Loading...

Loading

Loading
(You are in the browser Reader mode)

13—Farxadda xagga Rabbiga

Carruurta Ilaah waxaa loogu yeedhay inay isaga Masiixa wakiillo u ahaadaan, iyagoo muujinaya wanaagga iyo naxariista Rabbiga. TXM 86.1

Sida uu Ciise inoogu muujiyey dabeecadda dhabta ah ee Masiixa, sidaas oo kale ayaa laynooga doonayaa inaan Ciise ugu muujinna adu-unyada aan garanayn dabacsanaantiisa iyo jacaylkiisa. Ciise wuxuu yidhi, ” Sidaad dunida iigu soo dirtay ayaan anna iyaga dunida ugu diray.” TXM 86.2

“Iyagaan ku jiraa, adna anigaad igu jirtaa....... in dunidu garato inaad I soo dirtay, iyo inaad iyaga u jeclaatay sidaad ii jeclaatay.” Yooxanaa 17:18, 23. Rasuul Bawlos wuxuu xerta Ciise ku yidhi, “idinkoo muuqanaya inaad tihiin warqadda Masiixa.” “tan ay dadka oo dhammu garanayaan oo akhriyaan.” 2 Korintos 3:3, 2. Mid kastaa oo carruutiisa ka mid ah Ciise wuxuu ka dhigayaa inay dunida u ahaadaan warqad farriin sidda. Haddii aad tahay mid Ciise raacsan, wuxuu adiga gudahaada ku dirayaa waqad ku socota reerkaaga, xaafaddaada iyo meesha aad deggantahay. Ciise oo adiga kugu dhex nool wuxuu doonayaa inuu la hadlo qalbiyada kuwa isaga aan garanayn. Waxaa laga yaabaa inay weligood akhriyin Ki-taabka Quduuska ah ama ayan si tukasho ku jirto ku akhriyin haddii ay akhriyaan xataa, ama maba ka arkaan jacaylka Ilaah xagga shuqulladiisa. Laakiin haddii aad tahay mid si dhab ah Ciise u aaminsan, waxaa laga yaabaa inuu Ilaah kuu isticmaalo inuu iyaga qalbiyadooda ku soo duma, oo ay wax ka fahmaan wanaaggiisa oo ay isaga jeclaadaan oo isaga u adeegaan. TXM 86.3

Masiixiyiinta waxaa laga doonayaa inay iftiin u ahaadaan jidka jannada. Waa inay aduunyada u muujiyaan iftiinka Masiixa uga yimid oo iyaga ku dul ifayo. Noloshooda iyo dhaqankooda waa inuu kuwa kale oo aan Masiixiyiinta ahayn tusiyaa Masiixa iyo wanaaggiisa. TXM 86.4

Haddii aan Masiixa wakiillo u nahay waa inaan dadka kale ugu muujinnaa sida uu isaga u qurux badan yahay. Kuwa Masiixiyiinta shee gta oo haddana gunuunaca waxay dadka Masiixa u tusaan inuu yahay mid khaldan. Waxay muujiyaan in Ilaah uusan ku faraxsanayn inay carruurtiisa faraxsanaadaan, taas oo ahaanaysa markhaatifur been ah xagga Aabahayaga samada. TXM 86.5

Shayddaanku aad ayuu isku sarreysiiyaa markuu ogaado inuu carruurta Ilaah lumiyey. Aad ayuu u farxaa markuu arko innagoo Ilaah aan ku kalsoonayn, oo aan ka shakinno inuu xoog uu innagu badbaadiyo leeyahay. TXM 87.1

Wuxuu jecel yahay inaan u maleyno inuu Ilaah ina xumaynayo. Waaba shaqada shayddaanka inuu Ilaah inoo tusa mid aan naxariis iyo nimco toona aan lahayn. Runta Ilaah uu sheegay ayuu si been dadka uga dhaadhicayaa. Dadka fikirradooduna wuxuu ka buuxiyaa fikirro khaldan. Intaan innaga runta Ilaah sida ay tahay u qAadan lahayn, waxaan raacraacnaa khiyaanooyinka shayddaanka innagoo had iyo goorba Ilaah ka gunuunaceyna. Shayddaanku wuxuu weligiisba doonayey inuu diinta inooga dhigo mid aan qiimo lahayn. Wuxuu jecel yahay inay u muuqato mid aad u foolxun; goortuu kan Masiixiga sheeganaya uu fikirradaas qaatona, wuxuu si toos ah ugu dhacay beenta shayddaanka. TXM 87.2

Kuwa badan oo nool ayaa been ku dhex soconaya imminka, qalbiyadoodana waxaa ka buuxsama murugo iyo qalbijab. Mar aan Yurub joogay gabadh xaaladdan ku sugnayd oo aad u walbahaarsannayd, ayaa warqad ii soo qortay iyadoo I weydiisanayso ereyo dhiirragelin ah. habeenka aan warqaddeeda akhriyey ka dib waxaan ku riyooday anigoo beer dhex jooga, mid u ekaa inuu beerta leeyahay ayaa beerta I dhex marinayey oo I tusayey. Anigoo ubaxyada taabanaya oo udgoonka beertaa ku raaxeysanaya, ayaa gabadhi walaashay ahayd oo dhinacayga socotay ayaa waxay waxyaabo jidkooda xidhayey. Goortay ii yeedhaysay way ooyaysay. Mana ay ku socon jidadka beerta dhexdeeda loogu talagalay in lagu socda, oo waxay dhex socotay qodxan iyo yamaarug. Waxay tidhi, “ma wanaagsana in beertan quruxda badan ay qodxan iyo yamaarug ka buuxaan?” kii gabadha iyada ah jidka tusayey ayaa wuxuu ku yidhi, “qodxaanta iska daa, waayo, way ku xanuunjinayaan oo keliya. Waxaad uruurisaa ubaxyada beerta iyo waxa wanaagsan oo beerta ku dhex yaalla.” TXM 87.3

Miyaanay jirin xaalado iftiimayo oo noloshaada soo maray? MiyAadan soo marin xilliyo qaali ah oo qalbigaadu farxadda Ilaah la rey reeyay? Markaad dib u eegta noloshaada miyAadan arakayn wakhtiyo aad kuugu wanaag badan? Miyaanay ballamada Ilaah sida ubaxyada quruxda badan dhinacyadaada ka baxayn? MiyAadan u oggoolaanayn in qurux dooda iyo udgoonkooda ay qalbigaaga farxad ka buuxinayn? TXM 87.4

Qodxaanta iyo yamaarugga way xanuunjinayaan oo keliya; haddii aad waxyaabahaas oo keliya aad eegtona, oo aad dadka kalena kuwaas oo keliya tusisaa, miyAadan wanaagga Ilaah ee noloshaada Aadan yaraysanayn, adigoo ka hor joogsnaya kuwa dhinacyadaada ah inay ku socdaan jidka nolosha? TXM 88.1

Ma ah in la fiiriyo dhinacyada nolosha ee xanuunka badan oo ke-liya, waxay keliya oo naga dhigayaan inaan qalbijabno oo xanuun inaga sii bato. Naftu haddii ay qalbijabto waxaa ka buuxsamayaa gudcur, isagoo qofku iftiinka Ilaah ka sii fogaanayo oo jidka wanaagsanna gudcur kuwa kale uga sii dhigayo. TXM 88.2

Ilaah uga mahad celi sawirrada quruxda badan oo horteenna dhigay. Aan haddaba isku uruurinna hubaallada jacaylka ee horteenna dhigay, si aan si joogta ah ugu sii eegno: Wiilka Ilaah isagoo ka tagay carshiga Aabihiis, oo soo qaatay suurad Aadane, si uu inooga badbaadiyo xoogga shayddaanka; guushiisa uu gaadhay innaga aawadeen, siduu inoogu furay albaabka jannada, iyo siduu inoogu muujiey meelaha qarsoon ee uu Ilaah keliya ku nool yahay, dadkii dembiga lahaana uga saaray qudhunki ay ku dhex jireen, oo uu dib iyaga Ilaah ugu soo celiyey, innaguna markaas aad u adkaysannay tijaabada Rabbaaniga ah xagga rumaysad aan ka helnay badbaadiyaheenna, innagoo huwan xaqnimada Masiixa, oo sare u eegayna carshigiisa, sawirradan ayaa ah kuwa uu Ilaah inaga doonaya. TXM 88.3

Markaan Ilaah jacaylkiisa ka shakinno oo aan ku kalsoonaan wayno ballamadiisa isaga ayaan maamuus jebinaynaa oo waxaan murjinaynaa Ruuxa Quduuskaa. TXM 88.4

Hooyo sidee bay dareemi lahayd haddii had iyo goorba carruurteeda ay ka dacwoonayaan, sida iyadoo aan iyaga si wanaagsan u samayn, iyadoo nolosheeda dhan ay wanaaggooda ka shaqayn jirtay? Bal kaba soo qaad inay jacaylka ay iyaga u qabta ka shakiyeen; iyadu qalbigeeda wuu jebiyaa. Waalid sidee buu dareemi lahaa haddii ay carrurtooda sidaas ula dhaqmaan? Haddaba Aabaheenna jannada ku jira sidee buu dareemayaa markaan jacaylkiisa ka shakinno, kaas oo u bixiyey Wiilkiisa keliya oo dhashay si aan nolol u helno? Rasuul Bawlos wuxuu qoray, “Kii aan xataa Wiilkiisa lexejeclaysan, laakiinse innaga dhammaanteen u bixiyey, sidee buusan wax walbana inoola siin doonin isaga?” Rooma 8:32. Haddaba intee kuwa badan hadal ahaan haddanay ficil ahaan o dhanayn leh, “Rabbiga aniga tan iiguma talagelin. Waxaa laga yaabaa inuu kuwa kale jecel yahay, laakiin aniga ima jecla.” TXM 88.5

Waxyaabahaas oo dhan naftaada ayay dhib weyn u keenayaan; waayo, erey kastaa oo shaki ah oo ku hadashaa jirrabaadaha shayddaanka ayuu u yeedhayaa, wuxuuna adiga kugu sii xoojinayaa inaad sii shakidid, malaa’gaha ku dul saaranna wuu welwel gelinayaa. Shayddaanku markuu ku jirrabo, erey shaki ama gudcur ah ha ku hadlin. Haddii aad albaabbada u furtid shakiyadiisa, maankaada waxaa ka buuxsamayaa kalsooni darro iyo su’aallo khaldan. Haddii aad ka hadashid dareenkaaga, shaki kastaa oo aad ka hadashid adiga keliya kuuguma soo noqonaya, laakiin waa midh ka dhex dhalanaysa oo midho ka sii dhalaysa kuwa kale naftooda, waxaana laga yaabaa inay suurta geli wayso inaad ka adkaatid saameynta ereyadaada. Adiga qudhaada waad ka soo kabsan xilliyo jirrabaad iyo dabinno oo shayddaanka kuu dhigay, laakiin waxaa laga yaabaa kuwa badan oo aad saameysay inay ka soo laaban waayaan rumaysaddarrada aad ku dhex tuurtay. Intee in la'eg ayay muhiim u tahay inaan kuwa kale kula hadalno waxyaabaha ruuxa oo nafta xoogeynaya. TXM 89.1

Malaa’igaha waxay dhegaysanayaan war bixinta aad Sayidkaaga samada ka gudbinaysid. Sheekooyinkooda oo dhan ha ahaadeen kuwa aad kaga hadashid kan Aabaha xaggiisa adgia aawadaa dhexdhexaadiye kuu ah. Markaad qof saaxib ah la hadlaysid, ammaanta Rabbiga ha ahaato faruurahaaga iyo qalbigaaagaba. Waayo, fikirradiisa ayaa Ciise u sii dhowaanayaan. TXM 89.2

Ku kastaa wuu dhibtoonayaa; oo wuxuu marayaa wakhtiyo aad u adag, oo wuxuu la dagaallamayaa jirrabaado ay adag tahay in laga adkaado. Dhibaatooyinkaaga ha u sheeganin Aadanha kale, laakiin wax kasta Ilaah tukasho ula hor tag. Waxaad sharci ka dhigataa inAadan ku hadlin hal erey ah oo shaki ama qalbijab ah. waxaad samayn kartaa dadaal badan oo aad kuwa kale ku xoojisid, adigoo la qeybsanaya ereyo rajo leh oo quduus ah. TXM 89.3

Waxaa jiraan kuwa badan oo geesiyiin ah oo la jirrbayo, kuwaas oo ku dhow inay la suuxaan dagaalka ay nafta iyo shayddaan ay kula ji-raan. Kuwaas oo kale markaad la kulantid ha qalbijebin. Waxaad ku tidhaahdaa ereyo dhiirragelin ah oo rajo leh oo adiga kaa soo dhex iftiimaya. “ Midkeenna naftiisa uma noola, midkeenna naftiisa uma dhinto.” Rooma 14:7. Saameynteenna ayaa waxaa laga yaabaa in kuwa badan oo kale ay ku dhiirragelismaan, ama ay ku qalbijebaan, oo ay Masiixa iyo xaqiisa ka cararaan. TXM 89.4

Waxaa jiraan kuwa badan oo fikir xun noloshi iyo dhaqanka Ma-siixa ka qaba. Waxay u maleeyaan inuu ahaa mid aan naxariis lahayn oo dabacsanaan aan lahayn, oo wax farxad ah uusan lahayn. Kuwa badan ayaa Ciise ka aaminsan fikirrada caynkaas ah. TXM 90.1

Marar badan ayaa waxaa la yidhaahdaa Ciise wuu ilmeeyay, oo weligiis ma qoslin. Badbaadiyaheenna xaqiiqadii wuxuu ahaa nin murugo, oo xanuun badan maray, waayo, wuxuu qalbigiisa u furay xanuunnada Aadanaha oo dhan. Laakiin inkastoo naftiisa ay xanuun iyo murugo badnayad, Ruuxiisa ma uusan burburin. Sharaftiisa ma aysan huwan murugo, laakiin run ahaantii naftiisa waxay ahayd mid nabad ka buuxda. Qalbigiisa wuxuu ahaa durdurka nolosha, oo meel kastaa oo uu tegayna wuxuu waday nasiino iyo nabad, farxad iyo reyrayn. TXM 90.2

Badbaadiyaheenna wuxuu ahaa mid ay ka go’nayd inuu wax qabto, laakiin run ahaantii weligiis ma uusan ahayn mid murugo iyo cagajiid wax ku qabanayey. Nolosha kuwa isaga ku dayanayana waa inay sidaas oo kale ahaato; waa inay si buuxda naftooda masuuliyad isku saaraan. Waa inaan faanin oo iskibirin, laakiin dhab ahaantii diinta Masiixa waxay nabadda u keentaa sida durdurka webiga oo kale. Ma harraad jebinaysa iftiinka farxadda, mana reebaysa inaan farxad ku noolaanno, oo weji farxad leh aan muujinno. Masiixa uma uusan iman in loo adeego laakiinse wuxuu u yimid inuu isaga inoo adeego; markuu jacaylkiisa ka dhex taliyaa qalbigeenna, waa inaan raacnaa tusaalahiisa. TXM 90.3

Haddii aan kuwa kale si xun ka maleysanno marka dambe waxaan gaadhaynaa heer ay inagu adkaato inaan u jeclaanno siduu Masiixa inoo jeclaaday; laakiin haddii maankeenna uu ku shaqeeya jacaylka Masiixa, jacaylkaas wuxuu gaadhayaa kuwa kale oo walaalladeen ah. waa inaan is jeclaanaa oo dadka kale xushmadeynaa, innagoo aan xumaan uga dhigayn khaladaadkooda ama aan ku eedaynin. Is-hooseysiin iyo jacayl waa inuu inaga buuxaa, oo kuwa kale xumaatooyinkoodana aan u dul qAadanaa. Markaan sidaas sameyno waxay inaga baabi’inaysaa bakheelnimada oo qalbiyadeennana wuu sii xoogoobayaa oo waxaan noqonaynaa kuwa deeq badan. TXM 90.4

Daa’uud wuxuu leeyahay, “Rabbiga isku hallee oo wanaag samee, Oo sidaasaad dalka ku degganaan doontaa, oo ammaan baad ku daaqi doontaa” Sabuurradii 37:3. “Rabbiga isku hallee.” Maalin kastaa waxay wadataa sharkeeda, iyo dhibaatooyinkeedaoo markuu dhib ina qabsadona waa inaan sidaan u wajih lahayn aan garanayna. Dhibaatooyin badan oo innaga isu keennay ayaa ina soo weeraraan, aad ayaan u cabsannaa mararka qaar, aad ayaanna u argagaxnaa, ilaa kuwa kale oo aan rumaystayaasha ahayn inoo maleeyaan inaan lahayn Badbaadiye naxariis badan, kaas oo diyaar u ah inuu maqlo baryootankeenna oo mar kastaa oo aan gargaar u baahannay inala soo gaadho. TXM 91.1

Kuwa qaar waxay had iyo goorba ku noolyihiin baqdin iyo inay dhibaato ku timaado. Maalin kastaa waxaa iyaga ku wareegsan nimcooyinka Ilaah iyo jacaylkiisa; maalin kastaa waxay ku raaxeystaan barakooyinkiisa iyo irsaaqaddiisa; laakiin innaba dhug uma yeeshaan barakooyinkaas. Maankooda wuxuu had iyo goorba ka welwelayaa dhibaatooyin ku imanaya; ama waxayba isku odhanayaan wax aan qabsan karo ma lahan, iyagoo iska indhatiraya barakooyinka Ilaah oo ay tahay inay uga mahad celiyaan. Dhibaatooyinka u yimaadaa meeshii ay Ilaah u soo dhowayn lahaayeen, oo ah kan keliya ee u gargaari kara, waxayba iyaga sii noqdaan kuwa Ilaah ka sii fogaado waayo waxaa iyaga ku dhaca cabsi iyo walbahaar. TXM 91.2

Miyay inoo wanaagsantahay inaan sidaas u ahaanno kuwa aan rumaysadka lahayn? Maxaan u noqonnaa kuwa aan mahadcelinayn oo aan Ilaah ku kalsoonayn? Ciise waa saaxibkeenna khaaska ah; jannada oo dhan waxaa laga doonayaa inaan ahaanno kuwa wanaagsan. Waa inaan nafteenna u oggolaan inay ka welwesho waxyaabaha maalin inagu imanayo oo maankeenna cabburinayo. Haddii aan sidaas sameyno waa inaan had iyo goorba diyaar u nahay in aan ku noolaanayno cadho iyo cabsi. Waa inaan waxyaabaha nolosheenna burburinayo oo baabi’inayo, oo aan waxba inoo tarayn iska ilaalinno. TXM 91.3

Waxaa laga yaabaa in ganacsigaada uu wareer kuu keeno, oo ganacsigaagu u sii ekaado mid sii baaba’ayo, oo aad u maleysid inaad khasaaraysid; laakiin waxaan kuugu leeyahay waa inAadan qalbijebin; dhibaatooyinkaaga oo dhan Ilaah hor gee, isagana ka war sug adigoo faraxsan. Ku ducayso inaad heshid xigmad aad ku maamushid oo ku kala garatid wax kastaa, adigoo iska ilaalinayo masiibo iyo khasaaro. Xaggaaga samee dadaal kastaa sida aad kula iman lahayd natiijooyin wax ku ool ah. Ciise wuxuu inoo ballanqaaday gargaarkiisa, laakiin waa in aan innagana dhankeenna ka dadaalnaa. Markaan Gargaaraheenna ku kalsoonnahay, wixi tabarteenna ah waan sameynay waa inaan si farxad leh ku aqbalnaa wax kastaa oo natiijadu noqota. TXM 91.4

Ma aha doonista Ilaah in dadkiisu ay culays iska saaraan waxyaabaha nolosha. Laakiin Rabbigeennu inaga khiyaamayn mayo. Isagu inaguma odhanayo, ” Ha cabsanina; wax khatar ah lama kulmaysaan.” Isagu wuu og yahay in horteenna ay jiraan dhibaatooyin iyo tijaabooyin, isaguna wuxuu inoo maamulaa si cad. Isagu weligiis ma ballanqaadin inuu dadkiisa ka qaadi doona aduunyada dembiga iyo sharka ka buuxa, laakiin wuxuu dadkiisa u sheegay inay leeyihiin meel ay ku carari karaan. Ducaduu Sayidkeenna u duceeyay xertiisa waxay ahayd, “Kaa baryi maayo inaad iyaga dunida ka qaaddid, waxaanse kaa baryayaa inaad ka dhawrtid kan sharka leh.” Wuxuu kaloo yidhi, “Dunida ayaad dhib kala kulantaan, laakiinse kalsoonaada, anaa ka adkaaday dunida e.” Yooxanaa 17:15, 16:33. TXM 92.1

Wacdigiisii buurta, Masiixu wuxuu xertiisa baray casharro ku aaddan muhiimadda ay leedahay isku halleynta Ilaah. Casharradaas wax-ay ahaayeen kuwa loogu talagalay inay dhirragelin u ahaadaan carruurta Ilaah xilli kasto oo ay joogaan, xilligeenana way soo gaadheen iyagoo ina amraya oo inoo qalbiqaboojinaya. Badbaadiyuhu wuxuu xertiisa u tilmaamay sida ay shimbiraha cirka u amaanaan Ilaah, iyagoo aan ka welwelayn waxa ay cuni lahaayeen, waayo, “Shimbirraha cirka eega, waayo, waxba ma beeraan, waxna ma gurtaan, maqsinnona waxba kuma urursadaan. oo Aabbihiinna jannada ku jira ayaa cunto siiya.” Markaasuu weydiiyey iyaga, “Idinku miyaydnaan ka roonayn?” Matayos 6:26. Kan wax kastaa siiya xayawaanka iyo Aadanaha oo dhan wuxuu fidinayaa gacantiisa isagoo diyaar u ah inuu irsaaqo mid kasta oo abuurkiisa ka mid ah. shimbiraha cirka ma aha inuu moogan yahay. Afkooda cuntada uguma soo rido, laakiin waxa ay u baahanyihiin wuxuu u siiyaa si isaga xigmaddiisa ku jirto. Waa inay urursadaan abuuka uu iyaga ugu talagaly inay cunaan. Waa inay buulalkooda dhistaan. Waa inay ilmahooda yar yar ay quudiyaan. Markay sidaas sameeyaan waxay dibadda u baxaan iyagoo heesaya, waayo, “Aabbihiinna jannada ku jira ayaa cunto siiya.” Oo “Idinku miyaydnaan ka roonayn?” Miyaydnaan idinka ahayn kuwa shimbiraha ka caqli badan, oo ah kuwa Ilaah si ruuxiyan ah ku caabudi karo, oo aad uga qiimo badan shimbiraha cirka? Miyuusan kii nolosheenna aasaasay, oo ah kan nolosheenna ilaaliya, kii inaga abuuray xagga araggiisa Rabbaaniga ah, ina siinayn waxa aan u baahannahay haddii isaga oo keliya aan ku kalsoonaanno? TXM 92.2

Masiixu wuxuu kaloo xertiisa u tilmaamay ubaxyada beerta ka baxa, kuwaas oo si la yaab leh u baxaya oo quruxda badan, taas oo Aabaha jannada iyaga siiyey, taas oo muujinaysa jacaylka uu isaga u qaba Aadanaha. Wuxuu yidhi, “Fiiriya ubaxyada duurka siday u baxaan.” Quruxda ubaxyadan daciifka ah xataa Sulaymaan sida kuwan dhar uma uu gashan jirin. Mid kastaa oo dadka ka mid ah si walba hadduu wax u sawiro ama u sameeya looma barbardhigo karo quruxda iyo nimcada uu Ilaah ku sameeyay ubaxyadan. Ciise wuxuu ina weydiinayaa, “laakiin haddii Ilaah sidaa u huwiyo cawska maanta duurka ku yaal oo berrito moofada lagu ridayo, sidee ka badan ayuu idiin huwinayaa, rumaysad-yarayaalow?” Matayos 6:28, 30. Haddii Ilaah ee kan wax kastaa abuuray, uu siiyey ubaxyada goor dhow baaba'aya quruxdaas, intee in la eg ayuu ka dadaalayaa kuwa uu ka abuuray isaga araggiisa? Wacdigan uu Masiixa ku dhiibay korkeeda wuxuu fikir kastaa oo damac badan ku yahay canaan, iyo qalbi kastaa oo shaki ka buuxa. TXM 93.1

Rabbigu wuxuu doonayaa in gabdhihiisa iyo wiilashiisa oo dhan ay faraxsanaadaan, oo nabad ku noolaadaan, oo ay ahaadaan kuwa isaga adeeca. Ciise wuxuu leeyahay, “nabaddaydana waan idin siinayaa, sida dunidu u siiso anigu idiin siin maayo. Qalbigiinnu yuusan murugoon, yuusanna biqin.” “Waxaan waxyaalahaas idiinkula hadlay in farxaddaydu idinku jirto, iyo inay farxaddiinnu buuxsanto.” Yooxanaa 14:27; 15:11. TXM 93.2

Farxadda ka timaada qofka qabkiisa oo aan ku iman amarrada Ilaah oo la adeecay, waa mid fikir xun ka timid oo aan meel dheer gaadhi doonin; goor dhow ayay dhamaanaysaa, naftana waxaa ka buuxsamaysaa cidlonimo iyo murugo; laakiin Ilaah adeeggiisa waxaa laga helaa farxad iyo kalsooni; Masiixiga loogama tegayo inuu ku socda wado uusan hubin halka ay ku dhamaanayso; mana looga tegayo inuu ahaado mid shallaayo oo dib ka cadhooda. Haddii aan dunidan wax badan ku haysan waxaa laga yaabaa inuu doonayo inaan si farxad leh ku sugno aakhirada imanayso. TXM 93.3

Laakiin xataa waxaa suurta gal ah in Masiixiyiinta dunidan ay ku helaan farxadda ay iyaga dhexdooda isla qeybsadaan; waxay heli karaan iftiinka jacaylka Masiixa, iyo qalbiqaboojin joogta ah oo ka yimaada la jiritaankiisa. Tallaabo kasta oo aan qaadno waxay inoo sii dhoweenaysaa Ciise, oo waxay ina siinaysaa inaan si buuxda u dareenno jacaylkiisa, oo waxaan ku sii dhowaanaynaa gurigeenna jannada ee barakaysan. Haddaba yaanan kalsoonideenna iska lumen, laakiinse aan lahaanno hubaal lagu kalsoonaan karo, oo aan ka sii kalsoonaanno sidaan hore u ahayn. “Ilaa haatan Rabbigu waa ina caawiyey,” Wuuna ina caawin doonaa ilaa dhamaadka. 1 Samuu'eel 7:12. Aan fiirinno tiirarka aan la dhaqaajin Kar-in, kuwaas oo ina xusuusinaya wixii uu Rabbiga inoo sameeyay inuu ina qalbiqaboojiya oo inaga badbaadiyo gacanta kan wax burburinaya. Xusuusteenna aan ka buuxinna naxariista uu Ilaah inoo sameeyay oo dhan, illinta isaga ka daadatay, xanuunki uu u adkeystay, damacyada oo inaga qaaday, cabsida sida uu inooga saaray, sida uu inoo siiya wax kasta oo aan u baahannahay, barakooyinka uu inagu manneystay, innagoo ku xoogoobeyna waxa inaga horreeya inta safarkeenna ka hadhay. TXM 94.1

Waxaa laga yaabaa inaan fiirinno dhibaatooyinka inagu iman doona, laakiin waa inaan eegno waxa la soo dhaafay iyo waxa iman doonaba, oo waxaan odhan karaa, “ilaa haatan Rabbigu waa ina caawiyey.” “Oo intay maalmahaagu yihiin xooggaaguna ha ahaado.” Sharciga kunoqoshadiisa 33:25. Dhibaatooyinka ka badan maayan xoogga laynoo siiyey inaan kaga adkaanno. Haddaba aan ka sii wadno shaqadeenna meesha aan ka sii wado karno, innagoo rumaysan wax kasta oo inagu yimaado in Ilaah ina siin doona xoog aan kaga adkaanno. TXM 94.2

Markaas ayaa albaabbada jannada waxaa loo furi doonaa Carruurta Ilaah, markaasaa boqorka amaantana ku odhan doonaa iyaga sidatan, “Kaalaya, kuwa Aabbahay barakadeeyeyow, oo dhaxla boqortooyada tan iyo aasaaskii dunida laydiin diyaargareeyey.” Matayos 25:34. TXM 94.3

Markaasaa kuwa la madax furtay waxaa lagu soo dhowayn doo-naa guriga uu Ciise iyaga u diyaaryey. Halkaas saaxibbadood ma ahaan doonaan kuwa dhulki kharribi jiray, iyo beenaalayaashii, sanamcaabudayaashii, kuwii aan daahirsanayn, iyo kuwa aan rumaysadka lahayn; laakiin waxay la saaxibi doonaan kuwii Shayddaanka ka adkaaday oo xaggii nimcadii Rabbiga dhaqan daahirsan la yimid. Dembi kastaa, iyo daahirsanaan la’aan kastaa, kuwaas oo iyaga dhib ku hayn jiray, halkan waxaa lagu qaaday dhiigga Masiixa, oo waxay iyaga heleen dhalaalka amaantiisa oo ka sii dhalaal badan iftiinka qorraxda. Dhaqankii wanaagsanaa ee Masiixana iyo quruxdiisii ayaa iyaga ku dul ifaysaa, kuwaas oo ka dhalaal badan dhalaal kasta oo aan maanta u jeedno. Waxay carshiga Ilaah hor joogsan doonaan iyagoo aan wax iin ah lahayn, iyagoo helaya sharaf iyo fursad kastaa ay malaa’igaha helayaan. TXM 94.4

Marka loo eega amaanta uu Aadanaha dhaxli doona, “nin maxay u taraysaa hadduu dunida oo dhan helo oo uu naftiisa lumiyo?” Matayos 16:26. Dadku waxaa laga yaabaa inay xagga muuqaalka masaakiin ka yihiin, laakiin Ilaah iyaga kuwa rumaysta dhamaan u ballanqaaday hanti ay dunida oo dhan haddii ay isu timaado ayan siin karayn. Nafta la madax furtay oo laga nadiifiyey dembi kastaa, oo Ilaahna si daacad ah ugu adeegtay, waxay lahaan doontaa qiimo iyo mudnaan weyn; marka hal qof ah uu badbaadana waxaa samada ka jiraysaa farxad Ilaah iyo malaa’igaha , farxaddaas oo lagu muujiyo heeso guul quduus ah.  TXM 95.1