Loading...

Loading

Loading
(You are in the browser Reader mode)

1—Ilaah Wuxuu jacayl u yahay Aadanaha

Dabiiciyadda iyo Muujinta ayaa isku si uga markhaatifurayaan jacaylka Ilaah. Aabaheenna jannada waa isha keliya ee nolosha, iyo xigmadda, iyo farxadda. Eeg waxyaabaha la yaabka leh ee dabiiciyadda. Ka fikir siday ula qabsadaan waxyaabaha ay u baahanyihiin iyo farxadooda, Aadanaha keliya ma aha laakiin noolaha oo dhan. Iftiinka qorraxda iyo roobka, dhulka fidnaantiisa iyo udgoonkiisa, kuraha iyo badaha, iyo meelaha bannaanka ah, waxay dhammaantood inagala hadlaan jacaylka abuuraha. Waa Ilaah kan irsaaqa abuurkiisa oo dhan. Daa’uud wuxuu yidhi, TXM 4.1

“Wax kasta indhahoodu adigay wax kaa sugayaan, oo quudkoodana waad siisaa xilligiisa. Gacantaadaad furtaa, oo waxaad dherjisaa wax kasta oo nool.” Sabuurradii 145:15, 16. TXM 4.2

Ilaah wuxuu Aadanaha abuuray isagoo ah mid farxsan oo quduus ah oo dhamaystiran; Dhulka wanaagsanna markuu Ilaah abuuray, wuxuu ahaa mid aan lahayn qudhun iyo habaar toona. Waa markii lagu xadgudbay sharcigii Ilaah, sharciga ah jacaylka, markay dunidu timid belaayo iyo dhimasho. Laakiin weli iyadoo ay jirto silic iyo dhibaatooyin ka yimid xagga dembiga, Ilaah jacaylkiisa waa muuqdaa. Waxaa qoran in Ilaah dhulka u habaaray dembiga Aadanaha awgiis. Billowgii 3:17. Qodxanta iyo yamaarugga, dhibaatooyinka iyo tijaaboyinka noloshii Aadan ka dhigayey mid dhibtooda, waxaa dhamaan loo fasaxay inay qeyb ka ahaadaan wanaag oo uu Ilaah ugu talagalay inay ku tababaraan qorshaha Ilaah ee uu isaga kaga dul qaadayay burburka iyo dhibaatooyinka uu dembiga u keenay. Dunida in kastoo ay mid dembi leh tahay, haddana ma wada aha mid murugo iyo dhibaato ka buuxda. Dabiiciyadda qudheeda ayaa waxay inoo sheegaysaa farriimo rajo iyo qalbiqaboojis leh. Ubaxyada ayaa ku dul yaallaan yamaarugga dushiisa, qodxaantana waxaa daboolay wax indhaha u roon. TXM 4.3

“Ilaah waa jacayl” ayaa ku dul qoran dhir kasta iyo caws kasta. Shimbiraha codkooda hawada oo dhan ku qaadaya, ubaxyada quruxda badan ee carfinaya hawada, geedaha waaweyn ee duurka ee dhulka caagaarinaya, waxay ka wada marag furayaan dabacsanaanta iyo sida taxaddarka leh ee uu Ilaah u doonayo inuu carruurtiisa kaga farxiyo. TXM 5.1

Ereyga Ilaah wuxuu muujinayaa waxa uu Ilaah yahay. Isaga qudhiisa ayaa ka hadlay jacaylkiisa iyo naxariistiisa aan la qiyaasi Karin. Markuu Muuse ku tukkaday, “Waan ku baryaayey ammaantaada I tus.” Rabbigu wuxuu ugu jawaabay, “Wanaaggayga oo dhan ayaan hortaada soo marin.” Baxniintii 33:18, 19. Tani waa amaantiisa. Rabbigu wuxuu soo maray Muuse hortiisa, markaasuu yidhi, “Waxaan ahay Rabbiga, Rabbiga oo Ilaah raxmad iyo roonaan badan, oo cadho u gaabiya, oo naxariis iyo run badan, oo kumaankun u naxariista, oo xumaanta iyo xadgudubka iyo dembiga dhaafa.” Baxniintii 34:6, 7. Isagu waa “Mid aan si fudud ku cadhoon, oo naxariis badan leh,” “Waayo, wuxuu ku farxaa naxariista.” Yoonis 4:2; Miikaah 7:18. TXM 5.2

Ilaah wuxuu qalbiyadeenna ku calaamadeeyay astaamo aan lagu tirin Karin samada iyo dhulka. Xagga waxyaabaha dabiiciyadda, iyo dabacsanaanta ugu hooseysa dhulka ee qalbiyada Aadanaha garan karaan, wuxuu doonay inuu isu keen muujiyo. Waxyaabahaas oo dhan iyadoo ay jiraan, jacaylkiisa siduu yahay uma muujinno. In kastoo caddeymo badan jiraan, kan ah cadowga wanaagga wuxuu indho tiray dadka, si ay Ilaah ugu eegaan cabsi; waxay isaga ka malaystaan mid ciqaabtiisu aad u daran tahay oo aan dembiyada cafiyin. Shaydaanku wuxuu dadka ka dhigay inay aaminaan in Ilaah tilmaantiisa ugu weyn ay tahay cadaalad, oo yahay Xaakin ciqaab adag, iyo mid aad u kulul. Wuxuu dadka Ilaah ugu sawiray inuu yahay mid iyaga ku eegaya Il masayrsan si uu u kala saaro khaladaadka Aadanaha, oo uu diyaar ula yahay xukun iyo ciqaab. Sababtii ugu weynayd ee uu Ciise dunida u yimidna waxay ahayd, inuu gudcurkan qaado oo uu dadka u muujiyo jacaylka dhabta ah ee Ilaah ee aan la qiyaasi Karin. TXM 5.3

Wiilka Ilaah wuxuu samada uga yimid inuu Aabaha muujiyo. “Ninna ma arkin Ilaah marnaba, Wiilka keliya oo laabta Aabaha ku jira kaasaa inoo sheegay.” 1:18. “Oo ninna Aabaha garan maayo Wiilka maahee iyo kii Wiilku doonayo inuu u muujiyo.” Matayos 11:27. Mar mid ka mid ahaa xertii uu codsaday isagoo leh, “Aabaha na tus,” Ciise wuxuu ugu jawaabay, “Ma intaas badan baan idinla joogay, oo aanad I garanaynin, Filibosow? Kii I arkay wuxuu arkay Aabaha. Sidee baad u leedahay, Aabaha na tus.” 14:8, 9. TXM 5.4

Mar uu tilmaan ka bixinayey shuqulkii uu u yimid dhulka, Ciise wuxuu yidhi, “Ruuxii Rabbiga ayaa I dul jooga, waayo, wuxuu ii subkay inaan war wanaagsan masaakiinta ku wacdiyo, wuxuuna ii soo diray inaan kuwa xidhan furriinimada ogeeysiiyo iyo kuwa indhaha la’ soo celinta araggooda iyo inaan kuwa nabaraysan soo furfuro.” Luukos 4:18 Tan ayay ahayd shaqadiisa. Wuxuu keliya oo samayn jiray wanaag iyo inuu bogsiiyo kuwa shaydaanka uu addoonsaday. Waxaa markii dambe la arakayey tuulooyin dhan oo aan laga helayn hal qof oo xanuunsan, waayo Ciise ayaa soo dhex maray tuuladaas oo wada bogsiiyey kuwii dhammaan bukay. Shuqulladiisa waxay ka markhaatifurayeen subkiddiisa xagga Rabbiga. Jacayl, naxariis, iyo kalgacayl ayaa ka dhex muuqanaysay shuqul kastoo uu sameeyo; qalbigiisu wuxuu aad ugu dabacsanaa carruurta Aadanaha. Wuxuu u qaatay dabiiciyadda Aadanaha inuu wada gaadho doonista dadka oo dhan. Kuwa ugu masaakiinsanaa oo ugu hooseeyay kama aysan xishoon jirin inay isaga hor istaagaan. Xataa ilmaha yaryar ayaa isaga u iman jiray Waxay jeclaan jireen inay dhabtiisa ku fadhiistaan oo eegaan wejigiisa naxariista iyo jacaylka ka buuxaan. TXM 6.1

Ciise ma uusan qarin hal hadal oo run ahaa, laakiin wuxuu dadka runta ugu wada sheegi jiray si jacayl ku jira. Wuxuu isticmaali jiray fikir iyo qaab iyo naxariis badan markuu dadka la hadlayo. Weligiis ma uusan ahayn mid dadka si xun ula hadlo, erey aan loo baahnayna kuma uu hadli jirin. mana uusan xanuujin jirin naf aan xanuun doonayn; mana uusan ka hadli jirin ceebaha dadka. Wuxuu had iyo goorba ku hadli jiray runta, laakiin jacayl ayuu kula hadli jiray. Wuxuu diidi jiray munaafaqnimo, rumaysad la’aan, iyo dembiga; wuxuu ku dul ilmeeyay Yeerusalem, oo ahayd magaaladii uu jeclaa, oo diidday inay isaga qaadato, kan ah, jidka, runta iyo nolosha. Inuu badbaadiye yahay wey diideen isaga, laakiin wuxuu iyaga ula dhaqmay si naxariis leh. Noloshiisa waxay ahayd mid aan wax kasta isaga isla jeclayn, oo dadka kale ka fikiro. Naf kastaa waxay indhihiisa hortooda ka ahayd mid qaali ah. Maadaamoo uu isagu ka soo tegay amaantiisii Ilaahnimada, wuxuu ku kastaa oo reerka Ilaah ka tirsan ula dhaqmay dabacsanaan. Dadka oo dhan waxaa isaga uga dhex muuqday kuwa dembi leh, kuwaas oo ahaa kuwii uu u yimid inuu badbaadiyo. TXM 6.2

Taas ayaa ah dhaqanka Masiixa siday noloshiisuba muujisay. Waana taas dhaqanka Ilaah. Waa xagga qalbiga Aabaha meesha ay durdurka jacaylka ku muuqanayaan Masiixa, iyagoo u sii dhoweynaya Aadanaha xagga dadka Ilaah. Ciise, Badbaadiyihii dabacsanaanta iyo naxariista badnaa wuxuu ahaa Ilaah “Ku muuqday jidh ahaan.” 1 Timoteyos 3:16. TXM 7.1

Waxay ahayd inuu kafaarogud inoo noqdo sababtii uu Ciise u noolaa, oo u silcay oo u dhintay. Wuxuu noqday “Mid murugo badan,” si aan innaga qeyb uga qaadanno farxadda weligeed ah. Ilaah wuxuu oggolaaday in Wiilkiisi uu aadka u jeclaa, oo nimcada iyo runta ka buuxday, ka soo tago meeshii amaanta badan lahayd, oo uu yimaado aduunyadan dembiga badan, oo la madoobaatay hooska dhimashada iyo habaarka. Wuxuu kaloo oggolaaday inuu ka soo tago, aasaaskii jacaylkiisa, ammaantii malaa'igaha, oo u adkeysto ceeb, cay, is-hooseysiin, cuqdad, iyo dhimasho. “Edbintii nabaadiinadeennana dushiisay ku dhacday, dildillaacisiina waynu ku bogsannay.” Ishacyaah 53:5. Bal eeg, goortuu joogay lamadegaanka, iyo beertii Geedsamane, iyo markuu isku-talaabta saarnaa! Wiilkii Ilaah oo aan iin lahayn wuxuu qaaday culayskii dembiga. Kii Ilaah midka la ahaa, kan naftiisa ka dareemay kala fogaanshaha uu dembiga u keenay Ilaah iyo Aadanaha. Ereyadan waxay ka soo baxeen faruurahiisa markuu ku qaylinayey, “Ilaahayow, Ilaahayow, maxaad ii dayrisey?” Matayos 27:46. Wuxuu ahaa culayskii dembiga, iyo dareenka xanuunkiisa, iyo ka fogaanshaha nafta ee xagga Ilaah, taas ayay ahayd wixii jebiyey qalbigii Wiilka Ilaah. TXM 7.2

Laakiin qurbaankan weyn looma sameyn in qalbiga Aabaha lagu abuuro jacayl xagga Aadanaha ah, oo laga dhigo inuu doono inuu dadka bad baadiyo. Maya, maya! “Ilaah intuu dunida jacayl u qabay ayuu siiyey Wiilkiisa keliya oo dhashay.” Yooxanaa 3:16. Aabaha wuu na jecelyahay, sababtu ma aha qurbaankii weynaa awgii, laakiin qurbaankaas wuxuu inoo siiyey jacayl uu inoo qabo awgiis. Masiixa ayaa noqday dhexdhexaadiyaha uu dunida dembiga leh jacaylkiisa ku soo gaadhsiin karay. “Ilaah duniduu Masiix kula heshiiyey.” 2 Korintos 5:19. TXM 7.3

Ilaah wuxuu la dhibtooday Wiilkiisa. Xanuunkii beertii Geedsamane, dhimashadii dhakada, qalbi ka yimid xagga jacaylka aan la qiyaasi Karin ayaa dhiibay/bixiyey qiimihii kafaaragudkeenna. TXM 8.1

Ciise wuxuu yidhi, “Sidaas daraadeed Aabuhu waa I jecelyahay, waayo, naftaydaan bixiyaa inaan mar kale qaato.” Yooxanaa 10:17. TXM 8.2

Taas micnaheedu waxaa weeye, “Aabahay wuxuu idiin jecel yahay siduu aniga ii jecelyahay markuu naftayda u bixiyey inuu idinka kafaarogud idiinka dhigo. Anigoo noqday beddelkiinna iyo hubaashiinna, iyo nolosheydii aan dhiibay, iyo qaadashadaydii khaladaadkiinna iyo xadgudubyadiinna, waxaan ahay mid Aabihiis aad u jecel yahay; waayo, xagga qurbaankaygii, Ilaah wuxuu noqonayaa mid caadil iyo xaq ah, oo xaq buuna ka dhigayaa ku kastaa oo Ciise rumaystaa.” TXM 8.3

Ma jirin mid kale oo aan ka ahayn Wiilka Ilaah oo kafaarogud inoo noqon karay; waayo, kii keliya ee ku jiray laabtii Aabaha ayaa sheegi karay. Kii keliya ee garanayey waxa dhabta ee uu jacaylka Ilaah yahay ayaa muujin karay Wax ka hooseeyay qurbaankii aan la qiyaasi Karin ee uu Masiixu u sameeyay dembigii Aadanaha awgood oo dunida luntay u soo bandhigi karay jacaylka Ilaah ma jirin. TXM 8.4

“Ilaah intuu dunida jacayl u qabay ayuu siiyey Wiilkiisa keliya oo dhashay.” Uma uusan bixin oo keliya inuu dadka ku dhex noolaado, laakiin wuxuu kaloo u yimid inuu dembiyada dadka qaado, oo qurbaan ahaan u noqda. Ilaah wuxuu Wiilkiisa u bixiyey inuu dunida dembaabtay kafaarogud u noqda. Masiixu waxay ahayd inuu isla aqoonsado danaha gaar ahaanayd ee Aadanaha. Kii Ilaah midka la ahaa wuxuu xidhiidh kula yeeshay dadka ku aan weligiis jebin doonin. Ciise, “Kama xishoonaya inuu iyaga ugu yeedho walaalladiis” (Cib 2:11); Waa qurbaankeenna, iyo dhexdhexaadiyaheenna, iyo walaalkeen, isagoo qaatay sawirkeenna Aadanaha xagga Aabaha, weligiisna wuu ahaanayaa sidaas kuwa uu furtay awgood. Wuxuu waxaas oo dhan u sameeyay in uu dadka ka qaado dhibaatada iyo dullinimada uu dembigu keenay, oo ay u arkaan jacaylka Ilaah oo dadka kale ula qeybsadaan farxadda ka timaada quduusnimada. TXM 8.5

Qiimihii loo bixiyey madaxfurashadeenna awgeed, iyo sidii Aa-baha u huray Wiilkiisii inuu u dhinto dembiyadeenna, waa inay qiimo dheeraad ah iyo fikir wanaagsan inaga siiyaan waxa aan Masiixa ka malaysanayno. Markii loo waxyooday Rasuul oo uu arkay dherarka iyo hoosudheeridda iyo ballaadhka jacaylka Aabaha uu u qaba dadka, waxaa ka buuxsantay ammaan iyo sharaf xagga Ilaah ah; isagoo garan waayey luuqad uu ku tilmaamo jacaylkan baaxadda weyn leh, wuxuu aduunyada ugu yeedhay inay dhawrto. TXM 8.6

“Bal ogaada siduu yahay jacaylka Aabuhu ina siiyey, taasoo ah in laynoogu yeedho carruurta Ilaah.” 1 Yooxanaa 3:1. TXM 9.1

Qiimo intee la'eg ayay tan Aadanaha u yeelaysaa? Markay dembaabeen Aadanaha waxay noqdeen carruurta shaydaanka. Xagga rumaysadka qurbaankii uu Masiixu u sameeyay Wiilasha Aadanaha waxay noqon karaan carruurta Ilaah. Masiixu markuu qaatay suuradda Aadanaha wuxuu sare u qaaday sharafta Aadanaha. Dadkii dembaabay waxay gaadhayaan meel haddii ay Masiixa ku xidhiidhsanaadaan ay hubaal noqon karaan kuwa mudan in loogu yeedho magaca ah “Wiilasha Ilaah.” TXM 9.2

Jacaylkaas wax lala barbardhigi karo ma jiro. Carruurta boqorka janada! Ballanqaadka qaaliga ah! Waxay ku soo bandhigayaan cibaado aan la qiyaasi Karin! Iyo jacaylka Ilaah xagga aduunyada aan isaga jeclaan! Fikirkaas wuxuu xakameynayaa nafta, qalbigana wuxuu ka dhigayaa mid u hogaansan doonista Ilaah. Markaan Ilaah sii fahmayno sida uu yahay innagoo ku eegayno xagga isku-talaabta, waaye intaan sii arkayno naxariis, dabacsanaan, iyo dembidhaaf ku dhex laban isla mid ahaansho iyo cadaalad, goortaas ayaan si cad u sii garanaynaa jacaylka aan la qiyaasi Karin iyo naxariis badan oo ka sii badan tan ay hooyadu u qabto carruurteeda. TXM 9.3