Loading...

Loading

Loading
(You are in the browser Reader mode)

9—Shaqada Iyo Nolosha

Ilaah waa isha nolosha iyo iftiinka iyo farxadda aduunyada. Sida iftiinka qorraxda ka soo baxa oo kale, sida biya ka soo durduraya il biyo ah, barako ayaa Ilaah ka soo daadataa iyadoo ku soo daadanayso abuurkiisa oo dhan. Meel kasto oo ay nolosha Ilaah ku jirto qalbiyada dadka, kuwa kale ayaa sii gaarsiinaysaa jacayl iyo barako. TXM 57.1

Farxadda Badbaadiyaheenna waxay ahayd sare u qaadidda iyo furashada kuwa lumay. Sababtan aawadeed ayuu noloshiisa ugu tirin mid aad ula wanaagsan isaga, laakiin wuxuu u adkaystay isku-talaabta, isagoo aan ka cabsanayn ceeb iyo foolxumo. Sidaas oo kale Malaa’igaha aan dembiga lahaynna waxay ku hawshoo yihiin farxadda kuwa kale. Tan ayaa ah farxadooda. Taas oo ah tan ay qalbiyada iyaga keliya wax isla jecel ay u arkaan inay tahay dullinimo, inay u adeegaan kuwa culaabaysan oo siyaabo iyaga uga duwan, ayaa ah shaqada ay qabanayaan Malaa’igaha aan dembiga lahayn. Ruuxii Masiixa ee ka ahaaday xaggii kii isaga naftiisa u huray dadka, ayaa ah ruuxa samada ka jira oo ah carafkeeda. Waana isla Ruuxan ruuxa ay kuwa Ciise raaca lahaan doonaan, iyo shaqada ay qaban doonaan. TXM 57.2

Marka jacaylka Masiixa ka buuxsamo qalbiga, sida cadar udgoon badan ma qarsoomi karo. Saameyntiisa quduuska ah waxay wada saameyn kuwa dhamaan inoo soo dhowaada. Ruuxa Masiixa ee qalbiga waa sida il biyo ah oo ku taalla meel lamadegaan ah, ishaas biyaha ah oo durduraysa inay gaarto dhamaan oo ka dhigaysa kuwa lumaya inay u diyaargaroowaan inay ka cabbaan biyaha nolosha. TXM 57.3

Jacaylka Ciise wuxuu inagu dhiiragelinayaa inaan u hawshoonna isaga aawadii, siduu ugu hawshooday barakada iyo kor u qaadidda Aad-anaha. Wuxuu inagu hor seedayaa jacayl, dabacsanaan, aan u muujinno dhamaan waxa uu Ilaah abuuray oo idil. TXM 57.4

Badbaadiyaha noloshiisii aduunyada ma ayan ahayn mid isaga keliya ku koobnayd, laakiin habeen iyo maalin wuxuu u hawshoonayey sida uu ku badbaadin lahaa Aadanaha lumay. Laga soo billaabo xeradii uu ku dhashay ilaa dhakada wuxuu ahaa mid aad isu-hooseysiinayey, oo aan doonayn in laga dul qaado xanuun, iyo daal, iyo hawl badan. “sida Wiilka Aadanahu uusan ugu iman in loo adeego laakiin inuu adeego iyo inuu naftiisa dad badan furashadooda u bixiyo.” Matayos 20:28. Tan ayaa ahayd waxa ugu weyn oo ay noloshiisa qiimayn jirtay. Wax alla wixi ka soo haray hortiisa qiimo weyn kuma lahayn. Jidhkiisa iyo dhiiggiisa ayay ahaayeen wixi qaban lahaa doonista Ilaah oo dhamaystiri lahaa hawshiisa. Shaqooyinkiisa wax isla weyni iyo kibir ah kuma ayan jirin. TXM 57.5

Sidaas oo kale kuwa ka qayb qAadanaya nimcada Masiixa waxay diyaar u ahaanayaan inay naftooda huraan, si kuwa kale ee uu Ciise u dhintayna ay qayb uga qaataan hadiyada jannada. Way sameynayaan wax kasta oo ay karaan si ay dunida uga dhigaan meel wanaagsan oo ay joogi karaan. Taas waxay tusaysaa in qofku si dhab ah u badbaaday. Dadka Masiixa uma iman karaan ilaa ay kuwa badbaaday qalbiyadooda diyaar uga ahaadaan inay la qaybsadaan kuwa lunsan saaxibka wanaagsan oo ay leeyihiin; kan sida dhabta u badbaaday runta iyo badbaadada quduuska ah qalbigiisa kuma qarsoonaan karaan. Haddii aan huwanno xaqnimada Masiixa oo inagu buuxsanto farxadda ka timaada Ruuxiisa ? jiro, nabaddeenna ma ceshan karno oo ma aamusi karayno. Haddii aan dhadhaminnay oo aan aragnay in Rabbigu wanaagsan yahay waxaan lahaanaynaa waxaan dadka kale u sheegno. Sidi Filibos markuu helay Badbaadiyaha, kuwa kale ayaan ugu yeeraynaa inay badbaadada Rabbiga helaan. Waxaan doondoonaynaa inaan iyaga tusinno wanaagga uu Masiixa leeyahay iyo waxyaabaha qarsoon ee dunida imanaysa. Waxaan lahaanaynaa jacayl badan oo aan ku dooni doonna inaan ku soconno waddadi uu Ciise ku socon jiray. Waxaa laynaga doonayaa in aan si weyn injiilka ugu shaqeyno ilaa marka dambe kuwa inaga ag dhow “Arkaan Wanka llaah ee dembiga dunida qaadaya.” Yooxanaa 1:29. TXM 58.1

Dadaalka aan ku doonayna inaan ku barakadayno kuwa kalena wuxuu ahaanayaa mid innaga barako inoo noqda. Tan ayay ahayd ujeedada Ilaah markuu ina siinayey door aan ka cayaarno qorshihii furashada. Wuxuu dadka siiyey fursadda ah inay ka qayb qaataan dabiiciyadda Rabbaaninimada, markay walaalladooda kale ay gaadhsiiyaan barakada. Tan ayaa ah maamuuska ugu sarreeya, farxadda ugu weyn, in Ilaah uu suurta gal ka dhigay inuu dadka barakadeeyo. Kuwa ka qayb qaata shaqada jacaylka waxay u sii dhowaanayaan abuurahooda. TXM 58.2

Ilaah hadduu doono Injiilka iyo waxa kale uu doonayo oo kale oo dhan wuxuu u dhiibi karay malaa’igaha. Haduu doonayona wuxuu isticmaali karay siyaabo kale. Laakiin jacaylkiisa ayuu inooga dhigay inaan kala qayb qaadanno, isaga iyo malaa’igaha iyo Masiixa, si aan qayb uga qaadanno barakada, farxadda, sare u qaadidda, adeeggiisa. TXM 59.1

Masiixa wuxuu inooga naxariisanayaa markaan la wadaagno Siliciisi. Si kasta oo aan iskugu hooseysiinno inaan kuwa kale u adeegno, kan adeegaya waxay qalbigiisa ku xoojisaa wanaag iyo jacayl, isagoo u sii dhowaanaya kii dunida oo dhan furtay, kaas, “isagoo hodan ah uu aawadiin miskiin u noqday, inaad miskiinnimadiisa hodan ku noqotaan.” 2 Korintos 8:9. Waana marka keliya oo aan fulinno waxa Ilaah inaga doonayo markay nolosheenna barakoobayso. TXM 59.2

Hadii aad u shaqaysid sida uu Ciise xertiisa ka doonayay oo kale, oo aad kuwa badan injiilka la qeybsatid, waxaad maalin walba sii jeclaynaysaa aqoonta Rabbiga, waxaadna u harraadi ood u gaajon doontaa xaqnimada. Ilaah ayaa doondooni, rumaysadkaagana wuu xoogoobayaa, naft Aadana waxay doontaa ceelka badbaadada. Markaad dhibaatooyin iyo tijaabo aad la kulantid waxaad ku carari doontaa Kitaabka Quduuska ah iyo salaad. Waxaad ku kori nimco iyo aqoonta Masiixa, waxaad heli doontaa waayoaragnimo. TXM 59.3

Jacaylka inaan u adeegno kuwa kale wuxuu ina siinayaa xassiilooni gudaha ah, degganaansho iyo inaan lahaano Masiixa ekaantiisa, wuxuuna inoo keenayaa farxad iyo nabad. Damacyadeenna ayaa kor u kacayaa oo waxaan maalinba maalinta ka dambeysa sii jeclaanaynaa inaan ku barbaarno ekaatniisa. Meelna uma haynayno bakheelnimo. TXM 59.4

Kuwa ku socda nimcada Masiixiyadda waxay ku xoogoobi doonaan shaqada Ilaah. Waxay lahaan doonaan fikir cad oo nolosha ruuxiyadda, Ruuxa Ilaah oo ruuxooda ku dul jira, ayaa nafta ka dhigayaa inay mid la ahaato tan Ruuxa Ilaah. Kuwa si daacad ah ugu adeega kuwa kale waxay ka shaqeynayaan badbaadadooda. Sida keliya ee aan ugu kori karayno nimcada waa markaan qalbiyadeenna u diyaarinno inaan u gargaarno kuwa gargaarka inooga baahan. Kuwa aqbala nimcada Masiixa oo keliya oo aan waxba u samayn Rabbiga, waa sida iyagoo doonaya inay wax cunaan shaqo la’aan. Ruuxiyaddana sida nolosha caadiga ah oo kaleba, tan waxay ugu dambeynta keenaysaa burbur iyo baaba’a. Ninka diida inuu lugahiisa ku socda wuxuu lumin doonaa awooda ku socodkooda. Sidaas oo kalena Masiixiga diida inuu isticmaalo awooda uu Ilaah siiyey, ma waynayo oo keliya inuu Masiixu ku kora, laakiinse xataa wuxuu luminayaa xooggii uu hore u lahaa. TXM 59.5

Kiniisadda Ilaah waa wakiilka Ilaah ee badbaadada kuwa lumaya. Waa in doonisteedu ay ahaato oo keliya inay injiilka gaadhsiiso dunida oo dhan. Amarkaasna waxaa laga doonayaa Masiixiyiinta oo dhan. Qof kastaa inta uu karo uu fursad u lahaado, waa inay ku fuliyaan Badbaadiyaha amarkiisa. Jacaylka Masiixa, ee laynoo muujiyey ayaa inaga dhigayaa inaan ahaanno kuwa u qaamaysan kuwa aan isaga garanayn dhamaan. Ilaah wuxuu ina siiyey iftiin, innaga keliyana inooguma uusan tala gelin laakiin inaan gaadhsiinno kuwa kale. TXM 60.1

Haddii ay kuwa Masiixa raacsan ku baraarugaan adeegga Rabbiga, waxaa jiri lahaayeen kumannaan injiilka ku wacdinaya meelaha uusan gaadhin weli. Kuwa shaqada qaban karina, waxay ku taageeri dhaqaale ahaan, iyo naxariis ahaan iyo inay u tukadaan kuwa ku hawshaysan shaqada adeegidda. Waxaana jiraysaa hawl badan oo Masiixa loo qabto dalalka Masiixiyiinta ay joogaan. TXM 60.2

Ma aha keliya inaan aadno dalalaka aan Masiixa laga aqoon, ama aan guryaheenna ka tagno, haddii ay guryaheenna agtooda joogaan kuwa aan Masiixa rumaysan oo la gaadhsiin karo injiilka. Waxaan hawshaas ka qaban karnaa guryaheenna agtooda, iyo kiniisadaha, iyo waxaan gaadh-siin karnaa injiilka kuwa aan la shaqayno oon la macaamiloonno. TXM 60.3

Intii cimrigiisa badnayd ee badbaadiyaheenna wuxuu ku qaatay gurigi Aabihiisii Yusuf kii fuundiga ahaa ee magaalada Naasarayd. Malaa’igo ayaa u iman jiray Rabbiga markuu dadka dhex joogi jiray, isagoo aan la aqoonsanayn oo aan la maamuusayn. Wuxuu adeeggiisa u qabanayey sidii markuu bogsiinayey kuwa buka oo uu biyaha badda ku dul soconayey ee Galili. Sidaas oo kale innagoo nolosheenna hooseysiinayno waxaan la socon oon la shaqayn karnaa Ciise. TXM 60.4

Rasuul Bawlos wuxuu leeyahay, “Walaalayaalow, nin kastaa sidii loogu yeedhay ha sii ahaado. isagoo Ilaah la jira.” 1 Korintos 7:24. Kan ganacsanayo waxaa laga doonayaa inuu ganacsigiisa u qabto si Rabbiga ku ammaanmayo socodkiisa daraadiis. Hadii uu yahay mid Masiixa si dhab ah u raacsan wuxuu hawlihiisa oo dhan ku qabanayaa si injiilka uu ku gaari karo qof kasta oo dadka ugu muujin karo Masiixa. Kan baabuurta iyo garaashyada ka shaqeeya wuxuu adeege wanaagsan u noqon karaa kii buurihii Galili isku hooseysiiyey. Ku kasta oo ku dhawaaqa magaca Masiixa waa inuu ka shaqeeyaa wanaagga kuwa kale, si kuwa kale markay arkaan shuqulladiisa wanaagsan ay u ammaanaan Rabbiga oo ah abuuraha iyo Badbaadiyaha. TXM 60.5

Kuwa badan ayaa waxay ku andacoodaan inayan qaban karin shaqada Rabbiga waayo kuwa kale ayaa fursada wanaagsan haystaan. Waxay ku doodaan fikirka ah in kuwa aqoonta badan Rabbiga ku leh oo keliya laga doonayo inay Rabbiga u adeegaan. Waxaa dad badan ka dhaadhacsan in kuwa gaar ah oo keliya Ilaah siiyo aqoon oo kuwa kalena aan loogu yeedhin arriintaas iyada ah. Laakiin masaalkii Ciise sidaas lagama wadin. Markuu Sayidkii guriga u yeedhay shaqaalaha guriga, wuxuu ku kastaa siiyey qayb uu ka shaqeeyo. TXM 61.1

Ruuxeenna oo jacayl ka buuxo oo is-hooseysiin leh ayaan “Rabbiga ugu adeegi karnaa.” Kolosay 3:23. Haddii uu jacaylka Ilaah ka buuxo qalbiga, nolosheenna ayuu ka muuqanayaa. Badbaadada Rabbiga ee macaan ayaa ina hareeraynaysa, saameynteennana way horu-maraysaa wayna barakoobaysaa. TXM 61.2

Waa inaadan sugin fursad weyn ama waxyaabo la yaab leh inay noloshaada ku dhacaan intaadan Rabbiga u adeegin ka hor. Waa inAadan ka fikirin waxay dunidu kaa malaysanaysa. Haddii ay noloshaada maalin kastaa ay markhaatfur u tahay kaamilnimada iyo daacadnimada rumaysadkaaga, oo dadka kalena ay og yihiin inaad diyaar u tahay wanaaggooda iyo horu-markooda, dadaalkaaga meel cidlo ah kuma dhacayo. TXM 61.3

Kan ah midka ugu hooseeya oo ugu faqiirsan ee ka mid ah xerta Ciise, wuxuu kuwa kale u noqon karaa barako dadka kale. Waxaa laga yaabaa inay iyaga garan waayaan inay wax wanaagsan Rabbiga u qabanayaan iyo in kale, laakiin saameyntooda ayan dareensanayn ayay ku keeni karaan barako aad u qota dheer oo abaalmarinteedu ay arki doonaan oo keliya maalinta abaalmarinta ugu dambeysa. Iyagu hadda ma dareensano mana garanayaan inay shaqo weyn Rabbiga u qabanayaan. Ma aha inay iyaga culaab iskaga dhigaan inay guulaystaan. Waa inay si hoos ahaan ah hore ugu socdaan, iyagoo Ilaah doonistiisa iyo wuxuu siiya ku shaqeynayaan, noloshoodana ma ahaanaysa mid baaba'ada. Naftooda ayaa waxay ku sii kori doontaa e-kaanta Masiixa; waa kuwa Rabbiga kula hawshoonaya noloshoodan, waxayna ahaan doonaan kuwa mutaysta farxadda nolosha imanaysa. TXM 61.4