharciga innagoo ceeb iyo iin la’aan ah. “Sidaas daraadeed, kuwa Ciise Masiix ku dhex jiraa, haataan xukun ma laha.” Rooma 8:1. TXM 37.1

Markaas laga billaabo keligiin ma ahaanaysaan; waxaa laydinku soo iibsaday qiimo weyn. “Laydinkaga soo furan waxyaalaha baaba’aya oo ah sida lacagta iyo dahabka;....laakiinse waxaa laydinku soo furtay dhiiggii qaaliga ahaa oo Masiix oo ah sidii wan yar oo aan wax ceeb ah iyo iin toona lahayn.” 1 Butros 1:18, 19. Qaabkaas fudud ee aad Ilaah ku rumaysatay, Ruuxa Quduuska ah wuxuu qalbigaaga ku dhex abuuray nolol cusub. Waxaadna noqonaysaa Ilmo xagga Ilaah laga dhalay, oo ka mid reerka Ilaah, wuxuuna kuu jecel yahay siduu Wiilkiisa u jecel yahay. Maadaamoo markan aad Ciise aqbashay, gadaal ha u laaban, hana ka dheeraanin isaga, laakiinse waxaad maalin kastaa tidhaahdaa, “Aniga waxaan ahay kan Masiixa; Waxaana isa siiyey isaga;” oo weydiiso inuu ku siiyo Ruuxiisa iyo inuu nimcadiisa kugu dhawro. Sida aad markaad Ilaah isa siisid, oo aad rumaysatid u noqonaysaa mid ka mid ah carruurta Ilaah, sidaas oo kale ayaa lagaa doonayaa inaad isaga ku sii noolaatid. Wuxuu Rasuul Bawlos leeyahay, “Haddaba sidaad u aqbasheen Rabbi Ciise Ma siix, ku socda.” Kolosay 2:6. TXM 37.2

Kuwa qaar ayaa waxay u maleeyaan inay ku khasbanyihiin inay marka hore wanaagsanaadaan, oo Ilaah u caddeeyaan inay yihiin kuwa toosnaaday, intaanay helin barkadiisa ka hor. Laakiin run ahaantii way sheegan karaan barakada Ilaah haddaba. Waa inay leeyihiin nimcadiisa, iyo Ruuxa Masiixa, si ay uga adkaadaan dembiyadooda, haddii kalese iskama celin karaan sharka. Ciise wuxuu jecel yahay inaan ugu nimaadno sida aan nahay, annagoo ah, kuwa dembiileyaal ah, oo gargaar la’aan ah, oo isaga keliya ku tiirsan. Inta aan la nimaadno daciifnimadeenna, iyo doqonnimadeenna, iyo dembiilenimadeenna oo dhan, ayaa waxaan cagihiisa hostooda ku dhici karnaa innagoo xumaatooyinkeenna oo dhan ka qoomamaysan. Waa ammaantiisa tan inagu hareereen karta gacmihiisa iyo jacaylkiisa, oo dhaawacyadeenna oo dhan inaga tirtiri karto, oo inaga nadiifin karto qudhukeenna oo dhan. TXM 37.3

Halkan ayay kumannaan badan ku turunturroodaan; ma ay rumaystaan in Ciise dembiyadooda ku cafiyi karayo sida ay yihiin shaksi ahaantooda. Ilaah ereygiisana kuma kalsoonaadaan. Waa fursadda kuwa dhammaan shuruudaha fuliyaan kuwa ogaan karo in dembidhaafku ya-hay mid loogu talagalay dembi kastaa. Iska saar shakiga ah in ballamada Ilaah aan adiga laguugu talagelin. Waxaa loogu talagalay ku kasta oo Ilaah ku xadgudbay oo doonaya inuu toobadkeena. Xoog iyo nimco ayuu Ilaah ka ballanqaaday inuu siinayo naf kasta oo rumaysata ballamadiisa iyo inay malaa’igo u adeegi doonaan. TXM 38.1

Ma jiraan kuwa aad uga dembi badan kuwa kale oo aan xoog, iyo daahirsanaan, iyo xaqnimo ka heli karayn xagga Masiixa oo ah kii u dhintay iyaga awgood. Wuxuu diyaar u yahay inuu ka saaro dharkooda la wasakhoobay oo la qudhmay dembiga, oo uu iyaga u xidho khamiisyada xaqnimada oo cad cad; Wuxuuna iyaga u sheegayaa inay noolaadaan oo aanay dhiman. TXM 38.2

Ilaah inooma maalulo sida ay Aadanaha isu maamulaan oo kale. Fikirradiisu waa naxariis, jacayl, iyo dabacsanaan, wuxuuna leeyahay, “Ka sharka lihi jidkiisa ha ka tago, ninka aan xaqa ahaynuna fikirradiisa, oo Rabbiga ha u soo noqdo, oo isna wuu u naxariisan doonaa, oo ha u yimaado Ilaaheenna, waayo, aad buu u saamixi doonaa.” “Sidii daruur qaro weyn ayaan xadgudubyadiinnii u tirtiray, oo sidii daruur oo kale ayaan dembiyadiinniina u tirtiray.” Ishacyaah 55:7; 44:22. TXM 38.3

“Anigu kii dhinta dhimashadiisa kuma farxo, haddaba soo noqda oo noolaada.” Yexeqeel 18:32. Shaydaanku wuxuu diyaar u yahay inuu xado hubaasha barakaysan ee Ilaah. Wuxuuna jecel yahay inuu rajo kasto oo iftiin ah ka qaado nafta; laakiin waa inaanad adiga u oggolaan inuu sidaas yeela. Dheg ha u dhigin kan wax jirrabayo, laakiinse waxaad tidhaahdaa, “Ciise wuxuu u dhintay inaan noolaado. Wuu I jecel yahay doonistiisana ma aha inaan lumo. Waxaan leeyahay Aabe aad ii jecel oo samada jooga; inkastoo aan si xun u isticmaalay jacaylkiisa, barakooyinkii uu I siiyeyna gacantayda laga dhufsaday, waan kacayaa oo waxaan u tegayaa Aabahay, oo waxaan odhanayaa, ‘Waan ku dembaabay samada, iyo hortaada, mudnaan ma lihi ah in laygu yeedho wiilkaaga: waxaad iga dhigtaa mid ka mid ah shaqaalahaaga.” Masaashan ayaa kuu sheegaysaa sida kan wareersan loo aqbali doona: “Laakiin intuu weli ka fogaa ayaa aabihiis arkay, waana u naxariistay, oo ku soo orday oo qortuu iskaga duubay, oo dhunkaday.” Luukos 15:18-20. TXM 38.4

Xataa masaalkan in kastoo ay tahay mid aad inoo taabanaysa, haddana naxariista Aabaheenna janada siday tahay uma tilmaami karto. Wuxuu Rabbigu nebi Yeremyaah kaga dhex hadlay, “Waxaan kugu jeclaaday jacayl daa’im ah, oo sidaas daraadeed raxmad baan kugu soo jiitay.” Yeremyaah 31:3. Inta uu dembiiluhu weli ka fogyahay guriga Aabaha, oo uu xooggiisa iyo maalkiisa ku luminayo dal kale, qalbiga Aabaha wuu doondoonayaa; naftu inay kacdo oo Ilaah ku soo laabato ayaana ah waxa Ruuxa Ilaah doondoonayo, isagoo dembiilaha ku soo jiidaya xagga jaca-ylka qalbiga Ilaah. TXM 39.1

Adigoo haysta ballamadan hodanka ah ee Kitaabka Quduuska ah, miyaad shakiyi kartaa? Miyaad rumaysan kartaa in marka dembiiluhu doondoona inuu soo laabto, oo uu doonayo inuu dembiyadiisa ka tago, Rabbigu inuu cagahiisa ka celinayo inay toobadkeenaan? Ka fogaada fikirrada noocaas ah! Mana jiro wax naftaada uga daran inaad Aabahaaga jannada ka aamintid fikirrada caynkaas ah. Ilaah wuu neceb yahay dem-biga laakiin wuu jecel yahay dembiilaha, wuxuuna xagga Masiixa isku bixiyey kuwa doonaya inay badbaadaan oo ay lahaadaan barakada boqortooyada weligeed ah ee amaanta. Maxaa kale buu isticmaali lahaa ee ka badan ee ka badan sida uu hadda inoola hadlay markuu yidhi, “Mi yaa naagu ilmaheeda nuuga illoobi kartaa inayan Wiilkii uurkeeda ka soo go’ay u naxariisan? Mindhaa kuwaasu way illoobi karaan, aniguse innaba ku illoobi maayo.” Ishacyaah 49:15. TXM 39.2

Xagga sare eeg kaaga shakisanow oo naxsanow; waayo, Ciise wuxuu u noolyahay inuu dhexdhexaadiye inoo ahaado. Ilaah uga mahad celi sida uu Wiilkiisii uu jeclaa hadiyad ahaan ugu bixiyey waxaadna ku tukataa inuusan meel cidlo ah kuugu dhiman. Ruuxa maanta ayuu kuu yeedhayaa. Qalbigaaga oo dhan Ciise ula imaaw, waadna heli kartaa barakooyinkiisa. TXM 39.3

Markaad akhrinaysid ballamada, xusuuso inay ka yimaadeen mid jacayl iyo naxariis badan leh. Qalbiga Ilaah eel eh jacaylka aan la qiyaasi karin, wuxuu dembiilaha u soo jiidaa xagga naxariista Ilaah. “Waxaynu dhiiggiisa ku leennahay madaxfurasho ah dembidhaafkiisa.” Efesos 1:7. Haa waxaa keliya ood aamintaa in uu Gargaarahaaga yahay. Wuxuu doonayaa inuu dib ugu soo celiyo ekaantiisii xagga damiirka Aadanaha. Markaad isaga ugu soo dhowaanaysid qirasho iyo toobadkeenid, wuxuu kuugu soo dhowaanayaa naxariis iyo dembidhaaf. TXM 40.1