Loading...

Loading

Loading
(You are in the browser Reader mode)

11—Faa’idooyinka Tukashada

Xagga dabiicadda iyo muujinta, iyo xagga wax baridda, iyo xagga Ruuxiisa Quduuska ah ayuu Ilaah inagula hadlaa. Laakiin kuwaas keliya inaguma filno; waxaa laynaga doonayaa inaan qalbiyadeenna isaga u furno. Si aan u lahaanno nolol iyo xoog xagga ruuxiyadda, waa inaan maalin walba Aabaheenna samada xidhiidh la lahaannaa. Maankeenna wuxuu u sii dhowaanayaa isaga; waxaana sii fahmaynaa shuqulladiisa, naxariistiisa iyo barakooyinkiisa; laakiin taas micnaheeda maaha in aan si dhab ah xidhiidh ula yeelannay. Si aan Ilaah xidhiidh gaar ahaanayd ula yeelanno waa inaan leennahay wax aan isaga ku odhan karno, ee xagga nolosha. TXM 69.1

Tukashadu waxay qalbiga u furtaa Ilaah sida saaxib oo kale. Tukashadu muhiimddeedu maaha inaan Ilaah is garansiinayno, laakiin waa inaan isaga isa siinayno oo u guddoomayno. Tukashadu Ilaah ma soo hooseysiinayso, laakiin innaga ayay sare inoo qaadaysaa innagoo Ilaah u dhowaanayno. Ciise markuu dhulka joogay, wuxuu xertiisa baray sida loo tukado. Wuxuu iyaga faray inay waxyaabaha ay maalin kastaa u baahan yihiin ay Ilaah horgeeyaan, oo waxyaabaha ay ka fikirayaan oo dhan isaga dusha kaga tuuraan. Hubaasha uu siiyey oo ahayd in salaadahooda la aqbali doona isla hubaashaas ayuu inaguna ina siiyey. TXM 69.2

Ciise markuu dunida joogay, had iyo goor wuu tukan jiray. Badbaadiyaheenna wuu aqoonsan yahay dhibaatooyinkeenna iyo waxa aan u baahannahay oo dhan, sidaas aawadeed wuxuu inoo noqday mid wax walba ina siiya oo inoo dooda, isagoo Aabahiis mar walba weyddiisanaya xoog hor leh, si uu uga guulaysto tijaabo kasta oo ku timaadda. Waa tusaalaheenna wanaagsan ee wax kasta. Waa walaalkeen xagga dhibaatada, “isagoo ah mid si walba loo jirrabay;” laakiin isagoo ah mid aan dembi lahayn dabiicaddiisa way ka soo duubmatay xumaanta; wuxuu u adkaystay dhibaatooyin iyo Silic, ee dunida dembiga leh. Ciise Binu-aadmi ni madiisii waxay inoo sahashay salaadda inay inoo ahaato fursad. Wuxuu Aabahiis ka helay qaboownaan iyo farxad. Haddaba haddii Badbaadiyihii aduunka, Wiilka Ilaah, uu tukaday, intee in ka badan ayaa innagoo Aadana dembiileyaal ah laynooga baahan yahay inaan tukanno oo Ilaah barinno?. TXM 69.3

Aabaheenna samada jooga wuxuu doonayaa inuu barakooyinkiisa buuxnaantooda ina siiya. Waa fursadeenna inaan durdurka biyaha uga cabno si jacayl badan. la yaab ma lahan inaan inteenna badan mudo yar tukanaa, Ilaah wuxuu doonayaa baryadeenna aqbalo oo maqlo markaan ahaanno carruur is-hooseysiinayso, laakiin inta badan innaga ayaa ka caga jiidaynaa inaan Ilaah ogeeysiinno waxa aan u baahannahay. Malaa’igaha maxay ka malaysan karaan Aadanaha dhulka jooga, kuwaas oo ah kuwa jirrabaadyo ku dhaca, marka qalbiga Ilaah ee uu jacaylku ka buuxa iyaga doondoona, isagoo diyaar u ah inuu siiyo wax walbo oo ay weydiistaan, laakiin weli Aadanaha Ilaah sida la doonayo uma tuugaan oo uguma tukadaan. Malaa’igaha waxay ku sujuudaan Ilaah hortiisa; waxayna jecel yihiin inay isaga u dhowaadaan. Xidhiidhka Ilaah ayay u arkaan inuu yahay farxaddooda ugu weyn; maxaad u malaynaysaa innagoo ah kuwa dhulka jooga, oo u baahan gargaarka Ilaah had iyo goorba, haddii aan iska soconno iftiinka Ruuxa Quduuska ah la’aatniis, iyo inaan isaga xidhiidh gaar ahaanayd la yeelanno. TXM 70.1

Gudcurka kan sharka leh wuxuu daboola kuwa diida inay tu-kadaan. Jirrabaadaha iyo dhega ku hadalkiisa waxay kuwa xumaanta je-cel u horseeddaan dembi; waxaas oo dhanna waxay u dhacaan sababtoo ah ma doonayaan inay ka faa’idaystaan fursdaha uu Ilaah ku siiyey xagga tukashada. Maxay gabdhaha iyo wiilasha Ilaah uga caga jiidaan inay tu-kadaan, markay iyagoo of in salaaddu tahay furaha ku jira gacanta rumaysadka leh ee lagu furan karo khasnadaha samada, halkaas oo ay ku keydsan yihiin waxyaabo aan la qiyaasi Karin? Haddii aan si joogis la;aan u tukan weyno oo aan soo jeedi wayno waxaan khatar ugu jirnaa inaan ka lunno waddada saxda ah. Sheydaanku wuxuu had iyo goor doondoonaa inuu dadka ka fogeeya oo ka xidho waddada jannada loo maro, si uu xoogga aan jirrabaadda kaga adkaanayno inooga daciifo. TXM 70.2

Waxaa jiraan xaalada qaar ah oo Ilaah uu salaaddenna aqbali karayo. Tan koowaad waa markaan dareenno sidaan ugu baahannahay gargaarkiisa. Ilaah wuxuu inoo ballanqaadayd, “kii oomman biyaan ku shubi doonaa. Ruuxayga ayaan farcankiinna ku daadin doonaa” Ishacyaah 44:3. kuwa u gaajooda oo u harraada xaqnimada aawadeed, oo Ilaah doondoona, waxay hubaal u lahaan karaan in la buuxin doona. Qalbiga waa in loo furo saameynta Ruuxa, haddii kale barakooyinka Ilaah lama heli doona. TXM 70.3

Waxa aan aadka ugu baahannahay waxay ahaan lahayd inaan doondoonna mid innaga beddelkeen dhexdhexaadiye inoo ahaada. Laakiin taas waa in Rabbiga aan weydiisanno, wuxuu inagu leeyahay, “Weydiista oo waa laydin siin doonaa.” Haddana “Kii aan xataa Wiilkiisa lexejeclaysan, laakiinse innaga dhammaanteen u bixiyey, sidee buusan wax walbana inoola siin doonin isaga?” Matayos 7:7 Rooma 8:32. TXM 71.1

Haddii aan qalbiyadeenna xadgudubyo ku hayno, oo aan ku dhegnaanno dembi aan og nahay oo aan qiran weyno dembiyadeenna Rabbiga baryootankeenna ma maqli doona; laakiin salaadda qalbiga is-hooseysiiya oo si joogsi la’aan u tukado waa la maqlaa. Xumaan kastaa oo hore loo sameeyay markan dib u saxno, waxaan ku kalsoonaan karnaa in Ilaah aqbali doona baryadeenna. Wax aan innaga sameynay Ilaah lama hor tagi karayno ama mudnaan aan Ilaah hortiisa ka leennahay ma jiro; waa mudnaanta Ciise tan ina badbaadin karaysa, waana dhiggiisa kan ina nadiifin karaya; laakiin waxaa laynaga doonayaa inaan shuruudaha Ilaah ka soo baxno. TXM 71.2

Shuruudda kale oo salaadda lagu aqbali karayo waa rumaysad. “Oo rumaysad la’aantiis ma suurtowdo in isaga laga farxiyo, taas aawadeed kan Ilaah u yimaadaa waa inuu rumaysto inuu jiro oo uu yahay kan u abaalguda kuwa isaga doondoona.” Cibraaniyada 11:6. Ciise wuxuu xertiisa ku yidhi, “Sidaa darteed, waxaan idinku leeyahay, wax kasta oo aad tukasho ku baridaan, rumaysta inaad hesheen oo way idiin ahaan doontaa.” Markos 11:24. Soo maaha inaan ereyga Ilaah aaminno? TXM 71.3

Hubaashu way weyntahay xadna ma laha, kii ballanqaadayna waa caadil iyo aamin. Markaan intaan tukanno aan bayadeenna la maqlin oo aan jawaab heli wayno, waa inaan rumaynaa inaan Ilaah weli aqbali doo-na baryadeenna oo inooga soo jawaabi doona. Waxaan nahay dad aad daciif u ah oo mararka qaar waxaan Ilaah ka barinnaa wax aan u maleynayna inuu khayr inoo yahay, Aabaheenna jannada joogana jacayl uu inoo qaba dartiis ayuu wuxuu inoogu beddelaa wax taas inooga khayr badan, oo haddii aan si ruuxiyan ah ku eegno aan u arki lahayn sida ay inoogu wanaagsan yihiin. Markaan u malayno in baryootankeenna aan la maqlin, waa inaan ku dhegnaa ballanka; waayo, wakhtiga jawaabtu run ahaantii wuu iman doonaa, waxaana heli doonna barakooyinka aan aadka ugu baahannahay. Laakiin haddii aan mar walba u malayno in baryadeenna loo aqbali doona sidii aan u weyddiisannay, waa fikir khaldan. Ilaah waa mid xigmad badan oo aan khaldamin, wuuna ka nasahan yahay inuu ka reebto kuwa xaqa ah wax ay weyddiisteen. Haddaba ha ka cabsan inaad isaga tala saaratid, maadaamoo mararka qaar Aadan helayn jawaabta si deg deg ah. Ku kalsoonoow ballamadiisa la hubo. “weyddiista oo waa laydin siin doonaa.” TXM 71.4

Haddii aan shakinno, oo aan cabsanno, ama aan isku dayno inaan xalinno wax aanan garan Karin xalkiisa dhabta ah, innagoo aan rumaysad lahayn cabsi badan iyo shaki uun baan ka sii qaadaynaa. Laakin haddii aan Ilaah u nimaadno, innagoo gargaarkiisa doonayna oo u baahan isaga, innagoo isaga ugu imanayna sida dhabta ee aan nahay, oo weliba is-hooseysiinayna, rumaysadkeenna kalsoonaanta leh wuxuu waxyaabaha aan doonayna ogeeysiiyaa kan aqoontiisa aan la kooni Karin kaas oo u jeeda wax kastaa oo uu abuuray kuna maamula doonistiisa iyo ereygiisa, isagu wuu karaa inuu maqlo oohinteenna oo qalbiyadeenna uu iftin ka shido. Markaan qalbi daacad ah Ilaah ku barinno maanka Ilaah ayaan xidhiidh la yeelanaynaa. Waxaa laga yaabaa inuu si cad wejiga Badbaadiyaheenna inoogu muuqan waayo goorta uu jacaylkiisa iyo dabacsanaantiisa inoo muujinayo, laakiin dhab ahaantii jacaylkiisa iyo dabacsanaantiisa way inoo muuqanaysaa. Waxaa suurta gal ah inaanan dareemin taabashadiisa, laakiin gacantiisa run ahaantii way ina dul joogtaa iyadoo inoo naxariisanayso. TXM 72.1

Markaan Ilaah weydiisanayno waa inaan qalbiyadeenna ka buuxinnaa jacayl iyo dembi dhaaf. Sidee baan ugu tukan karnaa, “Oo naga cafi qaamahayaga sidaannu u cafinnay kuwa noo qaamaysan.” Haddana qalbiyadeenna aan ugu hayn karnaa kuwa aan dembiyada ay inaga galeen u cafin? Matayos 6:12. Haddii aan doonayno in baryadeenna uu Ilaah maqlo oo aqbalo, waa inaan kuwa kale u cafinna sida aan doonayno in laynoo cafiyo. TXM 72.2

Tukashada oo lagu samro waa shuruud ka mid ah sida uu Ilaah u aqbali doona. Waa inaan had iyo goorba tukannaa haddii aan doonayno inaan rumaysadka ku barbaarno. Waa inaan “tukashada wadiddeeda ku sii adkaysannaa,” oo aan “Haddaba baryada ku sii adkaada, idinkoo ku soo jeeda oo mahad naqaya.” Rooma 12:12; Kolosay 4:2. TXM 72.3

Butros wuxuu rumaystayaasha ku dhiirragelinayaa, “inay digtoonaadaan, oo tukashada ku feejignaadaan.” 1 Butros 4:7. Bawloosna wuxuu ina farayaa, “Waxba ha ka welwelina, laakiinse wax kastaba baryadiinna Ilaah ku ogeysiiya tukasho iyo duco mahadnaqid la jirto.” Filoboy 4:6. Yuudaasna wuxuu leeyahay, “laakiinse, gacaliyayaalow, nafsaddiinna ku dul dhisa rumaysadkiinna aad quduuska u ah, oo Ruuxa Quduuska ah ku tukada.” Yuudaas 20. Tukashada aan joogsiga lahayn waa sida xidhiidh aan go’ayn loola lahaan karo, si nolosha Ilaah ay inooga soo daadato; Nolosheennana aan quduusnimo iyo daahirsanaan Ilaah ugu muujinno. Waa lama huraan in tukashada la joogteeyo; waa inayan waxba tukashada idinka hor joogsan. Waa inaad dadaal kasta aad sameysaa si aad xidhiidhka naftaad iyo Ciise u dhisdid. Fursad kastaa oo aad tukashada u heli kartaa waa inaad ka faa’idaysataa. Kuwa doonayaan inay xidhiidh gaar ahaanayd Ilaah la yeeshaan waxaa had iyo goor laga helaa meelaha tukashada, iyagoo daacad u ah inay qaynuunnada fuliyaan diyaarna u ah midhaha ay ka helaan inay gurtaan. Fursad kastaa oo ay ku heli karaan iftiinka samada ka imanaya way ka faa'idaystaan. TXM 73.1

Waa inaan qoysaskeenna la tukanna innagoo aan illaawayn tuka-shada qofka keligiis ah, waayo, tan ayaa ah nolosha nafta. Nafta ma kori karayso haddii tukashada la inkiro. Inaan qoysaskeenna ama dad badan oo kale la tukanno keliya inaguma fillo. Waa in mararka qaar nafta iyada keligeed ah la hor geeya indhaha Ilaah. Tukashada qarsoon waxaa keliya oo maqli doonaa ama karayaa Ilaaha barayada iyo salaadaha aqbala. Dheg kale oo inay wax maqasho doonaysa waa inayan maqlin baryadaas qarsoon. Tukashada qarsoon naftu waxay ka fogaanaysaa waxyaabaha ku hareeraysan, naxdin iyo waxyaaba indhaha u roonna way ka xoroobaysaa. Si deggan oo feejignaan ku jirto ayay Ilaah u doondoonaysaa. Wax aad u macaan oo aad u raagaya ayaa ka imanaya kan waxa qarsoon oo dhan u jeeda, oo dhegtiisana ay diyaarka u tahay inay maqasho tukashada qalbiga ka imanaysa. Si degganaansho ah oo rumaysad ku jiro ayay naftu Ilaah xidhiidh ula yeelanaysaa, iyadoo uruursanaysa iftiin rabbaani ah si ay ugu sii xoogoowda oo uga adkaato colaadda shaydaanka. Ilaah ayaa ah dhismaheenna xoogga. TXM 73.2

Si qarasoon u tuko, markaad maalita hawlahaaga aadaysidna qalbigaaga Ilaah sare ugu qaad. Sidaas ayay ahayd siduu Eenoog Ilaah ula socday. Tukashooyinkan qarsoon waxay Ilaah carshigiisa u gaadhayaan sida iyagoo ah cadar udgoon. Shayddaanka kama adkaan karayo kuwa qalbiyadooda Ilaah ku xidhan yahay Ma jiro waqti ama meel Ilaah aan lagu baryi Karin. Mana jiraan waxyaabo inaga reebi karo inaan qalbi-yadeenna innagoo Ilaah ku baryeyna sare ugu qaadno. Haddii aan dad badan dhex joogno, haddii aan meel ganacsi joogno, Ilaah waan baryi karnaa innagoo ka baryayno inuu ina hago, siduu Nexemyaah sameeyay markuu wax ka codsanayey Boqor Arteksaases. Xidhiidh aad u gaar ah ayaan Ilaah la yeelan karnaa meel kastoo aan joogno. Waa inaan mar walba albaabka qalbiga furnaa oo Ilaah aan baryadeenna aan isaga hor geynaa si Ciise uu inoogu yimaado isagoo inoo ah sida boqorka samada xagga samada. TXM 74.1

Inkastoo ay hareeraheenna joogaan kuwa kharriban oo wasakhaysan, waa inaan xaggooda wax ka qAadan balse aan qAadanno hawada nadiifka ah ee jannada. Waa inaan qalbiyadeenna ka xidhnaa wax kasta oo aan quduus ahayn, innagoo nafteenna Ilaah hor geynayna si tukasho leh. Kuwa qalbiyadooda ay u furan yihiin inay helaan barakada Ilaah waxay ku socon doonaan jawi quduus ah iyagoo ka duwan kuwa dhulka jawiga ay ku socdaan waxayna xidhiidh joogta ah la yeelan doonaan samada. Waa inaan fiiro gaar ahaanayd u leennahay Ciise oo garasho dheeraad ah u leennahay waxyaabaha iyo qiimaha jannada. Waxaan Ilaah ugu dhowaan karnaa si xataa marka dhibaato yar la kulanno aan isaga ugu cararno sida ubaxa ugu cararo oo ugu jeesta xagga qorraxda. TXM 74.2

Rabitaankaaga, farxaddaada, murugadaada, danahaaga, iyo cabsidaada oo dhan waxaad hor geeysaa Ilaah. Isaga ma culaabin kartid; mana ka daalin kartid. Kan ay u tirsan yihiin timaha madaxaaga waxyaabaha ay carruurtiisa u baahan yihiinna wuu garanayaa. “Rabbigu waa raxmad badan yahay, naxariisna wuu leeyahay.” Yacquub 5:11. Qalbigiisa jacaylka ka buuxo wuxuu dareemaa murugooyinkeenna iyo markaan isaga u sheeganno. Wax kasta oo maankaaga ka adkaado isaga hor gee. Isaga wax ka weyn oo uusan xallin Karin ma jiro, maxaa yeelay duniyooyinka oo dhan gacantiisa ayuu ku hayaa, wuxuuna ka taliyaa caalamka oo dhan. Wax innaga nagu saabsan oo uusan garanayn ma jiro. Mana jiro cutub nolosheenna ka mid ah uu isaga mugdi ku ah oo uusan akhrin karayn; wax ku adagna ma jiraan. Ma jirto masiibo carruurtiisa ku timaado, ma jirto kacdoon nafta wel wel geliya, ma jirto farxad lala qoslo, ma jirto tukasho daacad ah oo faruuraha dadka soo marto, oo uusan Aabaheenna jannada u jeedin, ama uusan wax dan ah ka lahayn. “Isagaa bogsiiya kuwa qalbi jabay, Oo nabarradoodana wuu duubaa.” Sabuurradii 147:3. TXM 74.3

Sida uu qof kastaa Ilaah ugu jeedo waa sida iyadoo aan qof kale oo Ilaah dan ka leeyahay dunida ku noolayn, oo ayan jirin naf kale oo ka mid kuwa uu Wiilkiisa uu jeclaa u bixiyey. TXM 75.1

Ciise wuxuu yidhi, “Maalintaas waxaad ku weydiisan doontaan magacayga. Idinkuma lihi inaan Aabbaha baryayo daraaddiin. Waayo, Aabbaha qudhiisu wuu idin jecel yahay.” “Idinku ima aydnaan dooran: in wax alla waxaad Aabbaha magacayga ku weydiisataanuu idin siiyo.” Yooxanaa 16:26, 27; 15:16. Laakiin ku tukashada magaca Ciise ma aha oo keliya in magaciisa uun la sheego billowga salaadda iyo dhamaadka salaadda. Waa in maanka iyo ruuxa Ciise aad ugu tukato, innagoo rumaysan ballamadiisa, oo ku kalsoon nimcadiisa, innagoo qabanayna shaqadiisa. TXM 75.2

Ilaah ma doonayo inaan aduunyada ka cararno oo aan iska dhigno kuwa Ilaah u jeeda. Noloshu waa inay ahaataa tan Masiixa oo kale ee uu dhaxeysa buuraha iyo dadka. Kii tukashada badiyaa goor dhow wuu daan doonaa ama tukashadiisa waxay u noqon doontaa mid habeen iyo maalin uu oogayo. Dadku markay dadka ka dhex baxaan, iyo Masiixiyiinta dhexdooda; markay joojiyaan inay shaqada Sayidka, kii iyaga daraadood u silcay, waxay gaarayaan heer ay garan waayaan micnaha ay tukashada iyo cibaadada leedahay. Tukashooyinkooda waxay noqonayaan kuwa iyaga ku khaas ah oo si khaldan loo tukanayo. Uma tukan karaan sababta wax doonidda Aadanaha iyo dhisidda boqortooyada Masiixa, iyagoo xoog weydiisanaya. TXM 75.3

Waxaan ku sigannahay khasaaro markaan diidno inaan cibaadada Ilaah kula midowno Masiixiyiinta kale. Ereyadiisa xaqnimadooda maankeenna way ku micna beelayaan. Qalbiyadeennana wuu qallalayaa oo saameynta qAadan kari mayo, xagga ruuxana waan ka guul darray sanaynaa. Xidhiidhkeenna aan Masiixiyiinta kale aan la leennahay haddii aan tukashada badin weyno dabacsanaan isuma lahaanayno. Kii dadka iska dhex saaraa oo meel cidlo ah keligiis tagaa ma fulinayo wixi uu Ilaah ka doonayey. Sida saxda ee dabeecaddeenna ina farayso ayaaba inaan isu naxariisanno oo sidaas aan ugu barbaarno shaqada Ilaah. TXM 75.4

Haddi ay Masiixiyiinta wada xidhiidhi lahaayeen, iyagoo is faraya jacaylka Ilaah iyo xaqiiqooyinka qaaliga ah ee furashada, qalbiyadooda ayaa dib u soo noolaan lahaa iyaguna waxay sii noolayn lahaayeen kuwa kale. Waxaa laga yaabaa in maalin walba aan Aabaheenna jannada wax ka sii fahmeyna, innagoo sii helayna waaya aragnimo cusub; markaas ayaan waxaan jeclaanaynaa inaan ka hadalno jacaylkiisa; markaan sidaas sameynona, qalbiyadeenna way kacayaan wayna dhiirragelismayaan. Haddii aan Ciise ka hadalno oo aan isaga qudhiisa ku fikirno had iyo goorba, in yarna aan innaga danaheenna eegno, waxaan sii helaynaa inaan lahaanno isaga ahaantiisa. TXM 76.1

Haddii aan Ilaah ka fikirno had iyo goorba oo aan nimcadiisa caddeymaheeda ka hadalno waa inaan ku faraxnaa isaga ka hadalkiisa. Markaan ka hadlayno waxyaabaha aduunyada waxay muujinaysaa inaan iyaga danayno. Waxaan had iyo goor ka hadalnaa saaxibbadeen sababtoo ah waan jecel nahay; farxaddeenna iyo murugadeenna ayaa la xidhiidha iyaga. Laakiin run ahaantii sabab weyn ayaan u heysannaa inaan Ilaah jeclaanno in ka badan inta aan jecel nahay saaxibbadeenna dhulka; waa inaa Ilaah wax walba ka hor marinnaa, oo aan wanaaggiisa dadka u sheegnaa iyo awoodiisa. Hadiyadaha qaaliga ah ee uu Ilaah inagu manneystay uguma uusan tala gelin inay fikirradeenna la wareegaan ilaa ugu dambeynta aan iska illowna wixi uu Ilaah inaga doonayey; Ilaah wuxuu nimcada uu na siiyey ugu talagalay inay isaga ina xusuusiyaan oo jacaylkiisa inagu xidhaan. Aduunyada ayaan aad ugu mashquulsannahay. Indhaheenna aan sare ugu qaadno albaabka macbudka samada ee furan, halkaas oo iftiinka ammaanta Ilaah ka dhalaalayo wejiga Masiixa, kaasoo “dhammaan u badbaadin karaa kuwa Ilaah ugu dhowaada isaga” Cibraaniyada 7:25. Waa inaan had iyo goorba Rabbiga ku ammaannaa “wanaaggiisa, Iyo shuqulladiisa yaabka badan oo uu binu-aadmiga u sameeyo.” Sab 107:8. Cibaadadeenna waa inay ku soo urursan tahay oo keliya wax weydiis iyo inaan helno wixi aan weydiisannay. Waa inaan mar walbo ka fikirin rabitaankeenna oo keliya innagoo u jeedin faa’idooyinka aan helayno. Aad uma tukanno, laakiin aad ayaan uga caga jiidnaa inaan Ilaah wanaaggiisa ugu mahad celino. Had iyo goorba Ilaah naxariistiisa ayaa ina dul ah, haddana wax yar ayaan isaga u mahad celinnaa, wax yar isaga waan ku ammaannaa waxyaabaha uu inaga aawdeen u sameeyay. TXM 76.2

Waagii hore Rabbiga wuxuu reer binu-israa’iil ku yidhi markay cibaadadiisa isugu yimaadeen, “Oo waxyaalahaas waa inaad halkaas ku cuntaan Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa, oo wax alla wixii aad gacanta ku qabataan oo uu Rabbiga Ilaahiinna ahu idinku barakadeeyey waa inaad ku faraxdaan idinka iyo reerihiinnuba.” Sharciga kunoqoshadiisa 12:7. Wax walba oo Ilaah ammaantiisa aawadeed loo sameeya waa in farxad lagu sameeyo, innagoo isugu ku ammaanayna gabay iyo heeso oo u ma-had celinayna, maaha inay murugo iyo naxdin inaga muuqato markaan Ilaah u mahad celinayno oon amaanayno. TXM 77.1

Ilaaheenna waa Ilaah naxariis iyo nimco badan. Markaan hawshiisa qabanayno waa inaan si murugo leh u qabanin, innagoo caga jiidayno. Waa inay farxad inoo ahaato cibaadada Rabbiga iyo shaqadiisa oon ka qeyb qaadanno. Ilaah kama doonayo carruutiisa kuwaas oo uu siiyey badbaadada weynideeda, inay u dhaqmaan si adayg iyo cabsi ku jirto, waa inayan Ilaah u qaadan inuu yahay mid amar taagleeya. Ilaah waa saaxibkooda ugu wanaagsan; markay caabudayaanna, iyaga wuu la joogaa, wuuna barakadaynayaa oo u qalbi qaboojinayaa, isagoo qalbiyadooda ka buuxinaya farxad iyo jacayl. Rabbiga wuxuu carruurtiisa ka doonayaa inay ku farxaan cibaadadiisa, oo ay farxad ka helaan adeeggiisa. Wuxuu iyaga ka doonayaa inay ogaadaan kuwa isaga adeeggiisa u imanaya inay lahaadaan niyo wanaagsan oo ah inuu iyaga ilaalin doona, oo ay ku farxayaan maalin walba Rabbiga, oo ay leeyihiin nimco iyo naxariis iyo daacadnimo. TXM 77.2

Waa inay ku wareegsanaadaan isku-talaabta. Cibaadadooda waa in Masiixa iyo dhimashadiisa ay sal u ahaadaan, iyo wax walbo oo ay sameynayaan. Waa in qalbiyadeenna ay ka buuxaan barako kastaa oo aan Ilaah ka helnay, markaan dareenno jacaylkiisana waa inaan diyaar u ahaanno inaan kii innaga aawadeen gacmihiisa loo qodbay wax kastaa ku aaminno. TXM 77.3

Nafta waa inay samada u dhowaataa markay Ilaah amaanayso. Ilaah samada waxaa looga caabudaa oo looga amaanaa hees iyo amaan, markaan isaga u mahadcelinaynona waxaan la mid noqonaynaa sida kuwa samada isaga ku caabudayo. “Ku alla kii allabariga mahadnaqidda bixiyaa waa i ammaanaa.” Sab 50:23. Aan Rabbiga u hornimaadna inna-goo farxad iyo jacayl inaga buuxo, iyo “mahadnaqid iyo cod heeseed.” Ishacyaah 51:3. TXM 77.4