Loading...

Loading

Loading
(You are in the browser Reader mode)

3—Toobadkeenid

Sidee buu qofku Ilaah hortiisa xaq ugu noqon karaa? Sidee baa dembiilaha xaq looga dhigi karaa waa xagga Masiixa keliya sida aan Ilaah ula heshiin karno, innagoo ah kuwa quduusiin ah; laakiin sidee baan Ma-siixa ugu iman karnaa? Kuwa badan waxay is weydiinayaan su’aashii ay dadkii badnaa is weydiinayeen maalintii Bentekoste, markay dembiyadooda aqoonsadeen, waxay ku qayliyeen, “Maxaan sameynaa?” Butros jawaabtiisii koowaadna waxay ahayd, “Toobadkeena.” Falimaha Rasuullada 2:37, 38. Mudo gaaban kadibna wuxuu iyaga ku yidhi, “Haddaba toobadkeena oo soo noqda, si dembiyadiinna loo tirtiro.” Falimaha Rasuullada 3:19. TXM 15.1

Toobadkeenidda waxay ka koobantahay in dembiyada laga qoomameeya oo isla markaana laga soo laabto. Waa inaan dembiga ka soo laaban inaan dembi ahaantiisa aragno maahee; inaan qalbiga ka soo noqonna maahee, nolosha ma beddelmi karto. TXM 15.2

Kuwa badan oo waxaa jiraan aan fahmi Karin toobadkeenidda saxda ah. Makhluuqyo badan ayaa murugoodaan oo xataa dhaqan ahaan beddelmaan sababtoo ah waxay ka cabsanayaan in xumaatooyinkooda u keenaan dhibaatooyin iyo silic. Laakiin tan toobadkeenidda oo Kitaabka Quduuska ah ka hadlay. Waxay ka cabsadaan dhibaatooyinka ka imanaya dembiyadooda laakiin kama qoomameeyaan oo kama cabsadaan dembiyadooda. Sidaas oo kale waxaa sameeyay Ceesow, markuu ogaaday in xuquuqdii dhalasha isaga dhaafeen. Balcaam markuu arkay malaa’igtii waranka hortiisa la taagneyd wuu gariiray ma ahayn dembiyadiisa awgood, laakiin wuxuu ka cabsaday in ay Malaa'igtu disho oo noloshiisa waayo; laakiin labadooduba si dhab ah ugama ayan toobadkeenin dembiyadooda, si ujeedo lehna uma ayan soo noqon, xumaantana ma ayan nicin. Yuudas Iskaariyod markuu Rabbigiisi gacangeliyey ka dib, ayuu yidhi, “Waan dembaabay markaan gacangeliyey dhiig eed la.’” Matayos 27:4. TXM 15.3

Qirashadaas waxaa ku qasabtay naftiisa iyo isagoo ka cabsanayey eed iyo inuu xukun ku yimaado. Natiijooyinkii ka imanayey falimahiisa ayaa argagax ku furay isaga, laakiin qudhiisa ma jirin qoomameen dhab ah ee dembigiisa, oo ahaa inuu gacangeliyey Wiilkii Ilaah ee aan iinta lahayn, oo uu beeniyey kii Quduuska ahaa ee Reer binu-israa’iil. Fircoon markay ciqaabtii Ilaah isaga u timid ayuu aqoonsaday dembiyadiisa isagoo ka cabsanayey inay ciqaab kale ku timaado, laakiin markuu belaayooyinkii laga qaaday wuxuu dib ugu noqday dembiyaadiisi. Kuwan aan soo sheegnay oo dhan waxay ka qoomameeyeen wixii ku yimid dembiyadii ay faleen laakiin kama ayan qoomamayn dembiyadooda qudhooda. TXM 16.1

Laakiin marka qalbiga loo dhiibo Ruuxa Ilaah, damiirka wuu jilcayaa, qofka dembiilaha ahna wuxuu kala garanayaa sida uu dembigiisa u xun yahay iyo sharciga Ilaah ee Quduuska ah, iyo aasaaska dowladda Ilaah ee samada iyo dhulka. Kan ahaa, “Nuurka runta ah oo iftiimaya nin walba oo dunida yimaada.” Wuxuu furayaa meelaha qarsoon ee nafta, waxyaabihii gudcurka ku qarsoonaana waa la muujinayaa. Yooxanaa 1:9. Aqoonsi xagga dembiga la aqoonsanaya ayaa qalbiga iyo maanka oo dhan degayaa. Dembiiluhu wuxuu dareemayaa xaqnimada Ilaah markaasuu ka cabsanayaa inuu hor tago Ilaah isagoo ah dembiile oo ah mid aan daahirsanayn. Wuxuu arkayaa jacaylka Ilaah, quruxda quduusnimada, farxadda daahirsanaanta; wuxuu aad u doondoonayaa in la daahiriyo oo dib loogu soo celiyo jannadi ay Aadan iyo Xaawo hore u joogi jireen. TXM 16.2

Baryadii Daa’uud markuu dembaabay ka dib waxay ina tusaysaa ka toobadkeenidda dhabta ee dembiga. Toobadkeeniddiisu waxay ahayd mid qota dheer oo daacad ah. Ma uusan samayn wax dadaal ah oo uu kaga baxsanayo dembiilenimadiisa; mana jeclayn inuu ka cararo ciqaabta uu Ilaah ugu goodiyey kuwa sharka leh, baryadiisa oo dhan ahayd mid daacad ah. Daa’uud wuxuu arkay sida ay qaab daranyihiin xadgudubyadiisa; wuxuuna arkay naftiisu siday u qudhuntay; dembigiisiina aad ayuu uga xumaaday. Uma uusan baryootamin oo keliya in dembiyadiisa laga cafiyo, laakiin xataa wuxuu Ilaah ka baryay in qalbigiisa la daahiriyo. Wuxuu aad u doondoonay farxadda ka timaada quduusnimada, iyo in uu Ilaah mar labaad la lahaado xidhiidh. Naftiisu waxay ku hadashay sidatan: TXM 16.3

“Waxaa barakaysan kii xadgudubkiisa la cafiyey,
oo dembigiisa loo daboolay.
Waxaa barakaysan Ninkii aanu Rabbiga denbi ku tirin,
oo ruuxiisa aanay khiyaano ku jirin.”
 TXM 17.1

Sabuurradii 32:1, 2.

 

“Ilaahow, iigu naxariiso sida raxmaddaadu tahay,
oo xadgudubyadaydana igaga tirtir sida naxariistaada badnaanteedu tahay
Waayo, anigu waan ogahay xadgudubyadayda,
oo dembigayduna hortayduu yaallaa had iyo goorba
Haddab geed husoob ah igu daahiri, oo anna nadiif baan ahaan doonaa:
I maydh, oo anna baraf cad waan ka sii caddaan doonaa
Ilaahow, igu dhex abuur qalbi nadiif ah,
Oo igu dhex cusboonaysii ruux qumman.
Hortaada ha iga xoorin, oo Ruuxaaga quduuska ah ha iga qaadin.
Farxaddii badbaadadaada ii soo celi,
Oo ruux raalli ah igu tiri
Ilaahow, Ilaaha badbaadadaydow,
dhiiggelidda iga samatabbixi:
markaasaa carrabkaygu wuxuu aad uga gabyi doonaa xaqnimadaada.”
 TXM 17.2

Sabuurradii 51:1-14. 

Toobadkeennida noocan ah, kuma heli karno xooggenna oo keliya; waxaa keliya oo laga heli karaa xagga Masiixa, kaas oo samada aaday dadkana hadiyado siiyey. TXM 17.3

Halkan waxaa ah qodob ay kuwa badan ku khaldoomaan, markaasay waayaan gargaarka uu Masiixa diyaarka ula yahay iyaga. Waxay u malaynayaan inayan Masiixa u iman Karin inay marka hore toobadkeenaan maahee, oo toobadkeenidda ay iyaga u diyaarinayso cafinta dembiyadooda. Waa run in toobadkeeniddu ay ka horreynaysa cafinta dembiyada; waayo qalbiga ogaada qudhunka ka buuxa oo keliya ayaa u baahnaanayaa Badbaadiye. Laakiin ma in dembiiluhu u sugaa intuu ka toobadkeenayo, intaanu Masiixa u iman ka hor? Toobadkeeniddu ma inay ahaataa wax dhex taagan dembiilaha iyo Badbaadiyaha? TXM 17.4

Kitaabka Quduuska ah ma barayo in dembiiluhu marka hore toobadkeena, intaanu oggolaan u yedhidda Masiixa ka hor, “Ii kaalaya kulligiin kuwiinna hawshaysan oo culaabaysanow, oo anigu waan idin nasin doonaa.” Matayos 11:27. Waa wanaagga ka imanaya xagga Masiixa, kan inoo hogaaminaya inaan toobadkeenna. Butros wuu caddeeyay taas markuu la hadlayey Reer Binu-Israa’iil oo uu yidhi, “Ilaah baa isaga gacantiisa midigeed sare ugu qaaday inuu ahaado Amiir iyo Badbaadiye si uu Israa’iil toobad iyo dembidhaaf u siiyo.” Fal 5:31. Ma toobadkeeni karno in Ruuxa Masiixa qalbiyadeenna ku abuuro marka horeba inayan badbaado jirin Masiixa la’aantiis maahee. TXM 17.5

Masiixa ayaa ah isha wax walba oo wanaag oo aan samayno. Waa isaga kan keliya oo qalbiyadeenna ku abuuro karayo inaan dembiga cadow la noqonno. Jacayl kastaa oo aan jeclaanno runta iyo daahirsanaanta, iyo dareen kasta oo aan dareenno dembiilenimadeenna, waxay caddeynayaan in Ruuxa Masiixa uu qalbiyadeenna ku dhex jiro oo daqaajinayo qalbiyadeenna. TXM 18.1

Ciise wuxuu yidhi, “Aniguna haddii kor layga qaado dhulka, dhammaan xaggaygaan u soo jiidi doonaa.” Yooxanaa 12:32. Waa in marka hore dembiiluhu u muuqdo Masiixa oo u dhimmanayo Badbaadiyaha dembiyada aduunka; markaan eegno Wankii Ilaah oo saaran isku-talaabtii dhakada, waxyaabihii innaga qarsoonaa eek u saabsanaa qorshihii badbaadada ayaa qalbiyadeenna u furmayaan markaasaa wanaagga Ilaah wuxuu inagu hogaaminayaa toobadkeenid. Markuu Masiixu u dhintay dembiileyaasha, wuxuu muujiyey jacayl aan la qiyaasi Karin; goortuu dembiiluhu arko jacaylkaas qalbigiisa ayaa jilcayaa, maankiisana wuu ammakaagayaa, naftiisuna way dhaqaaqeysaa. TXM 18.2

Waxaa dhab ah in dadka mararka qaar ay ka xishoodaan wadooyinka dembiga leh oo ay ku socdaan, oo ay ka tagaan dembiyada ay ku jiraan qaarkood, iyagoo aan dareensanayn in Masiixa iyaga soo dumayo. Laakiin mar kasta oo ay dadka sameeyaan dadaal ah inay xumaantooda wanaag ku beddelaan, waa Awooda Masiixa tan iyaga soo dumaysa. Saameyn ayan iyaga garanyn ayaa qalbiyadooda dhaqaajinaysaa, damiirkoodana wax buu dareemayaa, noloshoodana dhaqan ahaan ayay u beddelmaysaa. Masiixu markuu iyaga ku soo dhoweeya inay eegaan isku-talaabtiisa, oo ay eegaan kii dembiyadooda awgood loo wareemay, sharka noloshooda, iyo dembiga naftooda ka buuxa ayaa iyaga u muuqanayaa. Waxay wax ka ogaanayaan xaqnimada Masiixa, markaasay odhanayaan, “Muxuu yahay dembiga oo mutaystay in qurbaan loo sameeya, si loo furto kan dembiga leh? Jacaylkan oo dhammu, dhibaatadan dhamaanteed, is-hooseeysiintan oo dhan ma wax loo sameeyay baa inaanan lumin laakiinse aan lahaanno nolosha weligeed ah?” TXM 18.3

Qofka dembiga leh, wuu diidi karaa jacaylkan, wuuna diidi karaa inuu Masiixa u dhowaado; laakiin hadduusan diidin wuxuu u dhowaanayaa Ciise; aqoon xagga qorshihii badbaadada ayaa wuxuu ku hogaaminayaa inuu u dhowaado isku-talaabta Masiixa oo uu dembiyadiisa ka toobadkeena, dembiyadaas oo ku kallifay Wiilka Ilaah inuu dhibtooda. Maanka ka shaqeynaya waxyaabaha Rabbiga ee dabiiciyadda ah ayaa wuxuu la hadlayaa isagoo ku abuuraya inay u dhowaadaan wax ayan fahansanayn oo ayan garanayn. Waxyaabaha dunida ma qancin karayaan naftooda. Ruuxa Ilaah ayaa wuxuu iyaga weydiisanayaa oo ka codsanayaa inay doondoonaan waxyaabaha xaggooda ay ka heli karayaan nabad iyo nasasho, iyo nimcada Ilaah, iyo farxadda quduusnimada. Siyaabo iyo waxyaabo aanan garanayn iyo kuwa aan arkayna ayuu Badbaadiyuhu uga dhex shaqeynayaa qalbiyada dadka inay kaga soo noqdaan waxyaabaha dunida ee dembiga leh, oo u soo laabtaan barakada ay isaga ku lahaan karaan. Nafaha dhammaan doonaya inay ka cabbaan waxyaabaha dunidan waxaa lagu odhanayaa, “Oo kii harraadsanuna ha yimaado. Oo kii doonayaaba biyaha nolosha hadiyad ahaan ha u qaato.” Muujintii 22:17. Kaaga qalbigiisu doonayow wax ka wanaagsan waxyaabaha dunidan ay bixin karayso, aqoonsa oo garo in taasu ka imanayso codka Ilaah ee noloshaada la hadlayo. Isaga weydiiso inuu ku siiyo toobadkeenid, oo kuu muujiyo jacalka Masiixa ee aan la qiyaasi karayn, isagoo ku jira daahirsanaanta kaamilan. Nolosha Masiixa qaynuunnada sharciga Ilaah, ee ah jacaylka Ilaah iyo Aadanaha, si cad ayay uga muuqdeen. Deeqsinimo, iyo jacayl aan keligiisa wax isla doonayn ayay noloshiisa ku dhisnayd. Waa markaan isaga eegno, oo nuurka Badbaadiyaheenna inagu soo degayo, markaan si cad u sii arkayno dembiyada qalbiyadeenna. TXM 19.1

Waxaa laga yaabaa inaan u malayno sidii Nikodemos, in nolosheennu toosantahay, oo dhaqankeenna xagga sharciga sax yahay, oo aan u baahnayn in qalbiyadeenna Ilaah hortiisa ku hooseysiinno, sida kuwa kale ee dembiga leh: laakiin marka nuurka Masiixa nafteenna ka dhex dhalaalo, waxaan arki doonna sida aan u nahay kuwa aan nadiif ahayn; waxaan garan doonna sida aan xagga fikirka uga nahay kuwa wax kastaa iyaga isla jecel, iyo cadaawadda aan Ilaah u qabno, taas oo qudhmisay nolosheenna oo dhan. Markaas ayaan waxaan garan doonnaa in xaqnimadeennu tahay sida wasakh qudhuntay, iyo in dhiigga Masiixa keliya ayaa inaga nadiifin karaa qudhunka dembiyadeenna, oo qalbiyadeenna u cusboonaysiin karaa inaan isaga ekaantiisa lahaanno. TXM 19.2

Hal iftiin oo ka yimaada ammaanta Ilaah, iyo dhibic ka mid ah daahirsanaanta Masiixa, oo nolosheenna soo dhex gelaysa, waxay qudhunkeenna u muujinayaan si cad, waxayna dembiyada Aadanaha keenayaan bannaan cad. Waxay bannaanka soo dhigayaan waxyaabaha aan jecelnahay ee aan quduuska ahayn, iyo kufrinimada qalbiga, iyo faruuraheenna sida ay qudhun u noqdeen. Sida dembiiluhu ugu xadgudbayo sharciyada Ilaah waxay imanayaan hortiisa, ruuxiisuna isagoo noqonaya mid dhibbaysan wuxuu doondoonayaa Ruuxa Ilaah. Aad ayuu isu liidayaa markuu eego daahirsanaanta iyo iin la’aanta Masiixa. TXM 20.1

Markuu Nebi Daanyeel eegay ammaanta ku wareegsanayd Malaa’igtii isaga loo soo diray, wuxuu si dhab ah u arkay daciifnimadiisa iyo qudhunkiisa. Mar uu tilmaamayey waxyaabihii uu arkay, wuxuu yidhi, “Oo xoogna iguma hadhin, quruxdaydiina waxay u rogmatay qudhun, markaasaan xoog iska waayay.” Daanyeel 10:8. Nolosha uu Ilaah taabto way nici is jacaylka ay iyada isu qabto, iyo inay iyada keligeed wax kastaa isla jeclaato, oo waxay xagga xaqnimada Masiixa ku doondooni doontaa daahirsanaata qalbiga oo mid la ah sharciga Ilaah iyo dhaqanka Masiixa. Bawlos wuxuu yidhi, “Xagga xaqnimada sharciga ku jirtaana waxaan ahaa” marka laga hadlayo xagga jidhka, “eedlaawe” (Filiboy 3:6); Laakiin sharciga marka xagga ruuxa laga eegay wuxuu isaga isu arkay mid dembiile ah. Sharciga haddii wax lagu xukumo jidh ahaan, wuxuu ahaa mid dembi iska dhawray; laakiin markuu eegay hoosudheeridda quduusnimada qaynuunnadiisa, oo uu isaga isugu muuqday siduu Ilaah u arko, wuu is-hooseysiiyey wuuna qirtay dembiyadiisa. Wuxuu yidhi, “Waa baan noolaa sharciga la’aantiis, laakiin markii amarku yimid, dembigu waa soo noolaaday, anigun waan dhintay.” Rooma 7:9. Markuu eegay dhinaca Ruuxa ee sharciga, dembigu wuxuu isaga ugu muuqday sida saxda oo uu yahay, qabkiisii iyo wanaagguu isaga isu qabayna way dhamaatay. Ilaah dembiyada oo dhan isku mid uma aha; qiyaastiisa way ku kala duwanyihiin dembiyada, iyo qiyaasta Aadanaha xataa; laakiin si kastaba ha ahaatee siday dembiyada qaar Aadanaha hortooda ugu yaryihiin, Ilaah hortiisa ma jiro dembi yar. Sida ay dadka wax u xukumaan waa mid aan buuxin oo aan dhamaystirnayn; laakiin Ilaah wuxuu wax walba ku qiyaasaa sida ay yihiin. Kan sakhraama wuxuu Ilaah sheegay in dembigiisu ka hor joogasanayo gelidda jannada; laakiin bakheelnimada, kibirka iyo damaca xun dadku iskama reebaan. Laakiin dembiyadan ayaa ah kuwa Ilaah ka cadhaysiinaya; waayo, waxay lid ku yihiin wanaagga iyo sharafta dhaqammadiisa, waxay kaloo lid ku yihiin jacaylkii Ilaah ee ah kan jannada iyo samooyika ka taliya. Ku kastaa oo si xun u dembaabo, waxaa laga yaabaa inuu dareemo dembiyadiisa iyo siduu ugu baahanyahay nimcada Masiixa; laakiin kibirku wax inuu u baahanyanhay ma dareemo, sidaas ayuuna qalbiga uga daboolayaa Masiixa iyo barakooyinka uu u yimid inuu bixiyo. TXM 20.2

Kii cashuurqaadaha ahaa ee ku tukaday, “Ilaahow, ii naxariiso, anigoo ah dembiile” (Luukos 18:13), wuxuu isaga iska soo qaaday mid aad u shar badan, kuwa kalena waxay isaga u arkeen inuu ahaa mid shar badan lahaa; laakiin wuu dareemay wuxuu u baahnaa, isagoo la culaabaysan dembigiisa iyo xumaantiisa ayuuna Ilaah hor yimid, isagoo naxariis weydiisanayey. Qalbigiisa wuxuu u furnaa Ruuxa Ilaah inuu shaqadiisa qabsado oo ka xoreeya awooda dembiga. Kii Faarisiga ahaa oo sida kibirka iyo faanka badan u tukadayna, oo isla ahaa mid xaq ah, waxay tukashadiisii caddayn u noqotay inuu qalbigiisa ka daboolay Ruuxa Ilaah. Ka fogaanshihiisa Ilaah ayaa wuxuu ka dhigay inuusan darayn u yeelan dembigiisa, dembigaas oo lid ku ah quduusnimada Rabbiga. Wax inuu u baahanyahay ma uusan dareemin, waxbana ma uusan helin. TXM 21.1

Haddii aad dareentid oo aad aqoonsatid dembiilenimadaada, ha sugin inaad adiga isa saxdid. Immisaa qof ayaa maleynayaan inayan wanaag badan lahayn oo ayan Masiixa u iman Karin. Ma waxaad u malaynaysaa inaad dadaalkaaga ku wanaagsanaan kartid? “Miyaa Xabashi midabkiisa beddeli karaa, shabeelse miyuu barahiisa beddeli karaa? Markaas idinka xumaanta u bartayba wanaag baad samayn kari doontaan.” Yeremyaah 13:23. Gargaar waxaan ka heli karnaa oo keliya Ilaah. Waa inaanan sugin inaan wax sii fahanno, iyo fursada sii fiican inaan sii helno, iyo quduusnimo inaan sii gaadhno. Innaga ahaanteenna waxba isuma samayn karayno. Waa inaan Masiixa ugu nimaadnaa sida aan nahay. TXM 21.2

Laakiin waa inaanan iska dhaadhacsiin fikirka ah, in Ilaah uu iskaga cafiyi doona kuwa nimcadiisa diida. Heerka ay sharnimada dembigu gaadhsiisantahay waxaa keliya oo si cad loogu arki karaa marka lagu eego iftiinka isku-talaabta. Markay dadka ku doodaan Ilaah waa mid wanaagga ka batay oo iska cafiyi kara dembiilaha, ha eegaan dhakada. Ma jirin si kale oo suurta gelinaysay in Aadanaha ay uga baxsadaan qudhunka dembiga, iyo sabab kale oo Aadanaha ay ku badbaadi kareen, oo dadka dib ugu soo noqon kareen inay ka mid noqdaan kuwa quduuska ah, oo aan ka ahayn qurbaankii uu Ciise isku-talaabta dusheeda ku sameeyay, sababahaas awgood ayay ahaayeen sababihii Masiixu u qaatay dembiyadii kuwa xadgudbay oo uu u silcay beddelkoodii. Jacaylkii Silicii, iyo dhimashadii Masiixa ee Wiilka Ilaah waxay ka wada markhaatifurayaan sida uu dembigu u xun yahay waxayna inoo sheegayaan inayan jirin si kale oo awoodiisa looga fakan karo, oo ayan jirin rajo xagga nolosha samada ah, aan ka ahayn in nafta loo hogaamiyo Masiix. TXM 22.1

Kuwa aan doonayn inay dembiyadooda aqoonsadaan waxay yidhaahdaan markay doonayaan inay dembiyadooda daboolaan, “Waxaan u wanaagsanahay sida ay Masiixiyiintaas u wanaagsanyihiin. Ma ihi kuwa iyaga ka liita, is-hooseysiin ahaan, mana ihi kuwa iyaga ka dhaqan xun, waxay jecelyihiin inay baashaalaan sidayda oo kale.” Waxay khaladaadka kuwa kale ka dhigtaan gabbasho iyagoo og inay sameyn waayeen waxyaabihii uu Ilaah ka doonayey iyaga. Laakiin qof kale dembigiisu uma ahaan karo wax uu ku kale dembiyadiisa kaga fakado, waayo Ilaah inaan kuwa kale dembiyadooda ku dayanno inagama uusan dhigin. Ilaah wuxuu tusaale ahaan inoo siiyey Wiilkiisa iin la’aanta ah, kuwa ka dooda oo ka xumaada dembiyada kuwa kale oo Masiixiyiinta sheeganayo ayaa ah kuwa laga doonaya inay dadka tusaale wanaagsan u noqdaan. Haddii ay garanayaan waxyaabaha Masiixiga laga doonayo, miyaanay iyaga arkayn dembigooda heerka uu gaadhsiisanyahay? Way garanayaan wanaagga, mana doonayaan inay ku dhaqmaan. TXM 22.2

Ka digtoonaada inaad isu malaysaan kuwa wanaagsan. Ha ka tegina inaad dembiyadiinna ka fogaataan, oo aad doondoontaan daahirsanaanta qalbiga xagga Masiixa. Waa xaaladdan sida ay kumannaan ku lumeen. Ma doonayo inaan ku noolaado hubaal la’aanta nolosha; laakiin waxaa jirtaa khatar ay kuwa badan dareensanayn, haddii aan ka daahno inaan isu dhiibno codka Ruuxa Quduuska ee Ilaah, oo aan dooranno dembi; waayo, daahitaankaasu waa sidaas. Dembigu si kastoo oo inoola yaryahay qiyaas ahaan, waxaan si dhab ah u dareemi doonnaa markaan wayno nolosha weligeed ah. Wixii aan ka adkaan kari weyno, wuu inaga doonaa wuxuuna inagu noqon doonaa burburkeenna. TXM 22.3

Aadan iyo Xaawo waxay u maleeyeen maadaamoo ay tahay wax yar haddii ay cunaan midhii laga reebay, inayan cidhibdambeedeedu noqonayn siduu Ilaah u sheegay. Laakiin waxaa ay yaraysteen wuxuu ahaa xadgudub ay ku sameeyeen sharcigii Ilaah ee aan beddelmayn, wuxuuna xadgudubkoodii keenay inay dadka ay Ilaah ka go’aan dunida ku furmaan albaabbada dhimashada iyo belaayooyin aan la sheegi Karin. Sanadba sanadkuu ka dambeeyay aduunyadeennu way wada barooratay, aduunyada waxay la ooyeysaa dembigii oo dadka geystay awgood. Samada xataa waxaa laga dareemay siduu Aadan Ilaah ugu caasiyey. Dhakada waxay weligeed u taagnaanaysaa inay xusuus u ahaato qurbaankii weynaa ee loo sameeyay in lagu kafaaroguda sharcigii lagu xadgudbay. Waa inaan dem-biga ka soo qaadin mid aan waxba ahayn oo yar. TXM 23.1

Xadgudub kastaa oo la sameeyo, iyo diidmo kastaa oo la diido nimcada Masiixa, waxay innagu soo noqonaysaa isla innaga; waxay sii adkaysaa qalbiga, doonistana way sii daciifisaa, fahankeennana way dabooshaa, ugu dambeyntana waxay innaga dhigaan inaan kari wayno inaan Ilaah isu dhiibno iyo Ruuxa Quduuska ah. TXM 23.2

Kuwa badan ayaa aamusinayaan damiirkooda dhibbaysan iyagoo maleynaya inay beddelmi karaan markay iyaga doonayaan oo doortaan; waxay u maleeyaan inay ku jeesjeesi karaan naxariista Ilaah, oo ay arki doonaan wax ay la sii yaabaan. Waxay u maleeyaan ka dib markay yaray-steen ruuxa Ilaah, oo ay la safteen shaydaan, markay dhibaato weyn ku timaado inay beddelmi doonaan. Laakiin beddelkaas wax si fudud lagu samayn karo ma aha. Waxay dadka aad u qiimeeyaan wax barashada, waayaaragnimada, nolosha, kuwa badanna maba doonaan inay helaan muuqaalka Masiixa. TXM 23.3

Hal dhaqan oo xumaan ah, iyo hal damac oo xumaan ah, oo mudo badan la sameeyo, waxay marka dambe inaga digtaa inaan daciifsanno awooda injiilka. Dembi kasta wuxuu naftaa ka dhigaa inay Ilaah ka sii fogaato. Qofka ku adkaysto kufrinimadiisa, oo diida inuu runta Rabbiga ku dhaqmo, wuxuu guran doonaa midhihii uu gacmihiisa ku beertay. Kitaabka Quduuska ah wuxuu si cabsi leh uga digay dembiga la caadaysto, mar uu Nebi Sulaymaan ka hadlayey taas wuxuu yidhi, “Kan sharka leh waxaa qabsan doontaa xumaantiisa.” Maah 5:22. TXM 23.4

Masiixa wuxuu diyaar u yahay inuu dembiyadeenna innaga xoreeya, laakiin doonista ma qasbo; haddii aan xadgudubyadeenna ku sii soconno, oo qalbiga aan u jilcinno sharka, oo aan jeclaan wayno in xor laynaga dhigo, haddii aan aqbali kari wayno nimcadiisa, maxaa intaas ka badan buu inoo samayn karaa? Waxaan innaga qudheenna isku kharribnay go’aankeenna ah inaan diidnay jacaylkiisa. “Bal eeg, hadda waa wakhtigii la aqbalay; bal eeg, hadda waa maalintii badbaadinta.” “Maanta haddaad codkiisa maqashaan, Qalbiyadiinna ha adkaynina.” 2 Korintos 6:2; Cibraaniyada 3:7, 8. TXM 24.1

“Dadku waxay fiiriyaan muuqashada dusha, Rabbiguse qalbiguu fiiriyaa.” Qalbiga dadka, oo ay ka buuxaan farxadda iyo murugada; gadgaddoonka qalbiga ee ah kan xumaanta oo dhan ka timaado. Samuu’eel koowaad 16:7. Ilaah wuxuu garanayaa wax kastaa oo qalbigu doonayo, iyo ujeedooyinkiisa. Isaga ula tag naftaada qudhuntay oo dhan. Sidii Daa’uud naftaada oo dhan ku tuur kan ay ishiisu wax kastaa aragto adigoo leh, “Ilaahow, I baadh, oo qalbigayga garo, I tijaabi, oo fikirradayda ogow, Oo bal fiiri inuu jid xumaan ahu igu jiro iyo in kale, oo igu hoggaami jidka weligiis ah.” Sabuurradii 139: 23, 34. TXM 24.2

Kuwa badan ayaa waxay diinta u aqbalaan caqliyan ahaan, oo wanaag badanna sameeyaan, iyagoo qalbiyadoodu aan daahir ahayn. Baryadaadu ha ahaato, “Ilaahow, igu dhex abuur qalbi nadiif ah, oo igu dhex cusboonaysii ruux qumman.” Sabuurradii 51:10. Naftaada si dhab ah u baadh. Waxaad u taxaddartaa sidaad u taxaddari lahayd haddii naftaada loo iman lahaa in la dilo. Arriintan waa arriin aad ku doonaysa inaad ku xallisid adiga iyo Ilaah, taas oo weligeed ahaanayso. Haddii aad rajo uun iska lahaatid, oo Aadan dadaal kale samayn waxay kuu geyn doontaa burburkaada. TXM 24.3

Ilaah ereygiisa u baro si tukasho leh. Ereygaas hortaada dhigaya sharciyada Ilaah iyo noloshii Masiixa, iyo qaynuunnada quduusnimada, oo la’aantiisna “aan ninna arki doonin Ilaah.” Cib 12:14. Wuxuu ina dareensiiyaa dembiyadeenna; wuxuuna si cad inoogu muujiyaa jidka badbaadada. U dhegayso codka Ilaah ahaan oo naftaada la hadlayo. TXM 24.4

Markaad dembiga sida uu yahay aad aragtid, oo kuu muuqato waxa dhabta oo aad tahay, ha rajo dhigin. Masiixu wuxuu u yimid inuu badbaadiyo waa dembiileyaasha. Weligeen lama aan heshiin lahayn Ilaah, hadduusan ahaan lahayn jacaylkii! Ilaah oo Masiixa ku dhex jira ayaa, “Ilaah duniduu Masiix kula heshiiyey.” 2 Korintos 5:19. Wuxuu jacaylkiisa ku dhiirragelinayaa qalbiyada carruurtiisa dembiga leh. Ma jiro waalid dhulka jooga oo ugu dulqAadan karo carruurtooda khaladaadka ay galaan siduu Ilaah kuwa uu badbaadinayo u doondoona. Ma na jiro qof xadgudbay qof ugu dul qAadan karo siduu Ilaah ugu dul-qaato. Siduu Ilaah dadka ula hadlona ma jiro qof ula hadli karo. Ballamadiisa, iyo digniinahiisa oo dhan waxay inoo wada muujinayaan jacaylkiisa aan la qiyaasi Karin. TXM 25.1

Markuu shaydaanku ku dareensiiyo inaad dembiile weyn tahay, Badbaadiyahaaga kor u eeg, oo shaydaanka u sheeg waxyaabihii uu Ma-siixu kuu sameeyay. Waxa keliya ee kuu gargaari karo waa markaad eegtid iftiinkiisa. Aqoonso dembigaaga laakiin shaydaanka waxaad u sheegtaa in “Ciise Masiix dunida u yimid inuu badbaadiyo dembiileyaasha” Oo aad ku baadbaadi kartid jacaylkiisa. 1 Timoteyos 1:15. Ciise ayaa wuxuu Siimoon weydiiyey labo nin oo ammaah lagu lahaa. Mid wuxuu sayidkiisu ku lahaa lacag yar, kii kalena waxaa lagu lahaa lacag badan; laakiin labadoodiiba wuu u cafiyey deentoodii, markaasuu Masiixu su’aal dib u weydiiyey Siimoon oo ku yidhi, kee baa Sayidkiisa si aad ah u jeclaanayaa. Siimoon wuxuu ku jawaabay, “Kan uu wax badan u dhaafay.” Luukos 7:43. Waxaan ahaan jirnay dembiileyaal waaweyn, laakiin Masiixa ayaa u dhintay inuu inoo dembidhaafo. Qurbaankiisa ayaa ah kan uu Aabaha hortiisa inagu geynayo. Kuwii uu dembiyada badan oo cafiyey ayaa ahaanaya kuwa isaga aadka u jeclaanaya, waxayna joogsan doonaan carshigiisa agtiisa si ay uga mahad celiyaan oo u amaanaan jacaylkiisa iyo qurbaankiisa. Waa markaan jacaylka Ilaah buuxnaantiisa ku eegno, markaan dembiga sida uu dhab ahaanta u yahay u garanayno. Markaan eegno dherarka xadhiggii awgeen loo dhigay, oo aan wax ka fahanno qurbaankii uu Masiixa awgeen u sameeyay, qalbigeennu wuxuu la dhalaalayaa jacayl iyo dabacsanaan iyo qoomamo. TXM 25.2