Loading...

Loading

Loading
(You are in the browser Reader mode)

8—Koridda Xagga Masiixa

Cusboonaanta xagga qalbiga oo aan ku noqon karno carruurta Ilaah, wuxuu Kitaabka Quduuska ah ku tilmaamay dhalasho. Mar labaad waxaa lagu micneeyay inay tahay mirta wanaagsan ee uu beeray shaqaalaha beerta. Sidaas oo kale kuwa ku cusub rumaysadka Masiixa waxaa weeye, “Sida ilmo cusub oo la dhalay,” inay “Ku barbaaraan” Masiixa iyagoo rag iyo dumarba. 1 Butros 2:2; Efesos 4:15. Ama sida mirta wanaagsan ee lagu beeray beerta, waa inay koraan oo midho badan dhalaan. Ishacyaah wuxuu leeyahay waa in, “Iyaga lagu magacaabo geedihii xaqnimada iyo beeriddii Rabbiga, si uu isagu u ammaanmo.” Ishacyaah 61:3. Waxaa nolosha geedaha iyo waxyaabaha la midka ah, laga soo qaatay tusaale si ay inoogu noqdaan kuwa si wanaagsan inoo fahansiiyo waxyaabaha ruuxa. Xigmadda iyo aqoonta Aadanaha oo dhan, wax naf ah ma gelin karaan waxa ugu yar ee aduunka yaalla. Waa nafta Ilaah keliya uu geliyey waxa dhir iyo xoolaba ka dhigi karo inay noolaadaan. Sidaas oo kalena waa xagga nolosha oo keliya sida nolosha ruuxa ay ku geli karayso qalbiyada Aadanaha. Ilaa qofka “Xagga kore laga dhalo,” Ma noqon karo mid ka qayb qaata noloshii uu Masiixu u yimid inuu bixiyo. Yooxanaa 3:3. TXM 49.1

Sida ay noloshu tahay sidaas oo kale ayuu koritaankuna yahay. Waa Ilaah kan ubaxyada iyo geedaha soo saaraa. Waa xooggiisa iyo awoodiisa waxa ay midhuhu ku koraan, “Horta jiridda, dabadeed sabuulka, dabadeedna sabuulka midho ka buuxsama.” Markos 4:28. Rasuul wuxuu reer Binu-Israa’iil ka sheegay in ay, “Noqon doonto sida sayaxa oo kale,” “waxay u soo noolaan doonaan sida hadhuudhka oo kale, oo waxay u ubxin doonaan sida canabka oo kale.” Hoosheeca 14: 5, 7. Ciisena wuxuu inagu dhiirragelinayaa, “fiiriya ubaxyada, siday u baxaan.” Luukos 12:27. Geedaha iyo ubaxyada kuma karaan awood tooda ama dadaal kooda ah toona, laakiin waxay qaataan waxa iyaga Ilaah ugu talagalay inay ku koraan. Ilmuhu innaba awood tiisa ah isuguma kordhin karo itaalkiisa ama muuqaalkiisa. Adiguna sidaas oo kale, awood ama dadaal toona kuma heli kartid koridda ruuxa. Geeduhu, iyo ilmuhu, waxay ku koraan waxa ay ka helaan waxyaabaha ka ag dhow sida, hawada, iftiinka qorraxda, iyo cuntada. Sida ay waxyaabahan hadiyad ugu yihiin xoolaha iyo dhirta, sidaas oo kale ayuu Masiixu u yahay kuwa isaga tala saarta oo aamina. Wuxuu iyaga u yahay, “Iftiinka weligiis jira,” “Qorrax iyo gaashaan.” Ishacyaah 60:19; Sabuurradii 84:11. Wuxuu u ahaan doonaa, “Dadka Israa’iil sida sayaxa oo kale.” “Isagu wuxuu u soo degi doonaa sida roob caws la jaray ku dul hooray.” Hoosheeca 14:5; Sabuurradii 72:6. Isagu (Ciise), waa biyaha nool iyo, “....Kibista Ilaah kan samada ka soo degay oo dunida nolosha siiya.” Yooxanaa 6:33. TXM 49.2

Hadiyadii xagga Wiilkiisa, Ilaah dunida oo dhan wuxuu ku soo dejiyey oo ku hareereeyay nimco sida hawada ay dunida oo dhan u dhex joogta. Kuwa dhammaan doonay inay ku neefsadaan jawigan waxay Ma-siixa ugu kori doonaan inay noqdaan rag iyo dumar waaweyn. TXM 50.1

Sida uu ubaxu ugu kora iftiinka qorraxda, innaguna sidaas oo kale ayaan ugu jeesanaynaa qorraxda xaqnimada, si iftiinka samadu inooga dhex iftiimo, oo dhaqankeennuna ugu beddelmo ekaanta Ciise Masiix. Ciise taas oo kale ayuu baray markuu yidhi, “Igu jira, anna aan idinku jiree. Sida laantu keligeed aanu midha u dhali karin haddaanay geedka canabka ah ku oolin; sidaas oo kale idinkuna ma dhali kartaan hadaydnan igu jirin...... la’aantay waxba ma samayn kartaan.” Yooxanaa 15:4, 5. TXM 50.2

Waxaad Masiixa ku tahay mid isaga keliya ku tiirsan, si aad ugu noolaatid nolol quduus ah, sida ay laantu geedka ku tahay, oo ayan midho u dhali karin la’aantiis. Isaga la’aantiis nolol ma lihid. Awood aad iskaga celisid jirrabaadda oo aad ugu kortid nimco iyo quduusnimona ma lahaanaysid. Haddii aad isaga ku jirtid waad sii koraysaa. Haddii aad noloshaada isaga ka qaadatidna, ma burbureysid midho la’aanna ma noqonaysid. Waxaad ahaanaysaa sida geed lagu beeray webiga jiinkiisa. TXM 50.3

Kuwa badan ayaa waxay u haystaan in khasab ay tahay inay wax ka qabtaan shaqada Ilaah. Waxay Masiixa u talasaarteen inuu dembiyadooda cafiyo, laakiin hadda waxay dadaalkooda ku doondoonayaan inay noqdaan kuwa shuqullada ku wanaagsan. Laakiin dadaal kasta oo caynkaas ah, waa lagu guul darraysan doonaa. Ciise wuxuu leeyahay, “La’aan tay waxba ma samayn kartaan.” Koritaankeenna xagga nimcadiisa, farxaddeenna, qiimaheenna, waxay dhamaan ku tiiran yihiin la mid ahaanshaheenna Masiixa. Waa markaan xidhiidh gaar ahaanayd la yeelanno, maalin kasta, iyo saacad kasta, oo aan isaga ku jirno, goorta aan ku korayno nimcadiisa. Isagu ma aha oo keliya billaabaha rumaysadkeenna, laakiin xataa waa kan dhamaystiri doona rumaysadkeenna. Waa Masiixa billowga, iyo dhamaadka iyo weligiisba. Wuu inala jirayaa, ma aha oo keliya billowga iyo dhamaadka shuqulladeenna, laakiin tallaabo kasta oo aan qaadno. Daa’uud wuxuu leeyahay, “Had iyo jeerba Rabbigaan hortayda ku xusuustaa, oo anigu innaba dhaqdhaqaaqi maayo, maxaa yeelay, isagu wuxuu joogaa midigtayda.” Sabuurradii 16:8. TXM 50.4

Miyaad is weydiinaysaa, “Sidee bay tahay inaan Masiixa ugu jiro?” Isla sidii aad marki hore aad u aqbashay. “Haddaba sidaad u aqbasheen Rabbi Ciise Masiix, ku socda.” “Laakiin kayga xaqa ahu rumaysad buu ku noolaan doonaa.” Kolosay 2:6; Cibraaniyada 10:38. Ilaah ayaa si buuxda isu siinaysaa, si aad kiisa u noqotid, si aad ugu adeegtid oo u adeecdid, markaasna Masiixa wuxuu noqday Badbaadiyahaaga. Adigu qudhaada isuma aad noqon karin kafaarogud qalbigaagana ma aad beddeli karin; laakiin markaad Ilaah isa siisay, waxaad rumaysatay in Ilaah Masiixa daraadiis oo waxyaabahan oodhan adiga kuugu sameeyay. Rumaysad ayaa ku noqotay kan Masiixa, xagga rumaysadkana waa inaad ku kortid isaga, adigoo isa siinaysid oo ka dibna isaga q Aadanaysid. Waa inaad dhamaan isaga siisaa, qalbigaaga, doonistaada, shaqadaada, adiga oo dhammu isaga isa sii si aad u adeecdid amarradiisa; waana inaad qaadataa dhamaan Masiixa buuxnaantiisa, iyo buuxnaanta barakadiisa, si uu qalbigaagu ugu jiro, oo u ahaado xooggaada, xaqnimadaada, iyo gargaarahaaga weligiis jiro, si uu kuu siiyo awood aad isaga ku adeecdid. TXM 51.1

Ilaah Allabari ahaan isu sii aroorti; Arrintan iyada ah caadeyso. Tukashadaadu ha ahaato, “Rabbiyow, ii qaado, sida mid kaada ah. Qorshooyinkayda oo dhan waxaan keenayaa lugahaaga hostooda. Maanta ii isticmaal inaan qabto shaqooyinkaaga. Igu jir, oo shuqulladayda adiga ha kuu ahaadeen.” Tan waa mid maalin kastaa ay tahay in la sameeyo. Maalin kastaa Ilaah gaar isaga dhig ahaantaada. Qorshooyinkaaga oo dhan isaga gacanta u geli, si wax walba ay gacantiisa ugu jirto oo adiguna uu kuugu gargaaro. Markaad maalin kastaa noloshaada Ilaah siisid, oo gacantiisa isku aamintid, noloshaada waxay sii noqonaysaa mid sii lahaato e-kaanta Masiixa. Nolosha Masiixa ku dhex jirtaa waa nolol nasiino ka buuxda Ma aha. TXM 51.2

Inaan dareemayno siyaaabo aan garanayn, laakiin waa inay jirtaa ammaan nabad ka buuxda. Rajadaadu adiga kuguma dhex jirta; waxay keliya oo ku jirtaa Masiixa. Daciifnimadaadu waxay ku kaamil noqotaa isaga, jaahilnimadaaduna xigmaddiisa, itaaldarradaaduna xooggiisa. Si-daas daraadeed waa inAadan adiga is tala saaran, oo qalbigaaguna yuusan ahaan mid kuu taliya, laakiin Masiixa oo keliya ku tiirsanow. Qalbigaagu jacaylkiisa ha ka buuxsamo, iyo qiimaha iyo quruxda oo isagu leeyahay. Waxay naftu tahay inay doondoonto, waa adigoo dhawra, amaba eeg, goortii Masiixa dafirayey, iyo goortii uu is-hooseysiinayey, Masiixa daahirsanaantiisa, iyo quduusnaantiisa, iyo Masiixa oo ka buuxa jacaylkiisa. Sidaad isaga ekaantiisa u lahaan karto waa markaad isaga jeclaatid, oo aad isaga ku dayatid, oo aad isaga ku tiirsanaatid. TXM 52.1

Ciise wuxuu leeyahay, “Igu jira.” Ereyadan waxay ka hadlayaan fikirka ah nasiino, degganaansho, iyo kalsoonaan. Mar labaad wuxuu yidhi, “Ii kaalaya kulligiin ....... oo anigu waan idin nasin doonaa.” Matayos 11:28. Daa’uudna sidaas oo kale ayuu u hadlay: : “Rabbiga ku hor xasilloonow, oo isaga samir ku sug.” Ishacyaahna wuxuu ina siiyey hubaasha ah, “oo xasilloonaan iyo kalsooni ayaad xoog ku yeelan doontaan.” Sabuurradii 37:7; Ishacyaah 30:15. Xassillonaantan laguma helo si aan wax tar ama shuqul lahayn; Waayo, Ciise markuu dadka ugu yeeray nasiino, wuxuu kaloo u sheegay inay hawshoonayaan: “Harqoodkayga dushiinna ku qaata ......... oo naftiinna nasashaad u heli doontaan.” Matayos 11:29. Qalbiga ku nasanayo Masiixa si buuxda ayaa ahaanayaa kan u hawl badnaanaya markay shaqo timaadona. TXM 52.2

Markuu qofku isaga keliya isku kalsoonaado, wuu ka jeesanayaa Masiixa, oo ah isha xoogga iyo nolosha. Waana shaydaanka doonistiisa had iyo goorba inuu dadka ka leexiyo Masiixa, iyo inay naftu ku xidhnaato Masiixa oo keliya. Wuxuu doondoonaa inuu qalbiga ka buuxiyo jacaylka dunida, waxa ay nolosha jeceshahay, iyo naxdin iyo murugo, khaladaad kuwaada ah iyo kuwa dadka kaleba. Haddaba ka digtoonow dabinnadiisa. Kuwa badan oo digtoon, oo jecel inay Ilaah dartii u noolaadaan, wuxuu iyagana ku jirrabaa siyaabo kala du-duwan isagoo rajaynaya inuu iyaga ka fogeeya Masiixa oo iyaga ka guulaysta. Waa inaanan keligeen had iyo goor iska fakarin, oo aanan ka cabsan inay naftayada badbaadi doonta iyo in kale. Waxyaabahan oo dhan waxay naftaa ka leexisaa oo ka jeedisaa isha keliya ee xoog aan ka heli karayno. Naftaada Ilaah ku aamin, oo isaga ku kalsoonow. Had iyo goorba Ciise ka fikir oo ka sheekee. Shaki oo dhan iska saar; cabsidana iska dheeree. Dheh siduu Rasuul Bawlos yidhi oo kale, “Aniga ma aha kan nooli, laakiin Masiix ayaa igu dhex nool, oo nolosha aan haatan jidhka ku dhex noolahay waxaan ku noolahay rumaysadka xagga Wiilka Ilaah, kan i jeclaaday oo naftiisa u bixiyey daraadday.” Galatiya. 2:20. Ilaah keliya ku naso. Isagu awood ayuu u leeyahay inuu dhawro oo ilaaliyo wixii aad isaga ku aamintay. Haddii aad isaga gacmihiisa isu dhiibtid, wuxuu kaa dhigayaa mid ku guulaysta kii xaggiisa uu isaga aad u jeclaa. TXM 52.3

Markuu Masiixu soo qaatay jidhka Aadanaha oo kale, wuxuu Aadanaha kula midoobay guntin jacayl oo aan weligeed la furi karayn oo aan la diidi karayn waxaan ka ahayn inaan innaga jacaylkaas diidno maahee. Shaydaanku wuxuu mar walba isku dayi doonaa inuu furo guntintaas oo inaga fogeeya jacaylka Masiixa. Waa markan goortaan u baahannahay inaan feejignaanno, oo dadaalno, oo tukanno, si waxba ayan inooga dhigin inaan dooranno Sayid kale; waayo, had iyo goor xor ayaan u nahay inaan waxaan doonna samayno. Laakiin indhahayaga aan Masiixa ku eegno, isaguna wuu ina ilaalin doonaa. Markaan Masiixa oo keliya ku tiirsanaanno, waan badbaadaynaa waana nabadgelaynaa. Wax gacantiisa inaga dhufan karana ma jiro. Markaan si joogta ah isaga u dhawrno, dhamaanteen “oo isu ekaanta ayaa laynoo rogayaa, ammaan ilaa ammaan, sida tan xagga Rabbiga Ruuxa ah ka timaada. 2 Korintos 3:18. TXM 53.1

Taas ayay ahayd wixi xertii ugu horreyay ay u lahaadeen ekaanta Badbaadiyahoodi ay jeclaayeen. Kuwan Xerta ahaa markay maqleen ereyadii Ciise, waxay dareemeen sida ay isaga ugu baahan yihiin. Way raadiyeen, wayna heleen, wayna raaceen. Isaga ayay la joogeen guriga, miiska, beerta iyo meel walbaba. Waxay isaga ula jireen oo u dhegaysan jireen sida arday macallinkooda ka wax baranayay, oo waxay faruurahiisa ka maqleen casharrada quduuska ah. Waxay isaga u fiirinayeen sida shaqaalahu ay u eegaan taliyahooda, si ay uga bartaan shaqada looga baahan yahay inay qabtaan. Kuwaas xerta ahaa “waxay ahaayeen niman dabiicaddeenna oo kale leh.” Yacquub 5:17. Dembigu iyaga qudhooda wuxuu ahaa mid ay la dagaallami jireen sideenna oo kale. Waxyna u baahnaayeen nimcada aan u baahannahay oo kale, si ay ugu noolaadaan nolol quduusa ah. TXM 53.2

Xataa Yooxanaa, oo ahaa kii uu Ciise aadka u jeclaa, oo ahaa kii soo saaray oo soo bandhigay ekaantii Badbaadiyahiisa, ma lahayn nolol dhamaystiran. Ma ahayn oo keliya mid aad u jeclaa in la maamuuso, laakiin xataa wuxuu ahaa mid aad u dhibsan jiray dhibaatooyinka oo ka caroon jiray oo dul qaadku ku yaraa. Laakiin markii isaga si cad loo tusay sida ay tahay dabeecadda Ilaah, wuxuu arkay iinta uu lahaa, wuuna is hooseysiiyay aqoonta aawadeed. Xoogga iyo samirka, awooda iyo dabacsanaanta, weynaanta iyo qabownimada, ee uu maalin kastaa nolosha Wiilka Ilaah ka arki jiray, ayaa waxay naftiisa ka buuxisay damac badan oo uu ku sii jeclaado dhaqanka Masiixa iyo jacayl. Maalinba maalinta ka dambaysay qalbigiisa wuxuu u sii dhowaanayey Masiixa, ilaa uu jacaylkuu isagu isu qabay ka dhamaado kii uu Ciise u qabay awgiiis. Dabeecaddiisii samir la'aanta waxaa beddeshay awoodii Masiixa markuu isu dhiibay Masiixa. Cusboonaanta Ruuxa Quduuskaa ayaa qalbigiisa dib u cusboonaysiisay. Awoodii jacaylka Masiixa ayaa dhaqankiisa oo dhan beddeshay. Taas waxay muujinaysay sidii dhabta ahayd uu ula midoobay Masiixa. Masiixu markuu qalbigu ku jiro nolosha oo dhan way beddelmaysaa. Ruuxa Masiixa, jacaylkiisa, waxay jilciayaan qalbiga, naftana way hogaamiyaan, fikirradeenna iyo damacyadeennana waxay u jeediyaan xagga Ilaah iyo jannada. TXM 54.1

Masiixu markuu samada aaday, Xertiisii waxay weli dareemayeen la jooggiisa. La jooggiisii wuxuu ahaa mid jacayl iyo iftiin uu ka buuxo. Badbaadiyaheenna Ciise oo la socday, oo la tukaday lana hadlay iyaga, oo qalbiyadooda si qabownaan ah kula hadlay, isagoo weli kula hadlayay hadallo rajo ah ayaa indhahooda hortooda samada loo qaaday, markaasaa codkiisii dib ugu soo laabtay, markay malaa’igtii samada isaga ku soo dhowaynayeen, “oo bal eega had iyo goor ayaan idinla joogaa xataa ilaa wakhtigu dhammaado.” Matayos 28:20. Wuxuu samada aaday isagoo la-haa isla jidhkiisii Aadanaha oo kale. Waxayna xertiisii garanayeen inuu tegayo carshiga Ilaah, isagoo weli ah saaxibkood iyo Badbaadiyahoodii; oo naxariistiisiina ay weligeed beddelmayn; oo isaga weli lala aqoonsan ayey Aadanaha dhibbaysan. Ilaah hortiisa wuxuu ku soo bandhigayey waxyaabihii dhiiggiisii qaaliga ahaa uu ku qabtay, isagoo tusayey gacmi hiisii iyo lugahiisii la dhaawacay, iyagoo ah xusuustii qiimihii uu ku bixiyey kuwa uu badbaadiyey. Waxay xertu garanayeen inuu u tegay inuu iyaga meel u diyaariyo, oo uu mar labaad soo noqon doona oo iyaguna qaadi doona. TXM 54.2

Markay tukanayaan oo kulmi jireen Ciise intuu samada aaday ka dib, waxay Aabaha ku baryi jireen Magaca Ciise. Iyagoo aad u khushuucsanna ayay Ilaah u tukan jireen, waxayna ku celcelin jireen hubaasha ahayd, “Haddii aad wax uun weydiisataan Aabbaha, magacayga ayuu idinku siin doonaa. Tan iyo imminka waxba magacayga kuma weydiisan. Weydiista, waanad heli doontaan, inay farxaddiinnu buuxsanto.” Yooxanaa 16: 23, 24. Rumaysadkooda ayaa sii kordhayey iyagoo si dhab ah u aaminsanaa, “Waa Ciise Masiix kii dhintay, oo haddana kuwii dhintay ka sara kacay, oo Ilaah midigtiisa jooga, oo haddana inoo duceeya innaga.” Rooma 8:34. Maalintii Beenteskostena waxay heleen Ruuxii uu Masiixu yidhi, Isagu “Wuu idinku jiri doonaa.” Wuxuu kaloona isla Ruuxaas ka yidhi, “Waxaa idiin roon inaan tago. Haddaanan tegin, Gargaaruhu idiinma iman doono, laakiin haddaan tago waan idiin soo diri doonaa.” Yooxanaa 14:17; 16:17. TXM 55.1

Tan iyo maalintaas laga soo billaabo, Masiixu wuxuu si joogta ah ugu jirayay qalbiyada carruurtiisa. Sida ay isaga ula joogi lahaayeen, way kaga sii dhowaanaysay sidii uu ahaan jiray markuu iyaga shakhsi ahaan ula joogi jiray. Iftiinkii iyo jacaylkii, iyo awoodii Masiixa ee iyaga ku dhex jirtay, ayaa iyaga ka dul iftay, markaasaa dadkii iyaga arkay, “yaabeen; markaasay garteen inay Ciise la joogi jireen.” Falimaha Rasuullada 4:13. Siduu xerta ku ahaan jiray Masiixa, wuxuu maantana sidaas oo kala la jecel yahay inuu sidaa oo kale u ahaado carruurtiisa; markuu u ducaynayey xertii yarayd ee isaga isugu soo ururay, wuxuu yidhi, “Kuwan oo keliya kuu baryi maayo, waxaanse weliba kuu baryayaa kuwa igu rumaysanaya hadalkooda aawadiis.” Yooxanaa 17:20 TXM 55.2

Ciise innaga qudheenna ayuu inoo duceeyay, wuxuuna ku baryootamay inaan isaga mid la noqonno, sida uu isaguba mid ula yahay Aabaha. Waa midnimo aad u yaab badan tan! Badbaadiyuhu wuxuu isaga iska yidhi, “Wiilku keli ahaantiis waxba ma samayn karo.” “Aabbahase igu jira ayaa shuqulladiisa sameeya.” Yooxanaa 5:19; 14:10. Haddaba hadduu Masiixu qalbiyadeennu ku jiro, wuxuu inooga dhex shaqayn doonaa, “waayo, waa Ilaah kan idinkaga dhex shaqeeya xagga doonista iyo xagga shuqulkaba farxaddiisa wanaagsan aawadeed.” Filiboy 2:13. Waxaan u hawshoon doonnaa siduu isagu u hawshooday oo kale; waxaana soo bandhigi doonnaa isla Ruuxii uu isagu muujiyey. Markaan isaga jeclaanno, oo ku jirno, waa in “laakiinse innagoo si jacayl ah runta ugu hadlayna aynu wax walba ku korno xaggiisa, kan madaxa ah oo ah Masiixa.” Efesos 4:15. TXM 55.3