Loading...

Loading

Loading
(You are in the browser Reader mode)

12—Sida shakiga looga bixi karo

Kuwa badan oo ah kuwa ku cusub diinta masiixiyadda, waxay mararka qaar la dhibtoodaan su’aasha shakiga. Kitaabka gudihiisa waxay ku arkaan waxyaabo oo ayan ka jawaabi Karin, ama ayan xataa fahmi Karin, shayddaankuna waxyaabahaas ayuu u isticmaalaa inuu iyaga iimaankooda ku daciifiyo oo shaki ka geliyo inuu qoraallada ay yihiin kuwa Ilaah soo dejiey. Waxay is weydiiyaan, “Sideen ku garan karaa jidka saxda ah? Haddii uu Kitaabka Quduuska ah yahay ereyga Ilaah, sideen uga xoroobi karaa shakigan iyo welwelkan? TXM 79.1

Ilaah inaga doonayo inaan uun iska rumaysanno isagoo aan ina siinin caddeymo aan rumaysadkeenna sal uga dhigi karno. Jiritaankiisa, dabeecadihiisa, xaqnimada ereygiisa, waxaa dhamaan dhisay marag fur macquul gal ah; maragfurkaasna waa mid dhamaystiran. Laakiin Ilaah weli waa og yahay inaan skhakinayno. Rumaysadkeenna waa inuu cad-deymo haysto sababta aan u rumaysannahay, maaha inuu leeyahay waxy-aabo la soo bandhigayo. Kuwa shakisan waxay lahaan doonaan fursado; kuwa doonayo inay xaqa ogaadaanna waxay heli doonaan caddeymo oo rumaysadkooda ay sal uga dhigi karaan. TXM 79.2

Suurta gal maaha ina maankeenna daciifka ah ay ogaadaan shuqullada iyo dabeecadda Ilaah. Kan ugu caqliga badan oo ugu aqoonta xataa weligiis Ilaah si dhab ah uma garan doona. “War miyaad baadhi kartaa Ilaah axwaalkiisa moolka dheer? Miyaadse Ilaaha Qaadirka ah si kaamil ah u garan kartaa? Xigmaddiisu way u sarraysaa sida samada, ee bal maxaad samayn kartaa? Oo She’oolna way ka sii mool dheer tahay, ee maxaad garan kartaa?” Ayuub 11:7, 8. TXM 79.3

Rasuul Bawlos wuxuu leeyahay, “Mool dheeraa hodantinimada iyo xigmadda iyo aqoonta Ilaah! Xukummadiisa lama baadhi karo, jidadkiisana lama raadin karo.” Rooma 11:33. Laakiin inkastoo, “Isaga wax aa ku wareegsan daruuro iyo gudcur, Oo carshigiisana waxaa aasaas u ah xaqnimo iyo garsoorid.” Sab 97:2. Waxaan wax yar ka fahmi karnaa sida uu Ilaah inoola dhaqmo, iyo waxyaabaha uu inala doonayo, si aan u garanno jacaylkiisa iyo naxariistiisa. Waxaan fahmi oon garan karnaa in ujeedooyinkiisa ay yihiin kuwa uu wanaag inagula doonayo; wixi intaas ka badanna waa inaan ku kalsoonaanno gacanta kan awoodda badan, iyo qalbiga uu jacaylka ka buuxo. TXM 79.4

Ereyga Ilaah sida dabiicaddiisaba, waxaa weeye mid maanka caadiga ah uusan fahmi Karin. Soo geliddii dembiga ee dunideennan, siduu Masiixu u noqday Aadane, qalbi cusboonaanshaha, sarakicii, iyo waxyaabo kale oo Kitaabka Quduuska ah lagu soo sheegay, waa waxyaabo aan qalbiga caadiga ah ee Aadanaha uusan fahmi Karin. Laakiin sabab inooma noqonaysa inaan ka shakinno ereyga Ilaah maadaamoo aan fahmi kari waynay ereyga Ilaah. Xagga aduunyada caadiga ah waxaa inagu wareegsan waxyaabo uusan qalbigeenna caadiga ah fahmi Karin. Qeybaha nolosha ee ugu hooseeya xataa way ku adag tahay inuu fahmi kan ugu aqoonta badan. Dhinac kastaa waxaa inaga jira mucjisooyin aan fahmi Karin. Miyay tahay inaan la yaabno xagga ruuxan inay jiraan waxyaabo ayan maankeenna fahmi Karin? Sababtuna waxaa weeye maanka Aad-anaha daciifnimadiisa. Ilaah wuxuu ina siiyey caddeymo ah xagga dabiicaddiisa, mana aha inaan ka shakinno ereygiisa maadaamoo aan fahmi kari wayno. Rasuul Butros wuxuu sheegayaa in qoraalladu ay ku jiraan, “Kuwaas waxaa ku jira wax in la gartaa ay dhib tahay, oo jaahiliinta iyo kuwaan adkayn ayaa qalloociya, siday Qorniinka kaleba u qalloociyaan oo ay u halligmaan.” 2 Butros 3:16. Dadka Kitaabka Quduuska ah ka soo horjeeda waxay ku doodaan in adeegga Kitaabka uu yahay sababta aan loo fahmi Karin; laakiin dhab ahaantii adeeggaas wuxuu tusayaa sababta uu Kitaabka Quduuska ah ah u yahay mid xagga Rabbiga ka yimid. Haddii uu Kitaabka ahaan lahaa mid aan si fudud u fahmi karayno; oo Ilaahna ay dadka caadiga ah fahmi lahaayeen, haddaba Kitaabka ma uu-san kari lahayn inuu wax ka qora Ilaah iyo dabeecadihiisa. Mucjisooyinka iyo adeegga Kitaabka waaba inay inagu boorriyaan inaan u ogaanno inuu yahay mid xagga Ilaah ka yimid. TXM 80.1

Kitaabka Quduuska ah wuxuu wax inagu fahansiiyaa si qalbiga baahida hayso uu wax ku fahmi karo, kuwaas oo ka yaabiyey qalbiyada ugucaqliga badan, kuwa is-hooseysiiyana wuxuu u fahansiiyaa Ilaah. Cutubyada Kitaabka Quduuska ah waxaa ku xusan waxyaabo aan caadi ahayn oo qalbiga si fudud ku fahmi Karin, kuwaas oo maanka Aadanaha ayan is sahlan u fahmi Karin, waana inaan oggolaanno waayo Ilaah ayaa yidhi. Oo qorshihii badbaadada waa ku furan yahay horteenna, si qof kastaa uu u arko tallaabooyinka ay tahay inuu qaado xagga Ilaah iyo rumaysadka Masiixeenna, si ay ugu badbaadaan jidka Ilaah; haddana xaqiiqooyinkan hoostooda oo sida fudud loo fahmi karo, waxaa ah yaabab oo ah qarsoonta ammaantiisayaababkaas oo maanka ka badanaya xagga fahanka, oo laakiin isla yaababkaas ayaa kuwa daacadda runta u doonaya waxay siisaa rumaysad iyo sharaf. Qofka daacadda ah intuu Kitaabka sii baadhbaadho, ayaa ah inta uu sii fahmayo inuu yahay ereyga Ilaah, maanka Aadanahana markaas ayuu ku hor dhacayaa awooda Ilaah. In la aqoonsado inaanan fahmi Karin runta Kitaabka Quduuska ah, waa in innagoo nidhaahnay oo kale maanka caadiga ma gaadhi karo inuu fahmo maanka Ilaah; oo Aadanaha daciifnimada aqoontiisa aawadeed ma fahmo karo ujeedooyinka kan wax walba og. TXM 80.2

Kuwa aan fahmi Karin ujeedooyinka Ilaah way inkiraan ereyga Ilaah; xataa kuwa badan oo sheeganaya inay Masiixiyiin yihiin ayaa arriintan khatar ugu jiraan. Wuxuu rasuulku leeyahay, “Iska jira, walaalayaalow. Yaanu qalbi shar leh oo aan rumaysad lahayni midkiinna ku jirin, idinkoo Ilaaha nool ka dheeraanaya.” Cibraaniyada 3:12. Waa sax in la barto Kitaabka Quduuska ah oo la baadhbaadho “waxyaabaha qarsoon ee Ilaah” inta lagu dhex muujiyey Kitaabka Quduuska ah. 1 Korintos 2:10. Maadaamoo Ilaah yihdi, “Waxyaalaha qarsoon waxaa iska leh Rabbiga Ilaaheenna ah, laakiinse waxyaalaha la muujiyey waxaa iska leh innaga.” Sharciga kunoqoshadiisa 29:29. laakiin shayddaanka ayaa dadka maankooda duufsadaa. Qeyb ka mid ah Kitaabka Quduuska ah ayaa maakeenna doonayaa inuu fasirto haddii ay inagu adkaatona waxaynu biloowaynaa inaan nidhaahno Kitaabka Quduuska ah waa mid waxba kama jiraan ah. dadka inay qirtaan inayan fahmi Karin Kitaabka Quduuska ah way iskala weyn yihiin. Mana doonayaan inay si samir leh ku sugaan ilaa goorta uu Ilaah xaqiisa iyaga u muujinaya. TXM 81.1

Waxay u maleeyaan xigmaddooda Aadane oo aan dhamaystirnayn inay qorraallada Ilaah wada fahmi karto, markay fahmi waayoona waxay eedeeyaan inuu ereyga Ilaah midaan la fahmi Karin. Waxaa dhab ah inay qoraallo iyo wax barid badan ayan Kitaabka Quduuska ah ka iman, oo ay si toos ah uga soo horjeedaan wax baridda Kitaabka Quduus-ka ah. waxyaabahaas ayaa ahaa waxa kuwa badan u keenayey inay shakiyaan. Laakiin dhab ahaantii waxyaabahaas waa waxay Aadana qoreen ee ma aha wax ka yimid ereyga Ilaah. TXM 81.2

Haddii ay suurta gal u haan lahayd inay dadka ogaadaan Ilaah, iyo shuqulladiisa haddiiba meeshaas ay gaadhaan, iyaga wax run inay sii raadiyaan iyo ma jirayso wax aqoon ah oo la sii doondoona, maanka iyo qalbigana ma korayaan. Ilaah ma sii ahaanayo mid sarreeyo; haddii ay dadka si buuxda u gartaan isaga, dadkuna aqoontoodana way joogsanaysaa maadaamoo ay gaadheen meesha aqoonta ugu dambeysa. Waa inaan Ilaah ugu mahadinaa maadaamo uu inaga xidhay inaan sidaas u aqoonsanno isaga. Ilaah waa mid aan si buuxda loo garan Karin oo xigmad badan; isagau, “waxaa ku wada qarsoon waxyaalaha qaaliga ah oo dhan oo ah xigmadda iyo aqoonta.” Kolosay 2:3. Weligeedna Aadanaha way sii doondooni doonaan, weligoodna wax bay sii baran doonaan, mana ka daali doonaan xigmaddiisa, aqoontiisa iyo awoodiisa. TXM 82.1

Ilaah wuxuu ugu talagalay xataa aduunyadan runta ereyadiisa waa inay isu furfuran addoomadiisa. Waxaa jirta hal jid oo lagu garan karo aqoonta Ilaah. Sida keliya ee ku fahmi karno Ilaah waa in Ruuxiisa aan ku soconna, kaas oo ah kii xagga ereyga laynaga siiyey. “ninna garan maayo waxyaalaha Ilaah, Ruuxa Ilaah mooyaane.;” “Ruuxu wuxuu baadhaa wax kasta, xataa waxyaalaha hoos u dhaadheer oo Ilaah.” 1 Korintos 2:11, 10. Ballanqaadkii Badbaadiyaha uu xertiisa u ballanqaadayna wuxuu ahaa, “laakiin markuu kan Ruuxa runta ahu yimaado, wuxuu idinku wadi doonaa runta oo dhan...... waayo, waxayguu qaadi doonaa, wuuna idiin sheegi doonaa.” Yooxanaa 16:13, 14. TXM 82.2

Ilaah wuxuu dadka ka doonayaa inay isticmaalaan awooda maankooda; barashada Kitaabka Quduuska ahna wuxuu masakaxda u dhisaa si ay kuwa kale oo dhan u dhisi karayn. Laakiin waa inaan iska ilaalinaa waxyaabaha maanka kharibaya, taas oo ka imanaysa xagga daciifnimada maanka Aadanaha. Haddii aan maankeenna ka buuxin wayno barashada Kitaabka Quduuska ah, oo aan garan wayno waxyaabaha ku qoran Kita-abka, waa inaan ahaanno sida Ilmaha oo kale, oo aan diyaar u ahaanno inaan wax baranno oo isu dhiibno Ruuxa Quduuskaa. Markaan ogaanno inta in la’egtahay weynaanta Ilaah iyo xigmaaddiisa iyo daciifnimadeenna waa inaan Ilaah hortiisa isku hooseeysiinno, oo waa inaan Kitaabkiisa furnaa innagoo isaga u sii dhowaanayno. Markaan Kitaabka Quduuska ah akhirnayno, waa inaan ogaanno maankeenna iyo maskexdeenna ay aad daciif u tahay marka loo barbardhigo Kitaabka, qalbiga iyo maankana waa inaan Ilaah hortiisa ku sujuudaan. TXM 82.3

Waxaa jiraan waxyaabo badan oo adag ama qarsoon, oo Ilaah u furi doona ama fahansiin doona kuwa doonaya inay fahmaan. Laakiin haddii uusan Ruuxa Quduuska inagu jirin waa inaan iska ilaalinno inaan Kitaabka si khaldan u fasirno. Waxaa jiraan qeybo badan oo Kitaabka Quduuska ah ka mid ah oo si gaar ahaanayd aan wax tar inoo lahayn haddana aan dembi inooga imanayn haddii aan akhrino. Marka ereyga Ilaah lagu akhriyo tukasho la’aan; oo fikirradeenna aan Ilaah lagu qottomin, ama doonistiisa aan doondoonin, maanka waxaa ka buuxsamayaa shaki; ilaa xataa marka dambe inagoo Kitaabka akhrinayno aan ka sii shakinno. Kan cadowga ah oo shayddaanka ah wuxuu ku dadaalaa inuu maankeenna maamula, wuxuuna ina tusaa fasiraad aan sax ahayn. Marka dadka camalkooda iyo hadalkooda ayan Ilaah doonistiisa ku salaysnayn, si kastoo ay aqoon u leeyihiin waxay ku dhacaan inay si khaldan Kitaabka u turjumaan, waxyaabaha ay ina baraanna laguma kalsoonaan karo. Kuwa Kitaabka u akhriya inay waxyaabo iskhilaaf ah ka helaan xagga Ruuxa wax aqoon kuma laha. Iyago si khaldan wax u fasiranaya ayay waxay ka indha beelaan runta iska cad oo hortooda taalla. TXM 83.1

Si kastaa oo looga leexda waxyaabaha dhabta ee shakiga keenaa waa dembi jacayl. Kan kibirka badan ma jeclaado waxyaabaha Ilaah, iyo dembigajecel, iyo kuwa aan doonayn inay adeecaan ereyga Ilaah. Si aan runta dhabta u garanno waa inaan qalbiyadeenna si dhab ah ugu doondoonna inaan fahanno oo aan adeecno markaan fahanno ka dib. TXM 83.2

Kuwa dhammaan ku yimaada fikirkaas oo kalena oo si ruuxiyan ah Kita-abka Quduuska ah u akhriyaanna waxay heli doonaan caddeymo wax ka ool ah oo caddeynaya inuu yahay ereyga Ilaah, waxayna helayaan fahanka xaqa iyagoo kuwa xigmad leh sii noqonaya. TXM 83.3

Masiixu wuxuu yidhi, “Haddii nin doonayo inuu doonistii Ilaah sameeyo, wuu garan doonaa waxbaridda.” Yooxanaa 7:17. Inti aad ka shakin lahayn oo aad su’aallo iska weydiin lahayd wax Aadan fahmayn, waxaad dhug u yeelataa iftiinka uu Ilaah ku siiyey uu korkaada ka baxaya, waxaadna heli doontaa iftiin ka sii badan. Adigoo cuskanaya nimcada Masiixa, wax kasta oo uu Ilaah kaa doonayo samee, Ilaahna wuxuu ku sii fahansiin doonaa waxa hadda kaa qarsoon. TXM 83.4

Waxaa jira caddeymo dadka oo dhan indhahooda ku wada cad, dhamaan kuwa aqoonta leh iyo kuwa aan aqoonta lahayn, waana waayaaragnimada. Ilaah wuxuu inaga doonayaa inaan xaqnimada ereygiisa innaga isu caddeyno, iyo ballamadiisa xaqnimadooda. Wuxuu inaga doonayaa inaan, “Bal dhadhamiya oo arka in Rabbigu wanaagsan yahay, Waxaa barakadaysan ninkii isaga isku halleeya.” Sabuurradii 34:8. Meeshi aan mid kale hadalkiisa ku kalsoonaan lahayn ama aamin lahayn, waxaa laynaga doonayaa inaan innaga qudheenna isu dhadhamino. Masiixu wuxuu yidhi, “Weydiista, waanad heli doontaan.” Yooxanaa 16:24. Bal-lamadiisa way inoo rumoobi doonaan. Ilaah weligiis ballamadiisa been kama uusan sheegin oo kuma guuldarraysan; haddana kuma guuldarraysan doona. Markaan Masiixa u soo dhowaanayna, oo aan ku farxayno jacaylkiisa, shakigeenna iyo gudcurka aan ku jirno way lumayaan. TXM 84.1

Rasuul Bawlos wuxuu inoo sheegayaa in Ilaah, “Isagu waa inaga samata bixiyey xoogga gudcurka, oo wuxuu inoo beddelay boqortooyadii Wiilka jacaylkiisa.” Kolosay 1:13. Oo ku kastaa oo ka soo gudbay dhimashada oo u soo gudbay xagga nolosha wuxuu, “Xaqiiaysan doonaa in Ilaah run yahay” Yooxanaa 3:33 Wuxuuna ku marag furi doonaa, “Waxaan u baahnaa gargaar, oo waxaan ka helay xagga Masiixa. Wax kastaa oo aan doonayey waa helay, gaajadii ay nafteyda qabteyna waa la dhergiyey; imminkana Kitaabka Quduuska ah wuxuu aniga ii yahay muujin xagga Ciise Masiix ka timid. Miyaad I weydiinaysaa sababta aan u rumaysanahay Ciise Masiix? Waayo isagu wuxuu aniga ii yahay Badbaadiyahayga xagga Rabbiga. Sababta aan Kitaabka Quduuska ah u rumaysanahay? Waayo waxaan u arkay inuu yahay codka Ilaah ee la hadlayo naftayda.” Innaga qudheenna ayaa isu markhaat furi doonna inuu Kitaabka Quduuska ah yahay ereyga xaqa ee Ilaah, oo Masiixuna yahay Wiilka Ilaah. Waxaan og nahay inaan si indha la’aan ah aan iskaga raacayn Kitaabka Quduuska ah. Butros wuxuu walaaladiis inay, “ku koraan nimcada iyo aqoonta Rabbigeenna ah Badbaadiyeheenna Ciise Masiix.” 2 Butros 3:18. Markay dadka Ilaah ku koraan nimcadiisa, waxay si joogta ah u helayaan inay fahmaan doonista ereygiisa. Qoraallada Kitaabka Quduuska ahna waxay ka dhex helayaan iftiin wanaag aad u tira badan. Sidaas ayay ahaan jirtay taariikhda kiniisadda oo dhan, sidaas ayayna sii ahaan doontaa ilaa dhamaadka. “Laakiinse waddada kuwa xaqa ahu waa sida iftiinka waaberiga oo kale, Kaas oo hadba soo kordha ilaa uu noqdo maalin cad.” Maahmaahyadii 4:18. TXM 84.2

Rumaysad ayaan ku eegi karnaa aakhiro markaasaan fahmi karnaa ballamada Eebbe si caqligeenna ugu kora, fikirrada Aadanaha oo la midoobaya tan Rabbiga, oo xoog kastaa oo nafta ka mid ah xidhiidh gaar ahaanayd ula yeesha kan iftiinka ka soo durdura. Waa inaan ku faraxnaa in wax kasta oo imminka innaga qarsoon layna hor keeni iyagoo qaawan, wixi innagu adkaa inaan fahannona waa layna fahansiin doonaa; waxyaabihi maankeenna wareer iyo la yaab ku ahaan jirayna, waxaa layna tusi doonaa iyagoo iska cad fahankooda. “Haatan si aan caddaan ahayn ayaynu muraayad wax ugu aragnaa, laakiin markaas ka fool ka fool ayaynu wax u arki doonnaa. Hadda si qabyo ahaan ah ayaan wax u garanayaa, laakiin markaas waxaan u garan doonaa sidii la ii gartay.” 1 Korintos 13:12. TXM 85.1