Loading...

Loading

Loading
(You are in the browser Reader mode)

7—Tijaabada Xernimada

“Sidaas daraadeed haddii qof Masiix ku jiro waa abuur cusub, oo waxyaalihii hore way idlaadeen, bal eega, wax waliba way cusboonaadeene.” 2 Korintos 5:17. TXM 41.1

Qofku waxaa laga yaabaa inuu xusuusan kari waayo saacaddii iyo meeshii, ama marxaladihii kala duduwanaa ee uu maray markuu badbaadayey; laakiin taas caddayn uma aha inuusan badbaadin. Masiixa wuxuu Nikodemos ku yidhi, “Dabayshu way u dhacdaa meeshay doonto, waxaadna maqashaa xiinkeeda, laakiin ma ogid meeshay ka ti-maado iyo meeshay u kacdo; waa sidaas oo kale qof kasta oo Ruuxa ka dhasho.” Yooxanaa 3:8. Sida ay dabayshu u tahay waxaan muuqan, laakiinse ay waxyaabahay geysato ay u muuqdaan oo loo arko, waa sidaas oo kale Ruuxa Ilaah markuu qalbiga ka dhex shaqeynaya. Awoodaas wax cusboonaysiinaysa, oo il Aadanana aysan arki karin, ayaa waxay qalbiga ku dhex abuuraysaa nolol cusub; waxay abuuraysaa qof cusub oo ah ekaanta Ilaah. Maadaamoo aan shaqada Ruuxa la arki karin oo aamusan, haddana natiijooyinka waxay noqdaan kuwa muuqda. Haddii qalbiga laga cusboonaysiiyey xagga Ruuxa Ilaah, noloshaada midhaheeda ayay ka muuqanayaan. Maadaamoo aan samayn karin waxyaabo aan qalbiya-deenna ku cusboonaysiinno oo aan xidhiidhkii Ilaah dib ugu soo celinno; inta aan wanaageenna iyo dadaalkeenna tala saaranayn, nolosheenna waxay muujinaysaa in nimcada Ilaah inagu jirto iyo in kale. Beddelka sidiisuba wuxuu ka muuqdaa dhaqanka, dabeecadaha iyo sida aan wax u samayno. Sida uu is beddelku u dhacay way iska caddaanaysaa sidaad ahaan jirtay iyo hadda sidaad tahay. Waxaad tahay ayaa muuqanaysaa, ma aha xagga wanaagga aad samaysid ama aad samayn wayside, laakiin sida ay dhaqamadaadu iyo shuqulladaadu isu beddeleen. TXM 41.2

Waxaa laga yaabaa in mararka qaar muuqaal ahaan iyo dhaqan ahaan ka wanaagsanaatid, adigoo xoogga Masiixa qalbigaaga cusboonay siinin. Jecaylka aad u qabtid inaad dad kale saamayn ku yeelatid, iyo in-aad kuwa kale sharaf badan la jeclaatid ayaa waxay soo saari kartaa nolol qorshaysan. Qiimayn aan isu hayno ayaa waxay inaga celin kartaa inaan sharka iska dhawrno. Qalbi wax kasta isaga isla jecelna wuxuu mararka qaar sameeyaa waxyaabo wanaagsan. Laakiin sidee baan ku garan karnaa kan xaggiisa aan la jirno? TXM 41.3

Ayaa qalbiga hayaa? Ayey fikirradeennu la jiraan? Ayaan jecel nahay inaan la sheekaysanno? Ayaan ka helnaa waxyaabahan aan jecel nahay iyo sheekooyin qosol leh/ haddii aan Masiixa la jirno fikirradeennuna isaga ayaa hayaa, waxyaabaha aan ugu jecel nahayna waxay ka yimaadaan xaggiisa. Wax walboo aan haynona oo aan nahayba isaga ayaan siinnaa. Waxaan doondoonnaa inaan sidno ekaantiisa, Ruuxisana aan ku neefsanno, doonistiisana aan yeelno, oo wax walba aan kaga farxinno. TXM 42.1

Kuwa xagga Ciise Masiix ku noqda abuur cusub, waxay soo saari doonaan midhaha Ruuxa, “jacayl, farxad, nabad, dulqaadasho, roonaan, wanaag, aaminnimo, qabownimo, iscelin.” Galatiya 5:22, 23. Mar dambe kuma sii socon doonaan sidii hore ay ugu socon jireen oo kale, laakiin xagga rumaysadka Wiilka Ilaah waxay raaci doonaan tallaabooyinkiisa, waxayna soo bandhigi doonaan sida saxda ah uu Ilaah doonayo, waxayna isu daahirin doonaan oo isu nadiifin doonaan siduu isaguba nadiif u yahay. Waxay markii hore nebcaan jireen hadda way jeclaadaan, kuwii ay markii hore jeclaan jireenna hadda way nebcaadaan. Kii kibirka iyo faanka badnaan jiray, wuxuu xagga qalbiga ka noqdaa mid qabow. Kii faaruqa iyo caajiska ka buuxayna wuxuu imminka noqdaa mid si dhab ah wax u qabsado. Kii sakhraanka ahaana wuxuu noqdaa mid aan sakhraan ahayn, fataalkiina wuxuu noqdaa mid aan dib dambe wax ugu cayaarayn. Dhaqammadii xumaa ee dunida waxay noqdaan kuwa gees layska dhigay. Masiixiyiintu ma doonaan inay, “Qurxinta dibadda ah,” laakiinse waxay doondoonaan, “Inta qalbiga ee qarsoon, taasoo leh wax aan baaba’ayn ee ah ruuxa qabow oo aamusan, kaasoo Ilaah hortiisa qiimo badan ku leh.” 1 Butros 3:3, 4. TXM 42.2

Toobadkeen sax ah ma jiro ilaa xagga dhaqanka laga beddelmo maahee. Hadduu qofku axdiga adkeeyo, oo celiyo wax alla wixii uu dhacay, oo uu dembiyadiisa qirto, oo uu Ilaah iyo dadkaba jeclaado, qofka dembiilaha ah wuxuu hubaal u lahaan karaa inuu ka soo gudbay dhima sha oo uu u soo gudbay xagga nolosha. TXM 42.3

Marka annagoo kuwa khaladaad badan ah oo dembiileyaal ah, aan u nimaadno Masiixa, oo aan kala qayb qaadanno nimcadiisa, jacayl ayaa qalbiga ka soo durdurayaa. Culaab kastaana way fududaanaysaa, waayo, harqoodka Masiixa waa mid sahlan oo la sidi karo. Amarrada Ilaah oo la sameeyo waxay noqonayaan farxad, qurbaankana wax la jeclaysto. Waddadii marka hore u ekayd mid mugdi ka buuxo, waxay la dhalaalaysaa iftiinka ka soo baxaya qorraxda xaqnimada. TXM 42.4

Sidii uu Masiixu ku noolaa waxay ka dhex muuqanaysaa kuwa isaga raacsan. Isagu wuxuu ku farxi jiray inuu sameeyo doonista Ilaah. Badbaadiyaheenna noloshiisa waxaa ka buuxday jaylka Ilaah, iyo qiirada amaantiisa. Wax kastoo uu sameeyo wuxuu ku samayn jiray jacayl. Jacaylku wuxuu ka yimid xagga Ilaah, isaga ayaana leh. Qalbiga aan Ilaah jeclayn jacayal ma soo saari karo. Waxaa keliya oo laga heli karaa qalbiga uu Ciise ka dhex talinayo. “Waannu jecel nahay, waayo, isaga ayaa marka hore ina jeclaaday.” 1 Yooxanaa 4:19. Qalbiga uu Ilaah ku cusboonaysiiyey nimcadiisa, jacayl ayaa ahaanaya qaynuunka uu wax kastaa ku sameeyo. Wuxuu horumarinayaa dhaqanka, wuxuuna u talinayaa dareemaha, wuxuuna xukumayaa damaca, cadaawaddana wuu inaga saarayaa, inaan wax wanaagsan samaynona wuu ina karsiinayaa. Jacaylkan oo ku dhex qarsoon nafta, nolosha ayuu macaanaynayaa dhinac kastaa oo nolosheenna ahna saamayn ayuu ku yeelanayaa. TXM 43.1

Waxaa jiraan laba khaladood oo ay tahay Carruurta Ilaah khaasatan kuwa nimcadiisa goor dhow rumaystay inay iska ilaaliyaan. Tan koowaad oo aan hore uga soo hadallay, waa inay tala saartaan wanaagga iyo shuqullada ay sameeyaan, si ay Ilaah ay ugu soo dhowaadaan. Qof kastaa oo doonaya inuu quduus ku noqda sharciga oo uu dhawra, wuxuu isku dayayaa waxaan aan suurta gal ahayn. Waxa dadka dhamaan ay ku samayn Masiixa la’aantiis waa wax qudhmay, oo ay ka buuxaan shar iyo dembi. Waa nimcada Masiixa oo keliya, taas oo ka timaada xagga rumaysadka oo keliya, tan quduus inaga dhigi karayso. TXM 43.2

Khaladka kale ee aan ka yarayn kan aan soo sheegnay, waa in dadku u maleeyaan, rumaysadka Masiixa inuu dadka ka furanayo dhawridda sharciga; waxayna ku doodaan, maadaamoo xagga rumaysadka oo keliya aan kaga qeyb qaadanayno nimcada Rabbiga, in shuqulladeennu aanan loo baahnayn ama ay door ka cayaari karaan furashadeenna. TXM 43.3

Laakiin waxaad ogaataan in adeecidu ayan ahayn oo keliya wax xagga dibadda laga sameeyo, laakiin ay tahay xataa adeegga xagga jacaylka. Sharciga wuxuu tilmaamayaa waxa dhabta ay dabeecadda Ilaah tahay; waa sawirka qaynuunnnada jacaylka, waana aasaaska dowladdiisa samada iyo dhulka. Haddii ay qalbiyadeenna ku cusboonaadaan oo noqdaan ekaanta Ilaah, haddii jacaylka Rabbaaniga ah nafta ku dhex abuurma, miyaan sharciga Ilaah nolosha ka dhex muuqanayn? Marka qaynuunnada jacaylka ku dhex samaysmaan qalbiyadeenna, oo dadkuna ay lahaadaan ekaanta kan iyaga abuuray, ballankii axdiga cusub ayaa rumoobayaa, “Qaynuunnadayda waxaan gelin doonaa qalbigooda, Maankoodana waan ku qori doonaa.” Cibraaniyada 10:16, Haddii qaynuunku uu ku qorma qalbiga, miyuusan nafta qaabaynayn? Adeecid ku shaqeysa jacayl ayaa astaanta saxda ee lagu garan karo xernimada. Wuxuu qoraalku leeyahay, “Waa kan jacaylka Ilaah, kaasoo ah inaynu qaynuunnadiisa xajinno.” “Kan yidhaahdaa, waan aqaan isaga, oo aan qaynuunnadiisa adkayn, waa beenaaleh, oo runtuna kuma jirto isaga.” 1 Yooxanaa 5:3; 2:4. Rumaysadku ma aha inuu adeecida inaga sii fogeynayo, laakiinse waa rumaysadka oo keliya kan adeecid buuxda qalbiyadeenna soo gelin kara. Badbaadada kuma heli karno adeeciddeenna; waayo, badbaadadu waa hadiyadda Ilaah ee bilaashka ah, oo lagu heli karo rumaysad oo keliya. Laakiin adeeciddu waa midhaha rumaysadka. “Oo idinku waad og tihiin in isagu u muuqday inuu dembiyadeenna inaga qaado, oo isagu dembi ma leh. Ku alla kii isaga ku sii jiraa, ma dembaabo; ku alla kii dembaabaa ma uu arkin isaga, oo weliba ma yaqaan isaga.” 1 Yooxanaa 3:5, 6. Waa tan tijaabada dhabta ah. Haddii aan Masiixa ku sii jirno, oo jacaylka Ilaah inagu dhex jiro, dareemaheenna, fikirradeenna, ujeedooyinkeenna, falimaheenna, dhamaan waxay mid la noqonayaan doonista Ilaah, sida ay ugu cad yihiin qaynuunnadiisa sharciga quduuska ah. “Carruurtiiyey, yaan cidi idin khiyaanayn; kii xaqnimo falaa waa xaq siduu isaguba xaq u yahay.” 1 Yooxanaa 3:7. Xaqnimadu waxaa lagu micneeyaa qiyaasta sharciyada Ilaah, sida loogu sheegay tobanka amar ee lagu bixiyey buur Siinaay. TXM 43.4

Kuwa sheegaya in rumaysadka Masiixa dadka ka furanayo adeecidda sharciga, waa rumaysad aan sax ahayn, laakiin waa mid ku salaysan malo. “Idinku waxaad ku badbaaddeen nimco xagga rumaysadka.” TXM 44.1

“Haddaba sidaas oo kale rumaysadku haddaanu shuqullo lahayn keli ahaantiisu waa meyd.” Efesos 2:8; Yacquub 2:17. Ciise mar uu ka hadlayey intaanu dunida iman ka hor, wuxuu yidhi, “Ilaahow, waxaan jeclahay inaan sameeyo doonistaada, haah, oo sharcigaagu wuxuu ku dhex jiraa qalbigayga.” Sabuurradii 40:8. In yar ka hor intaanu samada aadinna wuxuu yidh, “Sidaan qaynuunada Aabahay u xajiyey, oo aan jacaylkiisa ugu jiro.” Yooxanaa 15:10. Waxay qoraalladu leeyihiin, “Oo taas ayaynu ku garanaynaa inaynu naqaan isaga, haddaynu qaynuunnadiisa adkeyno....... Kan yidhaahdaa, isagaan ku jiraa, waa inuu u socdaa siduu isaga u socday.” 1 Yooxanaa 2:3, 6. “Maxaa yeelay, Masiix, baa idiin xanuunsaday, oo wuxuu idinkaga tegey masaal inaad tallaabooyinkiisa raacdaan.” 1 Butros 2:21. TXM 44.2

Shuruudaha nolosha weligeed ah waxay hadda yihiin siday weligood ahaan jireen, siday ay ku ahaan jireen jannada intaanu labadeenni waalid ee ugu horreeyay ayan dembaabin, in si dhamays tiran loo adeeca sharciga Ilaah, iyo xaqnimo dhamays tiran. Haddii nolosha weligeed lagu heli karayo shardi kan ka yar, haddaba farxadda caalamka waxay ku geli lahayd khatar. Waddada waxay u furmi lahayd dembi, isagoo wata belaayooyinkiisa oo dhan, oo ay noqdaan kuwa aan dhamaanayn. TXM 45.1

Aadan way u fursad ayuu u lahaa intaanu dembaabin ka hor inuu noloshiisa ka dhigo mid xaqnimo ku salaysnayd, iyo inuu sharciga Ilaah si buuxda u adeeco. Laakiin wuu samayn waayey taas, dembigiisii aawadiisna dunida oo dhan way dembaabtay, mana iska dhigi karno kuwa xaq ah. Maadaamoo aan dembiileyaal nahay, iyo kuwa aan quduusiin ahayn, ma lihin xoog aan si dhamaystiran ugu adeecna sharciyada Ilaah. Ma lihin xaqnimo xaggeenna ah, oo aan ku gaadhi karno waxa sharciyada Ilaah ee quduuska ah ay inaga doonayaan. Laakiin Masiixa ayaa jid aan ku fakan karno inoo sameeyay. Wuxuu dhulka ugu noolaa isagoo ahaa mid la jirrabay oo la tijaabiyey sida innaga aan waxyaabahaas u marno oo kale. Wuxuu ku noolaa nolol aan dembi lahayn. Innaga aawadeen ayuuna u dhintay, imminkana wuxuu doonayaa inuu dembiyadeenna qaado, oo xaqnimadiisa ina siiyo. Haddii aad adiga oo dhan aad isaga isa siisid, oo aad u aqbashid inuu Badbaadiyahaaga yahay, si kastoo ay noloshaada dembi u leedahay, isaga daraadiis waxaa lagugu tirinayaa mid xaq ah. Masiixa dabeecaddiisa ayaa istaagaysaa taada meeshi ay istaagi lahayd, Ilaah hortiisana waxaad ka noqonaysaa sida mid aan weligiis dembaabin oo kale. TXM 45.2

Intaas waxaa sii dheer Masiixa wuxuu beddelayaa qalbigaaga. Xagga rumaysadka ayuu qalbigaaga ugu jirayaa. Waa inaad xidhiidhkaaga Masiixa ku xajisid rumaysad, iyo doonistaada ood isaga gacanta u gelisid; markaad sidaas yeeshidna, wuxuu kaaga dhex shaqayn inaad doonistiisa iyo waxyaabaha uu jecel yahay oo keliya aad samaysid. Markaasaad waxaad odhanaysaa, “Oo nolosha aan haatan jidhka ku dhex noolahay waxaan ku noolahay rumaysadka xagga Wiilka Ilaah, kan I jeclaaday oo naftiisa u bixiyey daraaday.” Galatiya 2:20. Masiixuna wuxuu xertiisii ku yidhi, “Ma aha, idinka kuwa hadlayaa laakiin waa Ruuxa Aabihiin kan idinka dhex hadlayaa.” Matayos 10:20. Markaas adigoo Masiixu kaa dhex shaqaynayo, waxaad muujin doontaa isla ruuxa iyo isla shuqullada wanaagsan, oo ah shuqullada xaqnimada, iyo adeecidda. TXM 46.1

Haddaba sidaas daraadeed ma lihin waxaan ku faanno. Meelna uma hayno inaan isa sarraysiinno. Rajada keliya ee aan leennahay waa in xaqnimada Masiixa laynagu dhex abuuro, taas oo xagga Ruuxiisa inooga dhex shaqaynayso. TXM 46.2

Markaan rumaysad ka hadlayno, waxaa la doonayaa inaan sida ay waxyaabahan kala yihiin maanka ku hayno. Waxaa jirta aaminaad ka duwan rumaysadka. Jiritaanka iyo Awooda Ilaah, runta ereygiisa, waa xaqiiqo xataa shaydaanka iyo jinniyaddiisa ayan beenayn karin. Kitaabka Quduuska ah wuxuu leeyahay, “Xataa Jinniyaduna sidaas way rumaysan yihiin, wayna gariiraan.” Laakiin tan rumaysad ma aha. Yacquub 2:19. Marka ereyga Ilaah oo keliya aan la aaminsanayn, oo doonista isaga loo hogaamiyey; marka qalbiga oo dhan isaga loo dhiibo, damacyadana isaga lagu xidho, meeshaas waxaa jiraa rumaysad, rumaysad jacayl ku shaqeeya oo nafta daahiriya. Xagga rumaysadkan qalbiga waxaa lagu cusboonaysiinayaa ekaanta Ilaah. Qalbiga marka aan la cusboonaysiininna uma hogaansami karo sharciga Ilaah, mana ahaan karo sida kan cusub, ee ku farxaya qaynuunnada quduuska ah, Daa’uud wuxuu leeyahay, “Aad baan sharcigaaga u jeclahay! Maalinta oo dhan isagaan u fiirsadaa.” Sabuurradii 119:97. Xaqnimada sharcigana waxay ku fulaysaa dhexdeenna, “Kuwa xagga aan ka socon xagga jidhka, laakiin ka socda xagga Ruuxa.” Rooma 8:1. TXM 46.3

Waxaa jiraan kuwa gartay jacaylka Masiixa, oo jecel inay ahaadaan carruurta Ilaah, welina garanaya in dhaqankoodu aanu dhamaystirnayn, noloshoodana mid dembi badan tahay, waxayna diyaar u yihiin inay ka shakiyaan in qalbiyadoodu uu cusboonaysiiyey Ruuxa Quduuska ah iyo in kale. Kuwaas waxaan ku odhan lahaa, ha rajo dhigina. Waa in marar badan aan ku sujuudno oon ku ilmeyna cagaha Ciise hoostooda khaladaadkeenna iyo daciifnimadeenna aawadeed, laakiin waa inaanan qalbi jebin. Xataa hadduu cadowgu inaga adkaado, weli laynama tuurin, Ilaahna nama uu dayrin oo inama nicin. Maya; Masiixu wuxuu joogaa dhinaca midig ee Ilaah ,isagoo dhexdhexaadiye inoo ah. Yoxanaa wuxuu leeyahay, “Waxaan waxyaalahan idiinku soo qorayaa si aydnaan u dembaabin; oo qof uun hadduu dembaabo, waxaynu xagga Aabaha ku leennahay Dhexdhexaadiye, waana Ciise Masiix kan xaqa ah.” 1 Yooxanaa 2:1. Hana illobin ereyadii Masiixa, “Waayo, Aabaha qudhiisu wuu idin jecel yahay.” Yooxanaa 16:27. Ilaah wuxuu jecel yahay inuu dib isugu kiin soo celiyo, oo uu idinka dhex arko daahirsanaantiisa iyo quduusnimadiisa. Haddii aydnaan wax kale doonin aan ka ahayn inaad isaga isu dhiibtaan oo keliya maahee, kii idinku dhex billaabay shuqul wuu wadi doonaa ilaa maalinta Ciise Masiix. Si joogta ah u tukada; si buuxdana u rumaysta. Markaan ku kalsoonaan kari wayno xoggeenna, waa inaan aaminno xoogga kan ina furtay, waana amaaani doonnaa, kan ah caafimaadka aan ku tiirsannahay. TXM 47.1

Intaad Masiixa u soo dhowaanaysid, waxaad si buuxda u sii arkaysaa sidaad adiga dembile u tahay; waayo, indhahaagu way furmayaan, daahirsanaan la'aantaaduna waxay daahirsanaantiisa horteeda ugu muuqanaysaa sida maalinta dharaarta oo kale. Tan waxay caddeyn in khiyaanooyinkii shaydaanka ay xoog la’aadeen; oo Ruuxa Ilaah uu ku qasayo ama kaa dhex shaqeynayo. TXM 47.2

Jacayl kastaa oo Ciise loo qaado wuxuu si dhab ah inoo tusayaa dembiilenimadeenna. Nafta ay beddeshay nimcada Masiixa, waxay jeclaanaysaa inay isaga ku dayato; laakiin haddii aan arki wayno sida damiirkeenna u kharibmay, waxay caddeyn u tahay inaanan quruxda iyo kaamil ahaanshaha Masiixa. TXM 47.3

Inta aan innaga is liidayno, ayaa ah inta aan arkayno daahirsanaanta iyo jacaylka Badbaadiyaheenna. Markaan dembiilenimadeenna si dhab ah u aragno waxay inoo dhoweynaysaa kan dembiyada cafiya; marka nafta oo dareemaysa sida ay isugu gargaari karin, Masiixa gargaar ka doontana, wuxuu isaga isu muujin si xoog badan. Inta ay baahideennu inagu dhowaynayso Ciise iyo ereyga Ilaah, waa inta aan isaga sarreyntiisa sii arkayno, waana inta ay ekaantiisa oo buuxda inaga sii dhex muuqan doonta. TXM 47.4