Loading...

Loading

Loading
(You are in the browser Reader mode)

10—Aqoonta Ilaah

Siyaabo badan ayuu Ilaah doonayaa inuu isugu kaayo muujiya oo inoola xidhiido. Dabiiciyadda ayaa dareemaheenna ula hadlaysaa si joogsi lahayn. Qalbiga furan wuxuu la yaabi jacaylka iyo ammaanta Ilaah iyo sida uu abuurkiisa yahay Dhegta diyaarka u ah inay dhegaysato waxay wax ka maqli kartaa oo ka fahmi kartaa sida uu Ilaah ugu hadlo uunkiisa. Dhirta cagaarka ah, geedaha waaweyn, ubaxyada iyo waxyaabaha isha u qurxoon, daruuraha muuqanaya, roobka soo da’aya, ammaanta samooyinka, waxay dhamaan la wada hadlayaan qalbiyadeenna, waxayna inoogu yeedhayaan inaan aqoonsanno kii sameeyay. TXM 63.1

Badbaadiyaheenni wuxuu casharradiisa ku salaysiinayey waxyaa-baha dabiiciyadda. Geedaha, haadda hawada, ubaxyada, kuraha, lagaha, iyo samooyinka quruxda badan iyo dhacdooyinka maalin kasta, waxaa dhamaantood lagu xidhiidhin jiray runta, si casharradiisa lagu xusuusan karay, xataa iyadoo uu Ciise daallanaa. TXM 63.2

Ilaah wuxuu carruurtiisa ka doonayaa inay uga mahad celiyaan oo ku farxaan abuurkiisa, iyo quruxda uu ku mannaystay dhulkeenna. Ilaah wuxuu jecel yahay waxa quruxsan oo wanaagsan, wuxuu ka sii jecel yahay dabeecaddenna oo quruxsanaato; wuxuu inaga doonayaa inaan daahirsanaan iyo is-hooseysiin ku dhaqanno, iyo nimcada ubaxyada. TXM 63.3

Haddii aan dhegaysanno Ilaah abuurkiisa waxa ay inagula had-layaan waxay inagu barayaan inaan Ilaah adeecno oon aaminno. Laga soo billaabo xiddigaha samada ka dhalaalaya oo wadooyinkooda ku soconaya qarni ka qarni, iyo waxa abuurka ugu yar sida dhuuryo casada oo kale, dhamaan waxay wada adeecaan kii abuuray doonistiisa. Ilaahna wuu ilaaliyaa oo dhawraa wax kasta oo uu abuuray. Kan gacantiisa ku haya duniyooyinka aan la koobi karin, wuxuu kaloo ilaalinayaa shimbirka ugu yar markuu codkiisa ku qaylinayo. Markay dadku u baxaan danahooda nolol maalmeed, iyo markay tukanayaanba; markay habeenka seexan ayaan, iyo markay aroorta hore soo toosaanba; markuu ninka hodanka ah qasrigiisa ku dhex cunteynaya, iyo markuu ninka faqiirka ah carruurtiisa ku soo ururiya saxanka faaruqa ah dushiisa, dhamaan Aabaha jannada jooga wuu la socdaa. Illin daadataa ma jirtoo oo Ilaah uusan garanyn ama la socon. Farxad iyo doollacadees uusan arkaynna ma jiraan. TXM 63.4

Haddii aan si buuxda u rumaysanna waxyaabahaas oo dhan, damacyadeenna iyo hamigeenna oo dhan waa la daboolayaa. Nolosheen-na cadho kama buuxaysa sida ay hadda tahay oo kale; waayo, wax kastaa yar iyo weynba waxay ku jjiraan gacanta Ilaah, kaas oo ayan ka yaabin ama culaysan waxyaabaha dunida oo dhan. Goortaas ayaan waxaan nafteenna u helaynaa nasiino ay mudo dheer kuwa badan doonayeen. TXM 64.1

Markay noloshaada ku faraxda quruxda dhulka, waxaad ka fikirtaa aakhiro, meeshaas oo ayan jiri doonin dembi iyo dhimasho toona; oo abuurkuna uusan xidhan doonin hooska habaarka. Qiyaastaadu iyo fikirkaadu ha cabbireen sawirka guriga kuwa badbaaday, waxaadna xusuusataa in ay meehaas ka wanaag badnaan doonta qiyaas kasta oo ay naftaada qiyaasi karto. Hadiyadaha Ilaah waxaa keliya oon ka aragnaa wax yar oo ammaantiisa kamid ah. Sida qoran, “Waxyaalo aanay ishu arkin, oo aanay dhegtu maqlin. Oo aan qalbiga dadka gelin, Wax kastoo ay yihiinba, Ilaah baa u diyaariyey kuwa isaga jecel.” 1 Korintos 2:9. TXM 64.2

Kuwa gabya kuwa abuurka ku takhasusay waxyaabo badan ayay ka sheegi karaan abuurka, laakiin qofka Masiixiga ayaa ah kan keliya oo dareemi karo fahmi karona quruxda abuurka, waayo, wuxuu aqoonsan yahay Aabaha abuurkiisa wuxuuna jacaylkiisa ka dhex arkayaa ubaxyada iyo dhirta iyo geedaha oo dhan. Ma jiro qof si dhab ah u fahmi karo oo u dareemi karo quruxda iyo muhiimadda uu abuurku leeyahay iyo buuraha, iyo webiyada iyo badda, haddii ayan dadka waxyaabahaas ku eegin jacaylka uu Ilaah Aadanaha u qabo. TXM 64.3

Ilaah wuxuu inagula hadlaa shuqullada gacmihiisa iyo xagga Ruuxiisa qalbiyadeenna. Daruufaheenna iyo hareeraheenna, iyo waxyaa-baha ku dhacaya nolosheenna maalin kasta, waxaan arkaynaa casharro wax tar u leh nolosheenna haddii aan qalbiyadeenna u furno inaan ku kala garanno. Daa’uud mar uu ka hadlayey sida Ilaah wax kastaa inoo siiya oo inoogu wax bara wuxuu yidhi, “Dhulka waxaa ka buuxda Rabbiga raxmaddiisa.” “Ku alla kii caqli lahu wuu dhawri doonaa waxyaalahan, Oo iyana way ka fiirsan doonaan Rabbiga naxariistiisa.” Sabuurrada 33:5; 107:43.  TXM 64.4

Ilaah wuxuu kaloo inagula hadlaa ereygiisa. Halkan waxaa ku cad muujinta saxda ah ee dabeecaddiisa, iyo sida uu dadka ula dhaqmo, iyo hawshii weynayd ee furashada. Halkan waxaa horteenna si bayaan ah loogu furay taariikhdii Nebi Ibraahim, iyo nebiyadii kale, iyo kuwii kale ee quduusiinta ahaa. Waxay ahaayeen niman “dabiicaddeenna oo kale leh.” Yacquub 5:17. Waxaan marar badan aragnaa siday ugu dhibtoodeen xaaladaha nolosha sideenna oo kale, iyo siday jirrabaadyo ugu dhaceen sideenna oo kale, welina qalbiyadooda uga xoogeysteen oo ugu guulaysteen xagga nimcada Ilaah; markaan iyaga eegnona waxaan ku xoogoobeynaa xagga dadaalka aan ugu jirno xaqnimada. Markaan akhrinno waayoaragnimadoodii, iyo iftiinka iyo jacaylka iyo barakada ay haysteen, iyo waxyaabaha ay ku qoreen nimcada la siiyey awgeed, ruuxii iyaga dhiirragelinayey ayaa inagana ina dhiirragelinayaa, oo qalbiyadeennana ka dhigayaa kuwooda oo kale, siday iyaga Ilaah ula socon jireen oo kale. TXM 65.1

Ciise mar uu ka hadlayey qoraallada Axdigii Hore iyo sida ay ugu rumoobeen Axdiga Cusub wuxuu yidhi, “waana iyaga kuwa ii marag furayaa.” Waa Badbaadiyaha kan rajadeenna nolosha weligeed ah aan ka rajaynayno. Yoox 5:39. Haa run ahaantii Kitaabka Quduuska ah wuxuu inta badan ka hadlaa Masiixa. Laga soo billaabo abuurki, waayo, “oo wixii la sameeyey lama samayn isaga la’aantiis.” Ilaa ballanka ugu dambeeya, “Oo bal eeg. anigu dhaqsaan u imanayaa” Waxaan ku arkaynaa shuqulladiisa oo waxaan ku dhegaysanaynaa codkiisa. Yoox 1:3; Muuj 22:12. Haddii aad doonaysid inaad Badbaadiyaha la kulantid, baro oo akhriso Qoraallada Quduuska ah. TXM 65.2

Qalbiga oo dhan waxaad ka buuxisaa ereyada Ilaah. Waayo ereyadiisa waa biyaha noole, kuwaas oo harraadka ku haya kaa saari kara. Waa kibista nool ee samada ka soo degay. Ciise wuxuu yidhi, “Haddaydnaan jidhkii Wiilka Aadanaha cunin oo dhiiggiisa cabbin nolosha kuma lihidin gudihiinna.” Isaguna wuxuu isu-faahfaahiyey mar uu yidhi, “Erayadii aan idinkula hadlayna waxay yihiin ruux iyo nololba.” Yooxanaa 6:53, 63. Jidhkeenna wuxuu ku koraa waxaan cabno oo cunno; sida ay dabiicayadda caadiga ah tahay, sidaas oo kale ayaa ruuxiyaddana tahay: Waa wixi aan ku khalweyno oo baranno waxa nolosheenna ruuxiyadda ah wax tarayo. TXM 65.3

Qodobka furashada waa mid ay Malaa’igaha doonayaan inay ogaadaan; wuxuuna ahaan doonaa aqoonta iyo heesta kuwa badbaaday ilaa weligeed iyo weligeed. Miyaanay ahayn inaan imminka baranno oo fahanno? Naxariista iyo jacaylka Ciise oo aan la qiyaasi karin, qurbaankii innaga beddelkeenna loo sameeyay, waxay waxyaabahaas dhammaan inoogu waacayaan inaan aad uga fikirno Ilaah iyo ereyadiisa. Waa inaan ku dayanno oo lahaanno dhaqanki kii ina furtay ahaana dhexdhexaadiyaheenna. Waa inaan aad uga fikirno oo ka shaqeyno sidii uu u shaqeynayey kii u yimid inuu dadkiisa dembiyadooda ka badbaadiyo oo kale. Markaan eegno waxyaabaha sare, rumaysadkeenna iyo jcaylkeenna way sii xoogoobayaan, tukashadeennana Ilaah wuu aqbalayaa, waayo, waxaa tukashadeenna ka buuxsameysaa rumaysad iyo jacayl. Salaadaheenna waxay ahaanayaan kuwa macquul ah, oo Ilaah jacal ku jiro. Markaas waxaa sii jiraysaa kalsooni buuxdo oo Ciise aannu ku sii qabayno, iyo inaan sii jeclaanno badbaadada kuwa lumay. TXM 66.1

Markaan eegno daahirsanaantii iyo kaamilnimadii Badbaadiyaheenna, waxaan sii jeclaanaynaa inaan ku beddelmanno e-kaantiisa oo kale. Naftu waxay u gaajoonaysaa oo u harraadaysaa inay noqoto sidiisa oo kale. Inta uu fikirkeennu Ciise yahay, ayaa ah intaan inta badan isaga magaciisa sheegayno oo kuwa kalena la qeybsanayno. TXM 66.2

Kitaabka Quduuska ah looma qorin oo keliya kuwa aqoonta leh oo keliya; laakiin waxaa loogu talagalay dadka caadiga ah. Runta Badbaadada ku saabsan waxay u caddahay sida qorraxda duhurka oo kale; kuwa aan arki doonina ma jiraan oo aan ka ahayn kuwa doonaya inay xukunkooda iyo hawadooda raacaan halki ay ka raaci lahaayeen doonista Ilaah. Waa inaanan qaadan markhaarifuridda dadka innagoo wax baridda Kitaabka Quduuska ah haysanno, laakiin waa inaan barannaa ereyga Ilaah. Haddii aan hawada kuwa kale raacnaa, waxaan daciifinaynaa xooggeenna iyo waxtarkeenna. Awooda maanka uu leeyahay way yaraan karaan haddii aan maanka lagu tababarin sida uu ku fahmi lahaa micnaha dhabta ah ee ereyga Ilaah. Dhinaca kalena maanka iyo maskaxda way sii weynaanayaan haddii lagu tarbiyeeya inay barbardhigaan qoraallada Kitaabka Quduuska ah, oo ay isu badhbadhigaan qoraallada Kitaabka Quduuska ah. TXM 66.3

Wax ka weyn ma jiro oo maanka ku kori karo oo aan ka ahayn barashada Kitaabka Quduuska ah. Ma jiro buug kale uu sare u qaadi karo fikirka, oo iftiin siin karayo xubnaha jidhka sida cadceedda duhureed, oo ina fahansiin karayo Kitaabka Quduuska ah. Haddii ereyga Ilaah loo barto sida uu yahay in loo barto, dadku waxay lahaan lahaayeen maskax ballaadhan, iyo dhaqan wanaagsan, iyo ujeedo cabbiran kuwaas oo maanta inta badan aan la arag. TXM 67.1

Laakiin waxba lagama faa’idayo Kitaabka oo si degdeg ah lagu akhriyo. Waxaa laga yaabaa mid inuu Kitaabka Quduuska ah wada akhriyo haddana uu arki waayo quruxda uu Kitaabka Quduuska ah wada leeyahay oo fahmi kari waayo micnaha gudaha ah. Haddii hal qeyb ah la akhriyo ilaa micnihiisa dhabta ah iyo xidhiidhkiisa badbaadada dhab inoo dhaco, ayaa ka qiimo badan in cutubyo badan oo waxba ina tarin ama micnahooda ina dhicin la akhriyo. Kitaabka Quduuska ah maalin walba hayso. Markaad fursad u heshid akhriso; qoraallada xusuustaada ku qabo. Xataa adigoo waddada socotid waxaad akhrin aayada Kitaabka Quduuska ah kamid ah, adigoo xusuustaada ku qabanaysid. TXM 67.2

Xigmad ma heli karayno haddii aan ereyga Ilaah si gudaha ah u baranin. Qeybo ka mid ah Kitaabka ayaa laga yaabaa in si khaldan loo fahmo, laakiin waxaa jiraan kuwa kale oo micnahoodu lagu garan karin aragtida hore. Qoraalladu waa laysu barbardhigaa. Waa in si xad dhaaf ah loo baadhbaadhaa lana tukadaa. Barashada noocaas ahna run ahaantii abaal marin bay lahaan doontaa. Sida kan macdanta qodayaa uu macdanta dhulka hoostiisa uga soo saaro, sidaas oo kalena kan ereyada Ilaah baadhbaadhaa oo si guda ahaan ah u bartaa u fahmi doonaa micnahiisa gudaha ah, kuwaas oo kuwa runta indhaha iska tiraan ayan arki karayn. Ereyada waxyiga haddii qalbiga lagu dhex suga, waxay ahaanayaan sida webi ka soo durduraya durdurka nolosha. TXM 67.3

Waa inaan Kitaabka Quduuska ah loo akhriyin tukasho la’aan. Inta aan baalashiisa furin waa inaan weyddiisannaa fahanka Ruuxa Quduuskaa, waana la siin doonaa ku kastaa oo weydiisto Ruuxaas. Markuu ninkii la odhan jiray Nataana'eel Ciise u yimid, Badbaadiyuhu wuxuu yidhi, “Bal eeg. kanu waa mid reer Israa iil oo run ah oo aan khiyaano lahayn.” Nataana'eel ayaa ugu jawaabay, “Xaggee baad igu tiqiin?” Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, “Intaan Filibos kuu yeedhin, markaad geed kii berdaha hoostiisa joogtay, ayaan ku arkay.” Yooxanaa 1:47, 48. Sidaas oo kale Ciise wuu inagu arkayaa meelaha qarsoon ee salaadda haddii aan iftiinkiisa doondoonna, oo aan jeclaanno inaan runtiisa garanno. Malaa’igo xagga sare ka yimid ayaa la jiraya kuwa iyagoo qalbiyadooda hooseeyaa doondoona Ilaah iyo wanaaggiisa. TXM 67.4

Ruuxa Quduuska ah wuxuu sarreysiiyaa oo amaanaa Badbaadiyaha. Waa shaqadiisa inuu Masiixa soo bandhigo, iyo daahirsanaanta xaqnimadiisa, iyo Badbaadada weyn ee aan isaga xaggiisa ku leennahay. Ciise wuxuu leeyahay, “waxayguu qaadi doonaa, wuuna idiin sheegi doonaa.” Yooxanaa 16:14. Ruuxa runta ayaa ah macallinka keliya ee saxda ah ee dadka runta bari karaya. Intee ka badan ayuu Ilaah dadka jeclaan lahaa hadduu Wiilkiisa u bixiyey inuu iyaga u dhinto, oo Ruuxiisuna uu ka dhigay inuu ahaado macallinka iyo hagaha dadka. TXM 68.1