Loading...

Loading

Loading
(You are in the browser Reader mode)

2—Dembiiluhu siduu ugu baahanyahay Masiixa

Aadanuhu waxaa markii hore loogu talagalay inuu ahaado mid xoog iyo caqli badan leh. Wuxuuna ahaa mid ku dhamaystiran sida uu ahaa oo Ilaahna adeecayey. Fikirradiisu waxay ahaayeen kuwa daahirsan, ujeedooyinkiisana waxay ahaayeen kuwa quduus ah. Laakiin markuu dembaabay xooggiisii waa laga qaaday, oo meeshii jacaylkana waxaa soo galay isaga oo keligiis is jeclaaday. Dabiiciyaddiisii way daciifday markuu xadgudubka sameeyay, ilaa uu gadhay heer ay u suurta geli weyday inuu xooggiisa iyo awoodiisa xumaanta iskaga celiyo. Waxaa addoon ka dhigtay shaydaan, sidaas ayuuna weligiis addoon shaydaanka ugu ahaan lahaa hadduusan Ilaah ka soo gaadhi lahayn. Kii Aadan jirrabayey waxay ujeeddadiisu ahayd inuu kharribo qorshihii Ilaah ee abuurkii Aadan, oo dhulka ka buuxiyo belaayo iyo baaba’. Xumaantaas oo dhanna wuxuu doonayey inuu dusha ka saaro Ilaah xagga abuurkiisii Aadan. TXM 10.1

Markuu dembi la’aanta ahaa Aadan wuxuu la lahaa xidhiidh gaar ahaanayd kan “Isaga waxaa ku wada qarsoon waxyaalaha qaaliga ah oo dhan oo ah xigmadda iyo aqoonta.” Kolosay 2:3. Laakiin markuu xadgudbay ka dib, farxad kama uusan heli Karin quduusnimada, wuxuuna doonay inuu ka cararo Ilaah iyo meeshuu joogay. Xaaladdaas oo kale ayuu ku suganyahay qalbiga aan weli dib loo cusboonaysiin. Ilaah ma waafaqsano, mana ku farxo inuu Ilaah waafaqsanaado. Dembiiluhu kuma farxi karo Ilaah; wuuna ka cararayaa la joogga kuwa quduusiinta ah. Haddii janno la geliyo farxad uma lahaanayso. In dadka oo dhan loo jeclaado si aad ah, iyo goortuu arko qalbiyo badan oo Ilaah jacaylkiisa dooranaya naftiisu ma farxayso. Kuwa qabiyadooda u oggolaanaya Ruuxa Ilaah isaga fikirkiisa, garashadiisa iyo damaciisaba waxay ku ahaanayaan wax aan la garanyn. Mana la heesi karayo kuwa jannada ku heesi doona. Isagu jannadu waxay ugu muuqanaysaa meel laysku ciqaabo; wuxuuna aad u doonayaa in laga qariyo kan ah iftiinka jannada, iyo bartamaha farxaddeeda. Ilaah ma uusan doonin isaga ahaantiisa inuu kuwa sharka leh jannada ka hor joogsado; laakiin waxa iyaga jannada ka hor joogsaday shuqulladooda iyo rumaysaddarradooda. Ammaanta Ilaah waxay iyaga ku noqonaysaa dab wax gubaya. Waxay ku faraxsanaanayaan burbur, si ay uga qarsoonaadaan wejiga kan u dhintay inuu iyaga furto. TXM 10.2

Innaga qudheenna suurta gal inooma aha inaan xooggeenna iyo awoodeenna kaga baxsanno dembiga aan hoosta ugu dhacnay. Qalbiyadeenna waa kuwa shar leh, mana karno inaan beddelno. “Bal yaa wax wasakh ah wax nadiif ah ka soo bixin kara? Xataa mid qudha oo saas yeeli karaa ma jiro.” “Maxaa yeelay, jidhka ka fikiriddiisu waa la col Ilaah, waayo, ma hoos gasho sharciga Ilaah, mana hoos geli karto.” Ayuub 14:4; Rooma 8:7. Wax barasho, dhaqan, iyo doonista caqliga iyo damiirka, wax tarka dadka, dhammaan waxaa weeye wax dadka u wanaagsan, laakiin halkan wax awood ah kuma laha. Waxaa laga yaabaa inay xagga sare dadka dhaqan ahaan toosiyaan, laakiin qalbiga ma beddeli karaan; mana karaan inay nadiifiyaan durdurka nolosha. Waa inuu jiro xoog ka shaqeynayo gudaha qofka, iyo nolol cusub oo ka timaada xagga sare, intaanay dadku beddelmin xagga dembiga oo u beddelmin xagga quduusnimada. Xooggaas waa Masiixa. Nimcadiisa keliya ayaa nafta dadka u dedejin kartaa inay noqdaan kuwa Ilaah jecel, iyo quduusnimo. TXM 11.1

Badbaadiyuhu wuxuu yidhi, “Haddaannu qofka xagga sare ka dhalan,” haddaannu qofku helin qalbi cusub, iyo ujeedooyin cusub, iyo jacayl cusub, iyo fikir cusub, oo kuwada hogaaminayaan nolol cusub, “Boqortooyadii Ilaah arki kari maayo.” 3:3. fikirka ah in la horumariyo dhinaca wanaagsan ee qofka keliya, waa khiyaano meel aan jirin. “Ninka nafta raacaa ma aqbalo waxyaalaha Ruuxa Ilaah, waayo, nacasnimo bay u yihiin, mana garan karo, maxaa yeelay, ruuxa ayaa lagu imtixaamaa.” “Ha la yaabin haddaan ku leeyahay, waa inaad mar kale dhalataan.” 1 Korintos 2:14; 3:7. Masiixa waxaa laga qoray, “Isagu waxaa ku jirtay nolol, noloshuna waxay ahayd nuurka dadka.” “Ma jiro magac kale samada hoosteeda oo dadka dhexdooda loo bixiyey oo waajib inoo ah inaynu ku badbaadno.” 1:4; Falimaha Rasuullada 4:12. TXM 11.2

Kama dhergeyno inaan eegno jacaylka naxariista leh ee Ilaah, iyo soo dhoweynta dabacsanaantiisa iyo dabeecaddiisa. Lagama dhergayo inaan fahanno xigmadda iyo cadaaladda sharcigiisa, oo aan ogaanno in sharciyadaas lagu dhisay qaynuunka ah jacayl. Bawlos Rasuulkii wuu wada ogaa waxyaabahan markuu yidhi, “De markaas waxaan gartay in sharcigu wanaagsanyahay.” “Haddabase sharcigu waa quduus, amarkuna waa quduus, waana xaq, wuuna wanaagsanyahay.” Laakiin mar uu naftiisa qadhaadhkeeda iyo dembigeeda uu ka hadlayey wuxuu raaciyey, “Laakiin anigu waxaan ahay mid jidhka raaca oo lagu iibiyey dembiga hoostiisa.” Rooma 7:16, 12, 14. Wuxuu aad u doondooni jiray daahirsanaanta, iyo xaqnimada, oo isaga ahaantiisa u gaadhi kari waayey, markaasuu ku qayliyey, “Nin belaysan baan ahay. Yaa iga furan doona jidhkan dhimashada leh?” Rooma 7:24. Taas oo kale ayay oohintii ka soo bixi jirtay xagga qalbiyada culayska saarnaa meel kastaa iyo waqti kastaaba. Dhamaantood waxaa u ahaatay hal jawaab, “Bal eega, Wanka Ilaah ee dembiga dunida qaadaya.” Yooxanaa 1:29. TXM 11.3

Kuwa badan ayaa ka mid ah kuwa uu ruuxa Ilaah runtan u soo bandhigay, oo uu u caddeeyay nafaha doonaya inay ka xoroobaan culaabta dembiga. Markuu Yacquub u gafay walaakiis Ceesow, oo uu ka cararay reerkii aabihiis, waxaa isaga culaab ku noqotay xukunka dembigii uu geystay. Isagoo noqday mid cidloobay oo la buriyey, oo ka fogaaday waxyaabihii ay naftiisa jeclayd oo dhan, wixii ugu weynaa ee naftiisa culayska weyn ku ahaa, waxay ahayd in dembigiisu ka fogeeyay Ilaah, oo dayro ka noqday jannada. Isagoo aad u naxsan ayuu dhulka cidlada ahaa seexday, hareerahiisana waxaa ahaa oo keliya kuro, korkiisana wuxuu arkay oo keliya cirka iyo nuurka xiddigaha. Intuu jiifay ayuu arkay iftiin weyn; markaasuu wuxuu arkay meeshii uu jiifay jaranjar ka baxayso oo gaadhaysa albaabada samada, jaran jarooyinkaasna waxaa hor iyo gadaal ugu socday malaa’igaha Ilaah; xagga amaanta sarena wuxuu maqlay codka Rabbiga oo kula hadlaya isaga qalbiqaboojis iyo rajo. Waxaa waxaas oo dhan Yacquub loogu sameeyay, Ilaah wuxuu arkay siday qalbigiisa iyo naftiisa u doondoonayeen badbaadiye. Farxad ayuu wuxuu ku arkay jidka isagoo dembiile ahaa uu Ilaah ugu noqon karo si uu xidhiidh ula yeesho. Riyadiisa jaranjarradii uu ku arkay waxay matalaysay sida Ciise u yahay dhexdhexaadiyaha keliya ee Ilaah iyo Aadanaha. Muuqaalkaas oo kale ayuu kii uu Ciise isku muujiyey markuu la hadlayey Nataana'eel, oo ahayd goortuu yidhi, “Waxaad arki doontaan samadoo furan iyo malaa’igaha Ilaah oo kor u kacaya oo ku soo degaya Wiilka Aadanaha.” Yooxanaa 1:51. Markuu Aadanuhu ka riddoobeen Ilaah, waxay noqdeen sida kuwa aan Ilaah garan Karin; dhulkana samada waa laga gooyay. Mudnaantiisa awgeed Masiixu wuxuu buundo ka dhisay gacankii uu demigu keenay, si malaa’igaha ay xidhiidh ula yeelan karaan Aadanaha. Masiixu wuxuu dadka dembaabay, oo daciifsan, oo gargaarka u baahan isha xoogga weyn laga heli karayo. TXM 12.1

Haddii ay dadka diidaan isha keliya ee rajada iyo gargaarka dembiileyaasha, riyooyinkooda horumar raadinta ah iyo dadaalkooda ay ugu jiraan inay Aadanaha ku horumariyaan wuxuu noqonayaa hal bacaad lagu lisay. “Hadiyad kasta oo wanaagsan iyo hadiyad kasta oo kaamilan” (Yacquub 1:17) waxay ka ahaadaan xagga Ilaah. Ma jiro dhaqan wanaagsan oo dhamaystiran isaga la’aantiis. Jidka keliya ee Ilaah lagu gaadhi karano waa Masiixa. Wuxuuna yidhi, “Anigu waxaan ahay jidka iyo runta iyo nolosha. Ninna Aabaha uma yimaado xaggayguu ku yimaado maahee.” Yooxanaa 14:6. TXM 13.1

Qalbiga Ilaah wuxuu carruurtiisa dhulka ku doonayaa jacayl ka weyn dhimashada. Markuu Wiilkiisa ina siiyey wuxuu jannada oo dhammu inagu siiyey hal hadiyad ahaan. Noloshii badbaadiyaha iyo dhimashadiisii iyo dhexdhexaadiyenimadiisii, malaa'igihii shulkoodii, calaacalkii ruuxa, aabaha oo kor iyo hoos iyo xaggooda oo dhan kawada shaqeyanayey, xisiihii aan dhamaanayn ee kuwii samooyinka ku noolaa, waxaa dhamaan loo wada diyaariyey furashada Aadanaha. TXM 13.2

Hadaaba aan mahad iyo ammaan ka dhiibno qurbaankii la yaabka lahaa ee laynoo sameeyay! Aan mahadnaq ka dhiibno hawsha iyo xoogga ay samada gelisay inay ku soo celiso kuwa lumay, oo ay ugu soo celiso guriga aabaha. Fikirrada oo la xoojiya, iyo wakiillada oo awooda badan loo yeela, weligood lama hawl gelin Karin; abaalgudka kuwa wanaagga fala, raaxada jannada, bulshada malaa’igaha, wada jirka Ilaah iyo jacaylka Wiilkiisa, iyo sare u qaadidda xooggeenna ee weligiis ahaanayo kuwan miyaanay ahayn kuwa innagu dhiirragelinaya inaan qalbiyadeenna ugu adeegno Abuuraheenna iyo Badbaadiyaheenna? TXM 13.3

Dhinaca kalena, xukunka ayaa lagu dul yidhi dembiyadeenna, abaal marin aan laga baxsan Karin, iyo dhaqammadeenna oo la hooseysiin doona, iyo burburka ugu dambeeya ayaa waxaa lagu wada caddeeyay ereyada Ilaah, si ay inooga digaan inaan u adeegno shaydaanka. TXM 13.4

Miyaanay ahayn inaan aqoonsanno naxariista Ilaah? Maxaa intaas ka badan oo inuu samayn lahaa? Aan xidhiidh toosan la lahaanno kii innagu jeclaaday jacaylkiisa aan la qiyaasi Karin. Aan diyaar u ahaanno inaan gudddoonno waxyaabaha uu diyaarka inoola yahay si aan muuqaalkiisa u lahaanno, oo aan xidhiidh ula yeelanno malaa’igaha isaga u adeega, oo aan ula heshiinno oo ula wadaagno wadajoog Ilaaha Aabaha ah iyo Wiilkiisa. TXM 13.5